Socdaalkii Gurmadka iyo Qiimaynta Xaalada Caafimaad Deegaanadii Duufaantu Ku Dhufatay Ee Gobolada Awdal iyo Selel. Mohamed Adan Gacayte

0
Monday June 11, 2018 - 06:30:56 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1149
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Socdaalkii Gurmadka iyo Qiimaynta Xaalada Caafimaad Deegaanadii Duufaantu Ku Dhufatay Ee Gobolada Awdal iyo Selel. Mohamed Adan Gacayte

    Socdaalkii Gurmadka iyo Qiimaynta Xaalada Caafimaad Deegaanadii Duufaantu Ku Dhufatay Ee Gobolada Awdal iyo Selel. Mohamed Adan Gacayte

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Socdaalkii Gurmadka iyo Qiimaynta Xaalada Caafimaad Deegaanadii Duufaantu Ku Dhufatay Ee Gobolada Awdal iyo Selel. Mohamed Adan Gacayte
Wafti uu hogaaminayo Wasiir ku xigeenka Wasaarada Horumarinta Caafimaadka Cabdinaasir Cumar Jaamac ayaa Safar shaqo oo qaatay mudo afar maalmood ku kala bixiyay Gobolada Awdal iyo Salal. Socdaalkan ayaa ujeedadiisu ahayd kormeerida duruufta caafimaad ee bulshada ku dhaqan deegaanadii ay ku dhufatay duufaantii Sagar, khasaaraha uusoo gaadhsiiyay dhisamayaasha xarumaha caafimaadka sida MCH yada iyo Hospitalada, ka hortaga xanuuno ka dhalan kara bakhtiga xoolahii le'eday duufaanta iyo Qaybinta Daawooyin lagu xoojinayo gurmadkii duufaanta. 


Waftigan waxa ku wehelinayay Wasiir ku xigeenka, Isuduwayaasha W. Caafimaadka ee Gobolada Awdal iyo Salal iyo Sidoo kale khubaro ka socota Ururka Urban Waste Management Systems & Environmental protection. Hadaba marka laga yimaado khasaaraha dhimashada dadka, Duunyada iyo Dalagyadii Beeraha, waxa sidoo kale jira khasaaraha dhismayaasha xarumaha caafimaadka oo gabi ahaanba burburiyay oo qaarkood xataa meel dawo la dhigo la hayn sida (Gargaara iyo Lughaya), Wasiir xigeenka caafimaadka indhahiisa ayuu kusoo arkay baaxada khasaaraha wuxuuna balan qaaday inay si degdega uga jawaabi doonaan, dayactirna lagu samayndoono si aanay u istaagin adeega caafimaadka bulshada ee deegaanadan oo u baahan gurmad iyo gacan qabasho si loo sugo badqabka nolosha bulshada duufaantu saamaysay. 

Wasiirku wuxuu soo kormeeray xarumaha caafimaad ee gobolka Selel, MCH yadu xoogbay u shaqaynayaan guud ahaan deegaan walba lkn nasiib daro Cisbitaalka Saylac iyo Xariirad midna ma shaqeeyo waqti xaadirkan, sababo la xidhiidha dayactir, qalab iyo dhakhaatiirba, Wasiir xigeenku waa uusoo arkay caqbadaha jira, wuxuuna  balanqaaday inay dhakhso u furi doonaan diyaarna u yihiin dhakhaatiirtii ka hawlgali lahayd iyo dawadiiba. Dayactirkiisana ay iska kaashan doonaan Badhasaabka Gobolka Selel, Dawlada Hoose Ee D/Saylac iyo Wasaarada Horumarinta Caafimaadka. 

Waxa xusid mudan Isuduwayaasha caafimaadka ee Gobolada Awdal iyo Salal, dhakhaatiirta iyo hawlwadeenadooda oo muujiyay dadaal wayn iyo gurmad balaadhan xili ay adag tahay isku socodku waxaanay noqdeen cidii ugu horaysay ee ka jawaaba habeenkii ay dhacday duufaantu, gaadhsiiyayna gargaar caafimaad. Waftigan wasiir ku xigeenka caafimaadku waxay u kuur galeen habsami u socodka adeegyada caafimaad ee deegaanadan iyagoo warbixino ka dhagaysanaya Masuuliyiinta ku sugan xarumaha caafimaadka, baahiyahoogana qiimaynayay. Safarkan wuxuu kusoo dhamaaday guul iyo gurmad khayr qaba.

Wabilahi tawfiiq 
Mohamed Adan Gacayte 
Sarkaal Hay'adda Urban Waste Management Systems


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured