QASAARAHA KA DHASHAY ROOBABKII U DANBEEYEY EE DALKA KA DA'AYEY 48KII SAAC AYNU SOO DHAAFNEY, QORSHE XUMADA IYO HABACSANAANTA NERAD IYO RAKAABKA MUUSE COLAAD. W/Q Oday Abbas Ahmed Abbas

0
Tuesday May 22, 2018 - 06:01:48 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 996
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    QASAARAHA KA DHASHAY ROOBABKII U DANBEEYEY EE DALKA KA DA'AYEY 48KII SAAC AYNU SOO DHAAFNEY, QORSHE XUMADA IYO HABACSANAANTA NERAD IYO RAKAABKA MUUSE COLAAD. W/Q Oday Abbas Ahmed Abbas

    QASAARAHA KA DHASHAY ROOBABKII U DANBEEYEY EE DALKA KA DA'AYEY 48KII SAAC AYNU SOO DHAAFNEY, QORSHE XUMADA IYO HABACSANAANTA NERAD IYO RAKAABKA MUUSE COLAAD. W/Q Oday Abbas Ahmed Abbas

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

QASAARAHA KA DHASHAY ROOBABKII U DANBEEYEY EE DALKA KA DA'AYEY 48KII SAAC AYNU SOO DHAAFNEY, QORSHE XUMADA IYO HABACSANAANTA NERAD IYO RAKAABKA MUUSE COLAAD. W/Q Oday Abbas Ahmed Abbas
Maqaalkan waxaynu ku iftiimin doono shaqada ama kaalinta ay ku leedahay hayada u xilsaaran ka hortaga masiibooyinka qaranka marka magaceeda la soo gaabiyana loo yaqaan NERAD (National Environmental Research and Disaster Preparedness ) inagoo isdul taagayno sharciga iyo xeerkii lagu ansiyey ee x/no/35/2006 xeerkaasoo uu ku lamaanaa x/madaxweyne 189/2003 àwoodna u siinayey madaxweynaha aasaasida hayada ka hortaga masiibooyinka qaranka hadaba inagoon ka hor dhacayn qodobada ku xusan xeerka sida ku cad qodobka kowaad macnaha eŕay bixinta waxa loola jeedaa xaalad ba’an oo ka dhallata dhacdo dhibaato culusoo dabiici ah, ama mid Aadami Sameeyay ah, oo ku habsata bulsho,
carqaladaysana nolol maalmeedkooda, gaadhsiisana bulshadu in ayawooddi waayaan in ay helaan cunto iyo baahiyahooda kale eeasaasiga ah, isla markaana hanan kari wayaan noloshooda,
Qodobkani waxaa kaloo uu hoosta ka xariiqay shaqada dhabta ah ee ay hayada ka hortaga masiibooyinka qaranku u haysò umada lkn waxa iswaydiintu tahay matahay hayadaasi sida xeerka ku xusan mid waajibaadkeeda shaqo u gudata %100 kana hufan xilgudasho la'aan xukumada muusa biixii cabdi (muuse colaad ) oo hada ka baxday mudadii boqolka cisho ahayd kuna dhow sanad ayaa waxaa laga badalay magacii ay ku shaqaynaysay iyo cidii madaxda ka ahayd hayadaas, ka dib dhalashada dowlada cusub ee kulmiye waxaana loo bixiyey iyadoon la cuskan xeer sida aynu hore u soo xusnay aasaaskii hayada oo lagu aasaasay x/no/35/2006 iyo xeer madaxweyne 189/2003 awoodaha madaxweynaha siinayo abuurida hayadaha qaranku yeelanayo ayaa waxaa loo bixiyey hayada ka hortaga Aafooyinka dabiiciga iyo kaydka raashinka waxaanu madaxweynu u magacaabay faysal cali sheekh,
Dhawaan waxay ururka saadaasha hawada Aduunka ( World Meteorological Organization) UNIDO soo saareen warbixin ku saabsan in maalmaha ama saacadaha soo socdaa ay roobab dabaylo ba'an wataa ku dhufan doonaan xeebaha bariga iyo galbeedka Somaliland iyo Puntland, waxana la sheegayaa magaalada berbera inuu hal qof ku naf waayey halka xeebta galbeedka jsl tuulooyinka hoostaga gobolka awdal iyo salaĺ min baki, saylac, xariirad ilaa lowyacodo ay ku naf waayeen dad tiradoodu lagu qiyaaso 15 qof xoola badanina ku leedeen, halkaa waxa nooga cad wacyi galin la'aanta marka warkaas oo kale la maqlo in laga hortago dad iyo xooĺaba laga raro si loo yareeyo loogana hortago dhibaatooyinka ka dhalan kara duufaanadaa roobku wato,
Waxaynu maqalna sanad walba masiibooyinka dabiiciga sida abaaraha soo noqnoqda sanad walba dhibaatooyin lixaadleh ayna keenaan qorsha xumada iyo habacsanaanta NERAD, aanay jirina siyaasad cad oo ku salaysan wax ka qabashada iyo ka hortaga masiibooyinka dabiiciga guntii iyo gunaanadkii waxaanu madaxweyne muuse colaad iyo xukuumadiisa ku dhaliilayna madaxweyne adiģa iyo xukuumadaada waxa miisaaniyad iyo mushaharba idiin ah 1000 shiling ee islaanta xabuubta iibisa looga qaado cashuur iyàdna ay maalin oo layl bacadka u fadhidaa adiguna aad ku tagrifashaa isu daya inaad dib wax ugu celisaan oo aydaan maalintay masiibo dhacdo biric biriclayn lana timaadaan qorshe cad, shaqo iyo daacadnimana,






Wabilaahi towfiiq


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured