PROTOCOL-KA MADAXWAYNAHA . W/Q: Amb Safiina WM

0
Monday May 28, 2018 - 02:59:21 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1410
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    PROTOCOL-KA MADAXWAYNAHA . W/Q: Amb Safiina WM

    PROTOCOL-KA MADAXWAYNAHA . W/Q: Amb Safiina WM

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

PROTOCOL-KA MADAXWAYNAHA . W/Q: Amb Safiina WM
PROTOCOL-KA MADAXWAYNAHA . W/Q: Amb Safiina
 
 
 
​Curfiga protocol-ka Dawliga ah qaybtiisa hab maamuus-ka Fadhi ee Madaxwaynahu wuxuu dhigayaa in madasha madaxwaynu soo galo uu fadhiisanayo #_KURSIGA_KALIGII_AH ee xaga gidaarka kasoo jeeda. Kursigaasu Waxaanuu qaadanayaa naanaysta ah KURSIGA MADAXWAYNAHA

 

Waxa qalad ah in Madaxwaynuhu kursi kale fadhiisto, Waxa kale oo qalad ah in Kursigaa Madaxwaynaha cid lake fadhiisato xataa haduu madaxwaynuhu kursi kale fadhiito .

Sawirka 1aad Waxa inooga muuqda laba qalad oon kor ku soo xusay.

Sawirka 2aad waa sida saxda ah een Rabo protocol kuna dhigayo

Agaasimaha Protocol-ka madaxwaynuhu waa Masuulka kaliya ee awaa-miir Buuxa siinaya Madaxwaynaha, Markuu seexanayo, Markuu Toosayo, Dharkuu xidhanayo, Markuu fadhiisanayo, halkuu fadhiisanayo, Markuu istaagayo, Halkuu marayo, Cida garab istaagaysa, Cida Garab soconaysa, Cida Daba Soconaysa, Ciduu salaamayo, Ciduu fadhiga ku salaamayo, Cida ay waajib tahay inuu sara-jooga ku salaamo,

Agaasimahu wuxuu kaloo ka masuul yahay hagida Madaxwaynaha. Sida Goobta looga baahan yahay inuu madaxwaynuhu farxad Muujiyo, Goobta looga baahan yahay inuu Cadho muujiyo, Goobta looga Baahan yahay inuu qiiro iyo murugo muujiyo sida geerida, Goobta looga Baahan yahay inuu adayg muujiyo,

Maaha qiiro to qiiro, Ama cadho to cadho, Ama qosol to qosol, Goob kastaa miisaan gooni ah ayay leedahay xataa dhar gooni ah ayay leedahay iyo Hadal gooni ah

Madaxwaynuhu markuu shacabka dhulka la fadhiisanayo waa karaamo iyo tawaaduc miisaan wayn leh.

Marka haybada qaranka somaliland lamuujinayo ee curifiga duwaliga ah la ixtitaamayana waa miisaan kale oo muhiim ah. In la jabiyaana waa fadeexad iyo Ceeb wayn.

Agaasimaha Protocol-ka Madaxwaynuhu wuxuu awaamiir buuxda siinayaa dhamaan golaha wasiirada iyo dhamaan masuuliyiinta Madaxwaynaha la socota, Waa intay Madaxwaynaha ag joogaan oo kaliya hadii laka-tago Amar kuma laha masuuliyiinta ka saraysa

Waxa kale uu masuul buuxa ka yahay Amar bixinta dhamaan goobaha uu madaxwaynu booqdo xaafladaha, wasaaradaha iyo goobaha caan ka ah.

Agaasimaha Waxa kale uu masuul ka yahay jee-garaynta dhamaan sawirada Madaxwaynaha laga qaaday Kahor intaan labaahin.

Wasiirka ama masuulka Diida Amarka Agaasimaha Protol ee qaldana protocol Agaasimuhu wuxuu ciqaabtiisa oo qoraal ah u gudbinayaa Xafiiska Xoghayaha golaha wasiirada si ciqaabta masuulkaa loo hor geeyo Miiska GOLAHA WASIIRADA, 
Ciqaab taasuna waa inay noqotaa mid qoran oo wasiirada hore loo Bararay.

Ugu dambayn Waxaan ku baaqayaa in Protocolka dalka gaar ahaan ka Madaxwaynaha iyo madaxtooyada la hagaajiyo.

FG:- Waa iga toosin Alaa Mahad leh

Amb Ahmed Safiina

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured