Gudoomiye Sharmarke, Halyey Qaranka Somaliland Baal-Dahab ah kaga Jira, sare-na u Qaaday Sumcada dhalinyarada Iyo Waxqabadka Hana qaaday Haayada Shaqaalaha ee u ku talaabsaday....

0
Saturday May 26, 2018 - 05:37:42 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1269
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiye Sharmarke, Halyey Qaranka Somaliland Baal-Dahab ah kaga Jira, sare-na u Qaaday Sumcada dhalinyarada Iyo Waxqabadka Hana qaaday Haayada Shaqaalaha ee u ku talaabsaday....

    Gudoomiye Sharmarke, Halyey Qaranka Somaliland Baal-Dahab ah kaga Jira, sare-na u Qaaday Sumcada dhalinyarada Iyo Waxqabadka Hana qaaday Haayada Shaqaalaha ee u ku talaabsaday....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiye Sharmarke, Halyey Qaranka Somaliland Baal-Dahab ah kaga Jira, sare-na u Qaaday Sumcada dhalinyarada Iyo Waxqabadka Hana qaaday Haayada Shaqaalaha ee u ku talaabsaday....
Horumarka ay ku talaabsatay Hayada Shaqaalaha Dawladda Somaliland mudooyinkii u dambeeyey waa mid sida cadceeda usoo iffaya. Isla markaana waxay 26-sanno kaddib si rasmiya u gudatay waajibaad qaran oo dastuuriya, iyadoo dalka oo dhan ka samaysay hanaanka dawladnimo oo rasmiya. Sidaas daraadeed qormadan kooban waxan kusoo qaadan doonaa wax yar oo kamid waxqabad sal balaadhan oo ku talaabsaday Gudoomiyaha Hayadda shaqaalaha Somaliland mudadii uu joogay Sharmarke Muxumed Geelle.
Gudoomiye Sharmarke Muxumed Geelle, Waxa ku kamid yahay foolaadka uu qaranka jamhuriyada Somaliland leeyahay, waa Gudoomiye qayb laxaad leh ka qaadatey horumarka qarankani gaadhay, waa shaqsi muujisey dadaal badan, oo fifircooni iyo karti leh, waa Gudoomiye hawlkar ah, oo garanaaya waajibaadka dastuuriga ah ee saaran, si daacad ah na u gudanaaya shaqadiisa.
Gudoomiye Sharmarke waxa uu Haayadda shaqaalaha Somaliland ka dhigay mid ku talaabsatey guulo hor leh oo aan hore loo gaadhin, waxa uu suuro geliyey in la diiwaangeliyo shaqaalaha rasmiga ah ee Dawladda, sidoo kale waxa uu sameeyey nidaam cadaaladeed oo lagu saxaayo tiro koobka shaqaalaha Dawladda dhamaystiran.
Gudoomiyaha haayada shaqaalaha Somaliland Md. Sharmarke waxa uu hadh iyo habeen ba heegan ugu jiraa inuu dadka iyo dalkeenuba horumar sameeyo, socod iyo safarna u galay oo soo tiro koobay shaqaalaha rasmiga ah Dawladda leedahay.
Sidaas daraadeed Gudoomiyaha Haayadda shaqaalaha Somaliland Md Sharmarke Geelle waa qof aqoon leh, oo kasoo baxay hawl kasta oo loo igmado, jecelnna in guud ahaan qaranku gaadho horumar dhinac walba ah.
Gudoomiye Sharmarke waxaanu leenahay waxqabadka aad hirgelisey waa mid shacabka jamhuriyada Somaliland kuu ogyahay, waana mid aad ku mutaysatey in lagugu bogaadiyo, dadaalka iyo halganka aad ugu jirto inuu qarankani yoolkiisa gaadho halkaa ka wad, waxanaad kor u qaaday magacii iyo sumcadii dhalinyarada Somaliland meel kastoo ay joogaan, waxan noqon doontaa shaqsi tusaale noo ah oo aanu ku dayano.
Guntii iyo gebo gebadii, waxan aqoon yahanka dhalinyarada ah ee reer Somaliland usoo jeedinayaa, oo u sheegayaa dawladaha aduunka oo dhan ayaan awoodin in ay shaqo siiyaan Dadkooda, dawladeenuna weli wey taagdaran tahay,weyse dedaaleysaa.In aan inagu isku tashno oo aan Xoogeena iyo caqligeena wax ku raadsano oo kula soo baxno, Dawladana Taageero ka rajeynyo ayaa la inaga rabaa. Laakiin in aan guryaha iska fadhino oo aan nidhaahno Dawladaan sugeynaa maaha mid ay tahay in aad rumeyso. Waa inaad adigu Nolosha halgankeeda iyo fursadaheeda barataa oo gacantaada ku debertaa.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured