Fadeexado Dul-hoganaaya Agaasimaha Raad-baradka Ku ah Siyaasada ee Madaxtooyada Maxamed Cali Bile... Ku Tagri Fal awoodeed iyo shaqaale uu eex Qabiil kusoo qortay....!

0
Thursday June 07, 2018 - 05:19:57 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1468
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fadeexado Dul-hoganaaya Agaasimaha Raad-baradka Ku ah Siyaasada ee Madaxtooyada Maxamed Cali Bile... Ku Tagri Fal awoodeed iyo shaqaale uu eex Qabiil kusoo qortay....!

    Fadeexado Dul-hoganaaya Agaasimaha Raad-baradka Ku ah Siyaasada ee Madaxtooyada Maxamed Cali Bile... Ku Tagri Fal awoodeed iyo shaqaale uu eex Qabiil kusoo qortay....!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fadeexado Dul-hoganaaya Agaasimaha Raad-baradka Ku ah Siyaasada ee Madaxtooyada Maxamed Cali Bile... Ku Tagri Fal awoodeed iyo shaqaale uu eex Qabiil kusoo qortay....!
Hargeysa(Xogreebnews)-Agaasimaha Raad-baradka Ku ah Siyaasada ee aqalka Madaxtooyada Somaliland Maxamed Cali Bile, ayaa durba qasriga dalka looga arrimiyo Ku dhex-beeray Unugyo shaqaale aanu sharcigu u fasaxin, isla markaana kusoo xushay qabyaalad iyo qaraabo kiil.
Agaasime Bile oo aan weligii ka shaqeyn xafiis dawladeed, ayaa dhowaan markii la magacaabay, isna si aan ka fiirsasho lahayn u qoray Madaxtooyada dhalinyaro ay isku beel yihiin, kuwaasoo uu weliba Ku taxay xilal kamid madax-waaxeedyada xafiisyada Madaxtooyada Somaliland ay isk raas hoose yihiin isaga iyo Madaxweynaha.
Hawlwadeenadan cusub ee Madaxtooyada uu ka shaqaaleysiis Md. Bile ma aha kuwo uu shaqaaleysintooda u maray dariiq sharci, mana jirto meel lagaga qaaday Imtixaan Ku saabsan shaqada loo diray, sidoo kale waxa kamid ah shaqaalaha cusub ee u qortay Agaaime Maxamed Cali Bile, Inaan ay Ilmaadeer Ruma yihiin, iyo shan xubnood oo kale oo iyana kasoo wada jeeda Beeshiisa siiba Raaskiisa Xuseen Abokor, taasoo hawlwadeenada Madaxtooyada Somaliland ka dhigaysaa meel beeli haysato.
Dhowaan ayuunbay ahayd markii ay timi Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ee laga eryey Madaxtooyada boqolaal kamid ahaa shaqaalaha qasrigaas kuwaasoo la lahaa ma awoodo intaasoo qof inay ka hawlgalaan Madaxtooyada.
Teeda kale, Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu indho dheer Ku eegaayo ficilada xun-xun ee agaasime Maxamed Cali Bile ka dhex wado Madaxtooyada Somaliland, waxana la filayaa inuu agaasimuhu raaco safka ugu horreeya ee la bedelaayo. La soco xogo taxane ah.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured