Maayirk iyo Badhasaabka Berbera Labada Masuul oo midna Heegan u Galay Gurmadka Dadka Roobabka Ku Barakacay Kan Kalena U Tamashla Tagay Deegaanka Biyo-guure oo u ka Dhistay Qasriyo Kuwa Raaxada ah.....

0
Monday May 21, 2018 - 05:30:24 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2628
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maayirk iyo Badhasaabka Berbera Labada Masuul oo midna Heegan u Galay Gurmadka Dadka Roobabka Ku Barakacay Kan Kalena U Tamashla Tagay Deegaanka Biyo-guure oo u ka Dhistay Qasriyo Kuwa Raaxada ah.....

    Maayirk iyo Badhasaabka Berbera Labada Masuul oo midna Heegan u Galay Gurmadka Dadka Roobabka Ku Barakacay Kan Kalena U Tamashla Tagay Deegaanka Biyo-guure oo u ka Dhistay Qasriyo Kuwa Raaxada ah.....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maayirk iyo Badhasaabka Berbera Labada Masuul oo midna Heegan u Galay Gurmadka Dadka Roobabka Ku Barakacay Kan Kalena U Tamashla Tagay Deegaanka Biyo-guure oo u ka Dhistay Qasriyo Kuwa Raaxada ah.....
Berbera(Xogreebnews)- Iyadoo muddo saddex caano maal ah, kooxaha hawada saadaaliyaa soo dirayeen digniino dhinaca saadĂ asha ah, isla markaana Ku baaqayeen inay Magaalooyinka xeebaha badankooda laga foggaado meelaha godanka ah, ayaa bulshada gobolada Saaxil iyo deegaano kaleba waxay ahaayeen kuwo werwer xoogani soo food saaray.
Hase-yeeshee Roobabkaa iyo dabaylahaasi waxay noqdeen kuwo a an dhib sidaasi u buuray Ku keenin Magaalada Berbera, marka laga reebo khasaare dhimasho iyo dhaawac iyo weliba hantiyeed oo u gaystay. Khasaaraha ugu badan oo Roobabkaasi ka gaysteen magaalada waxa kamid dhimashada hal qof iyo dhaawaca hal qof isna, sidoo kale waxa uu Dumiyey Roobabkaasi Guryo badan, waxa kaloo uu barakiciyey in Ku dhow kun qoys.
Haddaba,  "Allow eex ma Tiraabina, aqoon ha igu Cadaabin", ayaa laga hayey Rabbi ha u naxariistee Abwaankii weyna ee Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye. Waxaan uga socdaa, Masuuliyadda iyo xilka umada loo hayo, waa mid marka uu garanaayo masuulkaa hayaa culus, sidoo kale waxa maalmaha adag ee umad ama deegaan soo wajahaa Ku kala baxa raga haldoorka ah ama arladaas masuuliyadeeda haya.
Sidaas daraadeed dhibkii iyo barakacii ka dhacay Magaalada Berbera, waxa uu dibada soo dhigay fadeexadaha xil gudasho la'aaneed ee dul hoganaaya masuuliyiinta Dawlada hoose ee Berbera, kuwasoo aan wax gacan ah ka gaysan gurmadkii lagu samato bixinaayey dadka tabaaleysan ee Roobabku Barakiciyeen, waxana Gurmadkaas Ku keliyeystay dhinaca dawlada Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Eng. Axmed Cismaan Xasan(Tima-Cade) halka uu ka muuquurtay Maayirkii Magaaladda laga soo doortay Cabdishakuur Maxamuud Xasan Cidin, kaasoo xog iyo dabagal kaddib la oggaaday inuu nasasho u joogay Deegaanka Biyo guure oo ka dhistay Qasriyo waaweyn oo Ku raaxada ah.
Isku soo wada duubo taanina waa Maalin cusub iyo dhacdadeed oo diiwaanka u gashay Duqa Magaaladda Berbera Mr. Cidin, kaasoo gurmad uu dadkiisa u fidiya daayo xataa telefoonadii xidhay.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured