Hay'adda Shaqaalaha Dawladda oo Si Rasmiya ugu wareejisay Wasaaradaha dalka Shaqaalaha Rasmiga ah ee Dawladdu leedahah....

0
Monday May 28, 2018 - 18:53:09 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1189
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hay'adda Shaqaalaha Dawladda oo Si Rasmiya ugu wareejisay Wasaaradaha dalka Shaqaalaha Rasmiga ah ee Dawladdu leedahah....

    Hay'adda Shaqaalaha Dawladda oo Si Rasmiya ugu wareejisay Wasaaradaha dalka Shaqaalaha Rasmiga ah ee Dawladdu leedahah....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hay'adda Shaqaalaha Dawladda oo Si Rasmiya ugu wareejisay Wasaaradaha dalka Shaqaalaha Rasmiga ah ee Dawladdu leedahah....
Hay'adda Shaqaalaha Dawladda JSL - Civil Service Commission ayaa maanta  si rasmi ah Wasaarad walba ugu  wareejisay tirada shaqaalaha ee is-diiwaangeliyey, si ay faraqa  uga soo falceliyaan. 
- Waxaa maanta si rasmi ah loo soo xidhay hawl-qabadkii tamarta badan la geliyey ee tirinta shaqaalaha dawladda si loo tayeeyo.
- Wasaarad iyo hay’add walba oo dawladeed waxaa loo dhiibay xogtii shaqaalaheeda oo tafatiran si ay u soo darsaan isla markaana ay markii ugu dambaysay uga soo falceliyaan.


-Kulankan oo ay kasoo qaybgaleen Agaaasimeyaasha guud iyo Ag/waxeedyada maamulka iyo kobcinta cudduda shaqaalaha ee wasaaradaha iyo hay’adaha madaxa banaan ee dawladda ayaa lagaga tashaday jidka loo marayo shaqaale haboon, shaqo-qaybsan , shaqaalayn hufan iyo daba-gal cad oo shaqaalaha dawladda lagu hubiyo joogitaan iyo bixinta adeeg hufan-ba 
-Intii kulanku socday ayaa Agaasimeyaasha guud ee dalka iyo hay’adda shaqaalaha dawladdu wada yeesheen  tallooyin iyo xog-is waydaarsi iyadoona loo balamay dawladayn casri ah iyo adeeg raaliya geliya shacabka 
-Ugu dambayn agaasimeyaasha guud oo ay  wehelinayaan  ag/waxeedka maamulka iyo kobcinta cudduda shaqaalaha ayaa  lagu wareejiyey xogtii wasaaradiisa si ay u soo faaqidaan ugana soo warceliyaan.

-Kulanka u dambeeya ee xidhitaanka ayaa loo balamay marka Ciidka laga soo noqdo taasi oo lasoo bandhigi doonno xogtii ugu qiimaha iyo tirada badnayd ee laga soo helay Shaqaalaha dawladda oo shaxaysan, halkaas oo la heli doono kaalmaha shaqo ee u baahan in la buuxiyo iyo guud ahaan xaalada ay ku suggan yihiin shaqaalaha dawladdu.
Tallaabooyinkii u dambeeyey ee tirinta shaqaalaha dawladda iyo bilowga tayeynta shaqaalaha


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured