Siyaasi Cabdiraxman Cabdishakuur oo Madaxweyne Farmaajo ku eedeyey Dastuur jebin, golaha Shacabkana ka dalbaday in Maamus ka Xayuubin lagu sameeyo..."Cidna haatan kama qarsoona in Farmaajo uu ku hawlan yahay soo celinta rajiimkii kaligii taliska ahaa ee awoodaha laanta Fulinta, Sharci dejinta iyo Garsoorka hal gacan ku wada jireen".

0
Wednesday May 30, 2018 - 05:39:07 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1229
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Siyaasi Cabdiraxman Cabdishakuur oo Madaxweyne Farmaajo ku eedeyey Dastuur jebin, golaha Shacabkana ka dalbaday in Maamus ka Xayuubin lagu sameeyo..."Cidna haatan kama qarsoona in Farmaajo uu ku hawlan yahay soo celinta rajiimkii kaligii taliska ahaa ee awoodaha laanta Fulinta, Sharci dejinta iyo Garsoorka hal gacan ku wada jireen".

    Siyaasi Cabdiraxman Cabdishakuur oo Madaxweyne Farmaajo ku eedeyey Dastuur jebin, golaha Shacabkana ka dalbaday in Maamus ka Xayuubin lagu sameeyo..."Cidna haatan kama qarsoona in Farmaajo uu ku hawlan yahay soo celinta rajiimkii kaligii taliska

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasi Cabdiraxman Cabdishakuur oo Madaxweyne Farmaajo ku eedeyey Dastuur jebin, golaha Shacabkana ka dalbaday in Maamus ka Xayuubin lagu sameeyo..."Cidna haatan kama qarsoona in Farmaajo uu ku hawlan yahay soo celinta rajiimkii kaligii taliska ahaa ee awoodaha laanta Fulinta, Sharci dejinta iyo Garsoorka hal gacan ku wada jireen".
Muqdisho(Xogreebnews)- halkan ka Akhri qoraalka Siyaasi Cabdiraxman Cabdishakuur. Madaxweyne Farmaajo wuxuu mar kale jebiyey qodob Dastuuri ah oo horseedi kara in la impeach gareeyo oo dacwad Xil ka qaadis lagu soo oogo. Qodobka 90ad ee dastuurka wuxuu qeexaya xilka iyo awooda Madaxweynaha. Faqrada (I) ee qodobkaas waxay leedahay;- 
"Wuxuu magacaabaa Guddoomiyaha Maxkamadda Dastuuriga, Maxkamadda Sare iyo Garsooreyaasha kale Heer-Federaal, soo-jeedinta Guddiga Adeegga Garsoorka ka dib”  Ma jiro Gudiga Adeega Garsoorka oo arrinkaas u soo jeediyey. 
Sidoo kale qodobka 109A ee Dastuurka wuxuu qeexaya xilka iyo awooda Golaha Adeega Garsoorka. Lambarka lixaad, faqradiisa A waxay cadaynaysaa awooda Gudiga Adeega Garsoorka ee magacaabista, anshax marinta iyo bedelaada Garsoorayaasha. 
Cidna haatan kama qarsoona in Farmaajo uu ku hawlan yahay soo celinta rajiimkii kaligii taliska ahaa ee awoodaha laanta Fulinta, Sharci dejinta iyo Garsoorka hal gacan ku wada jireen. Waxaan kaloo ognahay shirqoolka ka dhex socda Ciidanka Xoogga Dalka iyo Hay’adda Nabadsugida. 
Waxaan ugu baaqayaa Xisbiyadda, inta Damiirka Dimoqoraadinimo leh ee labada Gole ku jirta, iyo Dawlad Goboleedyadaba in ka hor istaagaan inqilaabka uu Farmaajo dharaarta cad ku afgambinayo hay’adaha Dastuuriga ah.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured