Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta oo Xukuumadu u Iibisay Gaadhi Qiimihiisu ka Badan yahay $40,000 oo Dolar, Xilli ay Dalka ka Jiraan Xaalad dagaal, Duufaan iyo Sixirbaraar, Caafimaad daro iyo Waxbaraasho la'aani

0
Sunday May 27, 2018 - 05:36:22 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 6292
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta oo Xukuumadu u Iibisay Gaadhi Qiimihiisu ka Badan yahay $40,000 oo Dolar, Xilli ay Dalka ka Jiraan Xaalad dagaal, Duufaan iyo Sixirbaraar, Caafimaad daro iyo Waxbaraasho la'aani

    Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta oo Xukuumadu u Iibisay Gaadhi Qiimihiisu ka Badan yahay $40,000 oo Dolar, Xilli ay Dalka ka Jiraan Xaalad dagaal, Duufaan iyo Sixirbaraar, Caafimaad daro iyo Waxbaraasho la'aani

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta oo Xukuumadu u Iibisay Gaadhi Qiimihiisu ka Badan yahay $40,000 oo Dolar, Xilli ay Dalka ka Jiraan Xaalad dagaal, Duufaan iyo Sixirbaraar, Caafimaad daro iyo Waxbaraasho la'aani
Hargeysa(Xogreebnews)-Iyadoo xaalado badan oo qalafsani ka jiraan guud ahaan  dalka Jamhuuriyadda Somaliland, kuwasoo ay kamid yihiin Dagaalka Tuko raq iyo sidoo kale, Roobabkii Duufaanada watay ee dhowaan ka gaystay waxyeelada naf iyo maalba qaar kamid ah Xeebaha dalka, isla markaana ay ku rogmadeen qoysas dhami, iyo weliba duruufaha Sixir bararka iyo ramadaanta ee haysaa danyarta dalka.
Ayaa waxa dhacday in Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ay hantidii dadkaas loogu gurman lahaa, isla markaana dalka diffaaciisa wax ka tari lahayd, sidoo kalena goobaha waxbarashada ama caafimaadka ee dalka lagu horumarin lahaa, waxa uu dhaqaalaha intas le'eg Maanta qaranku sida wey ugu baahan yahay ku raali gelisay masuul dhowaan loo magacaabay agaasimaha guud ee Wasaaradda qorsheynta, kaasoo Xukuumadu u iibisay gaadhi nooca ugu qaalisan ah Baabuurta, kaasoo ah nooca loo yaqaano v-8-ka.
Gaadhigan Dawladdu u iibisay Agaasimaha cusub ee Wasaaradda qorsheynta, ayaa lagu sheegay qiimahiisa Lacag dhan $40,000, oo doolar.
Haddaba, maxay tahay Sirta ku jirta in dhaqaalaha intaas le'eg dalka oo ay ku gadaaman yihiin duruufo kala duwani, isla markaana dalku aanu lahayn aqoonsi sidoo kalena aanu helin caawimaad caalamiya, shaqo la'aan jirto iyo baahiyaha aasaasiga ahi yihiin kuwo daryeel badan u baahan in masuulka cusub ee Dawladda lagu casuumo gaadhi ay ku baxayso dhaqaale aan la sheegi karin oo dabooli lahaa Baahiyo qaran oo badan, loo hadyadeeyo shaqsi. Iyadoo masuulkan $40000 ee Dolar loo siiyey gaadhiga uu degen yahay caasimada Somaliland ee ee Hargeysa, sidoo kalena xafiiskiisu ku yaalo isla caasimada dalka, dalkana ay ka buuxan baabur ja'ban qiimaha iyo qurux na leh, lana heli karo Gaadhi $10,000 dolar ah oo Laanguruusal ah iyo qaar kaba jaban oo u kaxaysto,  sababta loogu hadyadeysto qof masuul ah?.
Musuq-maasuqa marka là sheegaayo maaha waxa la xada oo keliyaa, waxa Kamid ah in dakhliga umadda la ilaalin Waayo, isla markaana wax aan macquul ahayn lagu bixiyo wax faaido aan bulshada u lahayn oo lagu lumiyo.
Tamashlaynta iyo raaxada masuulka cusub awgii hadii loo baabiinaayo hantida umadda ee yar ee kumanaan bulsho ahi u daran yahaysan yihiin, ciidamadu u baahan yahay, caafimaadkii iyo waxbarashadii u cadilan yihiin, dakhligii arrimahaa wax lagaga qaban lahaana uu ku baxaayo Baaburta iyo Guryaha Masuuliyiinta Dawladda oo keliya, Maxaa is bedelay, suaashaas waxaan u dhaafaynaa akhristayaasha. 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured