Gudoomiyaha Hayadda Shaqaalaha oo Wargelin Hambalyo iyo Wax-ka bedel Saacadaha Shaqada soo saaray Fadliga Bisha Barakayaan ee Ramadan...Akhri Warsaxaafadeed koobanw
Gudoomiyaha Hayadda Shaqaalaha oo Wargelin
Hambalyo iyo Wax-ka bedel Saacadaha Shaqada soo saaray Fadliga Bisha Barakayaan ee Ramadan...Akhri Warsaxaafadeed koobanw
Wargelin
Hambalyo iyo Wax-ka bedel Saacadaha Shaqada
Mudanayaal iyo Marwooyin,
Sida aad la socotaan waxaa inoo bilowday bishii barakada badnayd ee Ramadaan, taasi oo loo diyaar-garoobayo cibaado iyo in xuska Alle dedaal dheeraad ah la geliyo.
Sidaa darteed, guddida hay’adda shaqaalaha dawladdu iyaga oo dareensan muhiimadda maalmahan tirsani u leeyihiin Addoomaha, sidoo kalena qiimaynaya in shaqaalaha dawladdu uga faa’idaystaan inta ugu badan, waxa ay ku wargelinayaan in is beddel kooban lagu sameeyey saacadaha shaqada.
Jadwalka cusub ee bisha barakaysani waxa uu noqon doonaa sidan:
Shaqo-gelista: 8:00Am "Subaxnimo”
Shaqo-ka bixidda: 1:00Pm "Duhurnimo”
Ugu dambayn, waxa aan ugu hambalyeynayaa guud ahaan shaqaalaha dawladda curashada bisha barakada badan waxa aanan u rajaynayaa in Alle ku daro inta helaysa dembi dhaafka, naxariista iyo in Alle jidhkooda naarta ka xoreeyo.
Ku Cibaadaysta Cafis iyo Caafimaad
Sharmaarke Axmed Muxumed Geelle
Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda JSL Leave a comment |
|