HAL-ABUURNIMADU WAA FURAHA HORUMARKA…..Maxamed Gacayte

0
Saturday June 02, 2018 - 03:00:31 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 3141
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HAL-ABUURNIMADU WAA FURAHA HORUMARKA…..Maxamed Gacayte

    HAL-ABUURNIMADU WAA FURAHA HORUMARKA…..Maxamed Gacayte

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

HAL-ABUURNIMADU WAA FURAHA HORUMARKA…..Maxamed Gacayte
Way haboon tahay inaad ku hambalyayso cid kasta oo ku talaabsata waxqabad la taaban karo iyo horumar muuqda, mana aha inaad kala masuugto, waayo bila-aadanku wuxuu ku shaqeeyaa shayga la yidhaa (Incentive) dhiirigalin wixii wanaagsan ee uu qabto ood ku garab istaagto si uu dadaalkaa usii labanlaabo. Maareeyaha Dekeddaha Somaliland, Eng. Siciid Xasan Cabdilaahi, ayaa hirgaliyay taariikhda markii ugu horaysay Somaliland in dekedda caalamiga ah ee Berbera Port yeelato TUG BOAT ka maraakiibta soo xidha oo casriya iyo qalab kale oo uu ka mid yahay PILOT BOAT iyo Navigation Lights si habeenkii maraakiibta loogu soo xidho Dekeda. Talaabadan ayaa lagu majeeran doonaa Maareeyaha Dekeda Berbera Siciid Xasan oo ku dhiiraday hirgalinta Taagan oo dekedu baahi wayn u qabtay, Taagan ayaa ah mid awood u leh inuu soo jiido Markaakiib xajmigoodu aad u wayn yahay, horse powerkiisuna yahay 3000, halka taagii hore ka ahaa 1400 horse power.  
Dekeda Berber oo ah halbawlaha dhaqaalaha dalka ayaa mudooyinkan danbe ku talaabsatay horumar muuqda tan iyo intii uu maamulka Dekeda uu la wareegay Maareeye Siciid Xasan, waqtigaas oo buuq iyo ismaandhaaf badani ka jiray siiba Ganacsatada iyo Shirkada DPWorld, isagoo dhamaan soo ajaray waxna ka qabtay tabashooyinkii ganacsatada, nidaam wada shaqayneedna seeska u dhigay.
Maareeyaha Dekedaha Somaliland Siciid Xasan Cabdilaahi oo runtii mudo kooban gacanta ku hayay  Maamulka Dekeda Berbera ayaa ku guulaystay inuu daboolo baahiyaha aasaasiga ah ee lagama maarmaanka u ah dekeda Berbera, si ay ula tartanto dekedaha ku yaalama mandaqada Geeska Afrika iyo kuwa caalamkaba. Tug Boat kan iyo qalabkan kale oo Maamulka dekeda Berbera kasoo iibiyay dalka Turkiga, ayaa wax weyn ka tari doona hawlaha shaqo ee ay dekeda Berberi hayso,  wuxuuna sare u qaadi doona koboca dhaqaale iyo suuqa ganacsi ee Dekedda Berbera oo noqoto mid si weyn usoo jiidata maraakiibta caalamiga ah ee badeecadaha kala duwan u sida Somaliland iyo dalalka geeska Afrika.


Maareeye Said Hassan waa shakhsi ku suntan karti iyi dadaal badani, waa mufakar hal abuur iyo himilo fog leh. Waxaan leeyahay hore u soco. 
Wabilahi tawfiiq 
Ramadan Mubarak 
Mohamed Gacayte


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured