Liiska Wasiirada ugu Liita Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi iyo Xeel-dheerayaasha Siyaasada Indho-indheeya oo ka Digaya Khatar Kusoo Fool leh Hadii Aanu Deg-deg Usoo Dhisin Xukuumadda tayo leh....

0
Wednesday June 13, 2018 - 06:32:57 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2825
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Liiska Wasiirada ugu Liita Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi iyo Xeel-dheerayaasha Siyaasada Indho-indheeya oo ka Digaya Khatar Kusoo Fool leh Hadii Aanu Deg-deg Usoo Dhisin Xukuumadda tayo leh....

    Golaha Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi oo Noqday Kuwo aan Shaqadooda ka Adkayn, jawaab Kaga Filnayd, Beelo aan Saamayn Ku lahayn Cid aan u jawaabi karayn, Qaran aan difaaci Karayn Golaha Xaabada ka Liitana noqday....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Golaha Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi oo Noqday Kuwo aan Shaqadooda ka Adkayn, jawaab Kaga Filnayd, Beelo aan Saamayn Ku lahayn Cid aan u jawaabi karayn, Qaran aan difaaci Karayn Golaha Xaabada ka Liitana noqday....
Golaha Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi uu soo dhisay, ayaa dhamaantood Ku Fashilmay shaqadii Madaxweynuhuu u magacaabay, kuwaasoo shaqadii loo igmaday dayac badan iyo baylah qaran kaga soo faruurantay Madaxtooyada Somaliland.
Dayacaada shaqadii Golaha Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi soo dhisay, ayaa keentay in Madaxweynaha dalka ay soo foodsaarto culaysyo badan oo kala duwan, sidoo kale dayaca shaqo ee Masuuliyiinta ugu saraysaa dalka, markaa laga reebo Madaxweynaha, waxay dhib weyn Ku haysaa bulshada jilicsan ee Somaliland, markay adeegyo uga baahdaan xarumaha dawlada.
Hadaba xeel-dheerayaasha indho-indheeya Siyaasada Somaliland iyo diblumasiyiinta dumaalada fog, ayaa si toos ah farta ugu fiiqaya Wasiirada shaqadoodii Ku Fashilmay ee kamid ah Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi, waxanay ka digayaan dhibka qaranku dhaxli doono, hadii aanu Madaxweyne Muuse Biixi ka qaadan go'aan uu kaga saarayo Xukuumaddiisa, isla markaana uu kusoo dhisaayo gole wasiiro haybad leh oo shaqadooda kasoo baxa, sidoo kalena loo eego saamaynta bulshada Ku leeyihiin xubnaha Golaha Xukuumadda Madaxweyne ee la filayo in la kala hufo oo haadiyo. Waxa kaloo xusid mudan in Madaxweyne Muuse Biixi looga baahan yahay masuuliyiinta cusub inay noqdaan kuwo mid kasta loo magacaabo shaqada Ku haboon.
Wasaarada Ku fashilmay shaqadoodi, isla markaana waxba ugu filnaan waayey Madaxweynihii magacaabay iyo qarankaba, wasiiradan ayaa midna waxba Ku wanaagsanayn, waxanay kala yihiin.
1: Wasiirka Ariimaha dibada
2: Wasiirka Warfaafinta iyo Dhaqanka
3: Wasiirka Hormarinta wadooyinka
4: Wasiirka Ariimaha gudaha iyo amniiga qaranka
5: Wasiirka Cadaalada
6.Wasiirka Macdanta
7: Wasiirka Maaliyada
8: Wasiirka Caafimadka
9: Wasiirka Ciyaaraha
10: Wasiirka Gaashaandhiga
11: Wasiirka Ganacsiga
12: Wasiirka qorsheynta.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured