Wasiir Quraarad-madow Sacad Cali Shire oo Isu-bedelay Wasiirka DP World, Siyaasadii Dibeda ee Dalkana Xabaalaha ku Daray. Qore Farxaan Guuleed Yuusuf

0
Saturday June 09, 2018 - 06:01:23 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1330
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Quraarad-madow Sacad Cali Shire oo Isu-bedelay Wasiirka DP World, Siyaasadii Dibeda ee Dalkana Xabaalaha ku Daray. Qore Farxaan Guuleed Yuusuf

    Wasiir Quraarad-madow Sacad Cali Shire oo Isu-bedelay Wasiirka DP World, Siyaasadii Dibeda ee Dalkana Xabaalaha ku Daray. Qore Farxaan Guuleed Yuusuf

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir Quraarad-madow Sacad Cali Shire oo Isu-bedelay Wasiirka DP World, Siyaasadii Dibeda ee Dalkana Xabaalaha ku Daray. Qore Farxaan Guuleed Yuusuf
Madaxweynaha todobada Bilood kursiga fadhiyey Muuse Biixi Cabdi, waxa uu ku guuldaraystay inuu Wasaraadda arrimaha dibeda Somaliland ku sameeyo lá xisaabtan dhab ah oo masuuliyadi ku jirto.
Kaddib markii wasiirkii shaqadaas uu dirtay ku faashilmay inuu beesha caalamka iyo kuwa África ka iibiyo qadiyada aqoonsi raadinta Somaliland, isla markaana u xuubsiibtay Dilaal ka shaqeeya danaha Shirkada DP World ka leedahay Xukuumada iyo Dekeda Berbera.
Wasiir Sacad Cali Shire, ayaa ka shaqeyn siyaasadda arrimaha dibeda ee Somaliland waxa uu si cad uga doorbiday inuu noqdo Wasiir danaha Dp World ka shaqeeya, islã markaana Sheerar hantida umadda kula galay shirkadaas, isagoo gabi ahaanba ilaaway shaqadii loo diray.
Bulshadii dooratay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxay is waydiinaysaa halkuu ku dambeeyey wasiirkii qaraajiga, doorka ka ciyaari lahaa Siyaasada waqti xaadirkan dalka hadhaysay ee dhinaca dibeda. Sidoo kale dadka ka faallooda arrimaha siyaasada geeska, ayaa ka walaacsan hadii aan degdeg wax looga qaban qadiyadda Somaliland meeshay ku dambayn doonto.
Iyadoo waqtigan culeysyo diblumaasiyadeed oo kala duwani ku socdaan Dalkan, ayaa waxa walaac laga qabaa, in intaa daadku inoo soo gelaayo uu dhegaha furaysto Madaxweyne Biixi oo degdeg wasaarada dibeda ee dalka usoo magacaabi lahaa wasiir diblumaasi sare ah. 
Kaasoo lá doonaayo inuu u babac dhigo, khataraha ku xeeran siyaasada dalka ee dhinacá dibada, waxana lá gaadhay waqtigii loo baahnaa in Somaliland heeryada iska tuurto oo dood iyo dagaal diblumaasiyadeed kay doontaba xaqeeda qaranimo kusoo dhacsan lahayd.
Sidaas daraadeed Madaxweynaha waxa looga fadhiyaa inuu dalka ka badbaadiyo haadaanta uu ku riday Wasiirkiisa dibedu.
La soco xogo kaloo dheeraad ah.
Warbixin
Farxaan Guuleed Yuusuf
Farxangul@gmail.com
Hargeysa/Somaliland/Somaliland.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured