Duruufaha Kala Daran ee ay la Daranyeysan yihiin Shacabka Berbera, Laydh La'aan, Biyo la'aan iyo Dhakhtar xumo....

0
Wednesday June 06, 2018 - 01:13:53 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 961
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Duruufaha Kala Daran ee ay la Daranyeysan yihiin Shacabka Berbera, Laydh La'aan, Biyo la'aan iyo Dhakhtar xumo....

    Duruufaha Kala Daran ee ay la Daranyeysan yihiin Shacabka Berbera, Laydh La'aan, Biyo la'aan iyo Dhakhtar xumo....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Duruufaha Kala Daran ee ay la Daranyeysan yihiin Shacabka Berbera, Laydh La'aan, Biyo la'aan iyo Dhakhtar xumo....
Berbera(Xogreebnews)-Nolosha Dadweynaha Magaalada Berbera, ayaa maraysaa meel halis ah, iyadoo ay haleeshay adeeg xumo Ku habsatay adeegyada daruuriyaadka u ah nolosha aadamaha, sida Iftiinka, Dakhtarka iyo Biyaha oo aan lagama maarmaan ah.
Magaaladan oo ah goob leh dhaqaale aad u badan oo qaranka Somaliland Ku tiirsan yahay, ayaa haddana waa magaalo ka hadhay khayrkeed, dakhligaa kasoo baxaa kumo korto, sidoo kalena kuma samayso wax horumar ah, oo bulshada u leh wax tar, magaalada Berbera ma laha Dhakhtar wanaagsan oo leg adeegyo caafimaad oo lagu qanco, sidoo kale, magaaladani ma hesho Laydh hagaagsan, haseyeeshee waxa Laydhkaa kooto loogu xidhay Shaqsiyaad ma naxayaal ah, kuwaasoo dhiiga dadka ka jaqa, isla markaana ma bixiyaan adeeg laydh oo wanaagsan.
Waxa intaa u raacda Magaalada Berbera ma hesho Biyo qasabadeed oo gaadha xaafadaha Magaalada, haseyeeshee waxa qasabad habeen-habeen ka hela dhowr xaafadood, kuwaasoo aan helin biyo Ku filan. 
Haddaba waxa iyana wax lala sii yaabo ah, in maamulka Wakaaladda Biyaha Berbera isna si indho la'aana u kordhiyey qiimaha Biyahaas, kaasoo weliba kordhiyey kala badh intay ahayeen markii hore, arrimahaan oo isbarkan waxa dhici kartaa in maalmaha lagu gudo jiro bisha Ramadan ee baralaysan ay ka dhaacan Magaalada Mudaharaado is daba jooga kuwasoo ay sameeyaan danyartaa Ku nool magaalada oo xaaladoodu marayso meel xun.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured