Fadeexadaha iyo Musuq-maasuqa Xadhkaha Goostay ee Wasiir Maxamuud Sacad Iidle Saajin Shaqaalaha Wasaarada Ganacsiga ku Hayo, W/Q.Brother Oday Abbas Ahmed Abbas

0
Monday June 11, 2018 - 06:13:55 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1742
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fadeexadaha iyo Musuq-maasuqa Xadhkaha Goostay ee Wasiir Maxamuud Sacad Iidle Saajin Shaqaalaha Wasaarada Ganacsiga ku Hayo, W/Q.Brother Oday Abbas Ahmed Abbas

    Fadeexadaha iyo Musuq-maasuqa Xadhkaha Goostay ee Wasiir Maxamuud Sacad Iidle Saajin Shaqaalaha Wasaarada Ganacsiga ku Hayo, W/Q.Brother Oday Abbas Ahmed Abbas

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fadeexadaha iyo Musuq-maasuqa Xadhkaha Goostay ee Wasiir Maxamuud Sacad Iidle Saajin Shaqaalaha Wasaarada Ganacsiga ku Hayo, W/Q.Brother Oday Abbas Ahmed Abbas
14/December/2017 kuna beegan Maalintii loo dhaariyey xilka wasiirnimo Wasiir Maxamuud Sacad Iidle Saajin kana soo jeeda beesha degta gobolka Awdal  Makaahiil dheere reer Axamed Jibriil yoonis laguna tilmaami jiray nin aqoon duruqsan u leh ganacsiga mudo badana ku soo dhexjiray sida aanu ku helnay warar xogaala ayaa markaliya waxa wax iska badalay tuhunkii iyo saadaashii laga filayey wax ka badalka iyo kor u qaadida howl maalmeedka wasaarada ganacsiga, warshadaha iyo dalxiiska, waxaanu gabi ahaanba gabalku u dumay shaqaalihii iyo shaqadii wasaaradu qaranka u haysay, waanu gudan kari waayey gabi ahaanba waajibaadkii dastuuriga ahaa ee madaxweynaha jamhuuriyada Mudane Muuse Biixi Cabdi u igmaday wasiir Maxamuud Sacad Iidle Saajin,


14/December/2017 Marlabaad Waxay u ahay maalin madow Shaqaalaha Wasaarada Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska, wuxuu durbadiiba bilaabay wasiirku isagoon warar iyo xogo ku filan helin fursadna aan siinin uu ku dhageysto  kuna ogaado sida wax u jiraan shaqaalaha iyo madaxda wasaaradaba kulan hoosena la galay isagoo talooyin waydiinaya xubno ama koox markaa lagu tuhunsanaa wasiirka inay beel ka soo wadajeedaan uu horkacayana Agaasimihii hore wasaarada ganacsiga  ninka la yidhaa cabdirashiid Axmed Guuleed oo markaa isagu ahaa expire sharciguna u baneyn in talo laga qaato maadaama xukuumaduu ka tirsanaa wakhtigeedii dhamaaday Agaasimeyaashii la midka ahaana wareejiyeen xilalkoodii laakiin wasiir saajin isaga ula hadhay maadaama ay isku beel yihiin iyo xubno ay family hoose ahaayeen qaarna xilkaa hayaan wasaarada hada, ayuu wasiirku marqudha kula dul kufay isku shaandheyn iyo magacaabis cusub xubnaha qaarna uu u daayey xilkoodii una ka mid yahay inanka uu adeerka u yahay sida agaasimaha waaxda warshadaha horena usoo ahaa agaasimihii waaxda washadaha intaanay wasaarada warshaduhu ku biirin wasaarada ganacsiga waa shaqsi yaqaan bixinta macluumaadķa ama siraha hoosee wasaarada isagoo si toosa warbixinaha u siiya wasiirka ama adeerkii kuna soo caana maalay tolaayda iyo xodxodashada raga xilalka u ahaya beeshiisa,  
 ka dib markay talooyin siiyeen xildhibaano iyo dad magac leh oo beesha wasiirka ka soo jeeda ayuu  wasiirku xilalkii u daayey dad badan oo beeshiisa ah iyo kuwa awooda dheeraada leh looguna xilanayo xaga madaxweynaha iyo qasriga madaxtooyada,

Waxa si toosa u bilaabmay mugdigii murugada lahaa waxaanay mar qudha wasaarada ganacsiga, warshadaha iyo dalxiisku isku badadhay goob lugu dhibaateeyo laguna hagardaameeyo shaqadii iyo shaqaalihii wasaaradu qaranķa u haysay, 

iyadoo si badheedha oo aan gabasha lahayn loo soo kala dhaweysto loona kala jeclaysto shaqaalaha wasaarada qaarna la yidhaa gunooyin dheeraad ah baadleedihii shaqadaad haysaana waa basaasida iyo furfurida kala jabinta shaqaalaha, 

qaarna la yidhaa idinku waad iska maqnaanaysaan shirarka wasaarada uun baad nagala soo qayb galaysaan mana hadli kartaan maalintaad iman kartaana yimaada maalintii kalana iska maqnaada wixii lagaa jarana waa lagaa jaray iyo qolada saddexaad oo shaqaalaha wasaarada u ah laf dhabar iyo gaashaam laakiin wasaaradu u taqaan qolo falaaga ah waana raga ku jira wasaaràda oon iyagu ogolaan wax dulmiya iyo isdaba marintoona diidana amarada reeraysan ee ka baxa wasiir saajin iyo xubnaha la shaqeeya, waana dad u badan dad waxbartay dana aan   ka galin qudhunka wasiir saajin iyo inta ku xeeran walaaqanayaan, 

markaad la sheekaysatana ku odhanaya hal booliya nirig xaala ma dhashee inaga waa hebeloo siduu ku yimid baan ognahaye, 

Hadaba hagardaamooyinka iyo ku tagrifalka hantida qaranka  waxay ka dhex noqotay wasaarada ganacsiga warshadaha iyo dalxiisku wax iska caadiya iyadoo ay jiraan dhaqamo kuwan  ka xun kana jiray wasaaradaha saddexda ah intaanay isku biirin imikana laga yaabaa inay ka jiraan,

 ayaa wasiirada qaar waxa biilasha xaasaskooda laga bixin jiray mushaharka iyo qarashaadka wasaarada waxaana xaasaska wasiirada u adeegi jiray baabuurta wasaaradaha markay xanuunsanayaan iyo markay foosha yihiinba dumaradooda ka najeynaa waa wax laga yaqyaqsoodo madaxweynuhuna aanu ka warhayn jirin,

Waxa intaa sii raaca mushaharka hablaha ka shaqeeya guryaha wasiirada iyo inamada baabuurta u wada waxaa laga bixin jiray lagana jari jiray mushaharka iyo gunooyinka shaqalaha grade C iyo D sida hablaha nadiifiya wasaarada iyo waashmanada, 

Hadaba sida ku cad miisaaniyad sanadeedka 2018 waxaa ka dhex muuqdaa qarashaad fara badan oo wasaarada la siiyo sida tababarada shaqaalaha, qurxinta xafiisyada qalabeynta , habeen dhaxyo , guna xileedyo, mushaharka shaqaalaha aan rigliga ahayn oo aan tiradooda iyo tayadooda la aqooninba,

 sida miisaanayada qarashaadka wasaarada ganacsiga ku cad hadana meel aliyo meelay wax ku dhacaan lama yaqaàn waxaanay jeebkooda ku dhacdaa dad gaara sida ninka ay isku beesha yihiin madaxweynaha àhna agaasimaha waaxda maamulka ismaaciil haybe oo aanu maqaalkeenii horena kaga hadalnay nin awood badan ku dhex leh wasarada aqoontiisa maamul iyo ta maaliyadeedna hooseyso,

 sida wararku nagu soo gaadhayaana ah ninka ku fadhiya saddex biloodka gunada ay ìsdheeraayeen saddexda wasaaradood ee la isa soo gaadhsiiyey waxaana cadeyn u ah habka maaliyeed ee uu ku shaqeeyaa oo ku dhisan hab manual ah dunidana mamnuuc ka ah isagoo adeegsanaya vouchers marka wax lagu qoro la tuuro nidaam wax lagu kaydiyana aan lahaýn sìdaana ay ku lunto xisaab celintii waa ta keenta musuqmaasuq iyo ku dar darsashada lacagaha dheeraadka ah mushaharaadka shaqaalaha iyo qarashaadka wasaarada, 

Waxaanay wararku inagu soo gaadhayaan in banka dhexe ku soo celiyey voucheradii uu qoray agaasime ismaaciil haybe ee saddex bilooodka gunada isa soo gaadhsiinta saddexda wasaaadood laguna yidhi electronic ama email noogu soo dir voucherada adigoo isticmaalaya financial package talana ku cadaatay,

Waxa loo bixin laayahayna ay tahay in la lunsado walina aan la bixin halka wasaaradaha qaarna gunadii iyo xaqal ciidkiiba là isugu daray, qaarna xaqal ciidkii sugayaan gunadiina la siiyey mudane madaxweyne waxaanu marlabaad kaa codsanayna inaad qaranka ka qabato budhcada dhagareysàn ee aan hubeysnayn ee hadh iyo habeen u taagan dabrida iyo waxyeelaynta howlaha qaranka,

Mushaharka shaqaalaha joogtada ah oo dhan 2018,
4,708,278,432 

Mushaharka shaqaalaha aan joogtada ahayn
105,300,000

Guno guri iyo xil waa markaad xilka qabato wasaarada uguna hooseeyo agaasime waxeed sidaan wararka ku haynana mushaharkooda dib ugaliya iska dhaadhicinta wasiirka iska daa waxloogu daree,
330,000,000

Guno howleed
4,692,360,000

Sub total kooduna yahay = 9,835,938,432 in cash every three months,

Kharashka isticmaalka adeega howsha

Habeen dhaxyada (travel and allowance ) waxa afka qalaad lagu yidhaa,
61,634,340 Shls

Kharashka boosaha iyo isgaadhsiinta waxaana nagu maqaala ah in shaqaaluhu isgaadhsiin xumo uga yaaceèn haday noqoto adeega internetka iyo telephonada oo aad u liita ama aan kaba jirin gabi ahaanba xafiisyada qaar lacagta intaa leegna miisaaniyada ugù jirto, 150,000,000 Shiling,

Kharashka Kirada gaadiidka, Xafiisyada iyo guryaha,
366,400,000 Shls

Kharashka Tababarka iyo intixaamaadka shaqaalaha ma intixaadbaad maqasho cadaalada dalka shaqo dowladeed loogalo iyo tababaro waxaan ka ahayn intixaamada aabahay gobalanka,
150,000,000, Shls

Martiqaadyada & Munaasibadaha = 253,514,450
Kh. Nabadgalyada =48,000,000
Kharashyadda yar yar ee Xafiisyadda= 240,000,000
Isticmaalka Nalka & Biyaha=200,000,000
Kh. Baadhista iyo Raadraaca T. duuga ah =600,000,000
Kh. Bilicda Xafiisyadda.=30,000,000

Barnaamijyadda Hawlaha Shaqo.=690,000,000
Kh.ciyaaraha ( tiimka Wasaarada)=200,000,00
Kharashka Horumarinta H. Ganacsiga=550,000,000
Kharashka Abaalmarinta iyo Dhiirigalinta = 180,000,000 subxaana laah saddexdii gunadoodii baa laga soo saari laayahay wasiir saajin,
Sub-Total:= 3,719,548,790

Kharashka Isticmaalka Alaabta Hawsha.=
Batroolka, Naafatadda & Saliidaha.=600,000,000
Iibsiga Alaabta Xafiisyadda (Stationery).=138,000,000
Iibsiga Wargeysyadda & Bugaagta.=51,757,640
Raashinka ilaalada Warshada sibidhka= 180,000,000,
Sub-Total:= 969,757,640

Daryeelka & Dib-udhiska Dhismayaasha.

Daryeelka Gaadiidka & Miishanada=400,000,000
Daryeelka Xafiisyadda & Guryaha.=25,000,000
Daryeelka Warshadaha =100,000,000

Sub-Total:= 525,000,000

Iibsiga Hantidda Raagta.

Iibsiga Alaabta.=300,000,000
Qalabka Xafiisyada & Guryaha.=
Gaadiidka & Mishiinada.= ----''------
Sub-Total:= 300,000,000

Dhismayaasha 

Dhismaha Xafiisyada Gobolada = ---------------(2017) =''700,000,000
Sub-Total:--------------------
Grand Total = 15,350,244,862,

Waxaas kharashaad ahi inta laga isticmaalaa waa wax aad u  yar manaqaan meelay wax marayaan meeyey gudidii dabagalka musuqaasuqa iyo kutagrifalka hantida qaranka ee baarlamka, hanti dhowrkii meeyey iyo auditkii maxay qabtaan ilaahbaan idinku dhaarshee ninka waxaas oo lacaga lunsada ee hungureynaya 1500,000 Shsl ma ninkaasaa umad matala waxna laga sugayaa,

Iba xidhka maqaalka meeriyada maansadii dhukane midhihii farshaxameysnaa alla ha u naxariistee godka ĺagu abwaankii mu'alifka ku ahaa towxiidka iyo qiraa'ada cabdilaahi suldaan timacade,

Sida dhul ay diyaaradi gubtayoo
Dhamacdu qiiqeyso
Ama dhagarqabe ninkaas
dhib ù diriraaya ama dhowcadoo
maansadaa dhibatay jaabaanta
Ama dhoore baarqaboo dhudi ku 
Qooqaaya,
Xaqiisii nin lala dheelmadoo dhuuntay baa u darane,
Wabilaahi towfiiq


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured