Siyaasi Aadan Suldan Cabdiraxmaan oo Maamulka Wakaaladda Biyaha Hargeysa Ku Eedeeyey Inuu laban-laabay Qiimaha Biyihii yaraa ee ay Waraabin-jireen Xaafado Faro-ku Tiriska ah Iyo Madaxweyne M. Biixi oo u Xasuusiyey Go'aan Hoggaamineed oo Madaxweyne Cigaal qaatay Xilligiisi..

0
Sunday May 13, 2018 - 04:24:00 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1272
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasi Aadan Suldan Cabdiraxmaan oo Maamulka Wakaaladda Biyaha Hargeysa Ku Eedeeyey Inuu laban-laabay Qiimaha Biyihii yaraa ee ay Waraabin-jireen Xaafado Faro-ku Tiriska ah Iyo Madaxweyne M. Biixi oo u Xasuusiyey Go'aan Hoggaamineed oo Madaxweyne Cigaal qaatay Xilligiisi..

    Siyaasi Aadan Suldan Cabdiraxmaan oo Maamulka Wakaaladda Biyaha Hargeysa Ku Eedeeyey Inuu laban-laabay Qiimaha Biyihii yaraa ee ay Waraabin-jireen Xaafado Faro-ku Tiriska ah Iyo Madaxweyne M. Biixi oo u Xasuusiyey Go'aan Hoggaamineed oo Madaxwey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasi Aadan Suldan Cabdiraxmaan oo Maamulka Wakaaladda Biyaha Hargeysa Ku Eedeeyey Inuu laban-laabay Qiimaha Biyihii yaraa ee ay Waraabin-jireen Xaafado Faro-ku Tiriska ah Iyo Madaxweyne M. Biixi oo u Xasuusiyey Go'aan Hoggaamineed oo Madaxweyne Cigaal qaatay Xilligiisi..
Hargeysa(Xogreebnews)- Siyaasi Aadan Suldan Cabdiraxmaan Suldaan Diiriye oo Kamid ah hoggaanka sare ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, ayaa si Kulul u cambaareeyey Qiimaha Wakaaladda Biyaha Magaaladda Hargeysi ku kordhisay Shacabweynaha Somaliland, isagoo ku tilmaamay waxaan lå aqbali karin in xilligan oo roobaadkuna da'ay, hadana biyaha caasumaddu cabto lagu kordhiyo boqolkiiba %25 halkii Miter kiyuubka.
Siyaasi Aadan Suldan Cabdiraxmaan waxa kaloo uu talaabadaas qiimo kordhinta ah ku tilmaamay mid dhiig miirasho åh oo aan ku iman caqli iyo dimiir xishiinaya midna, sidoo kale waxa uu Siyaasi Aadan Suldan ugu baaqay inuu tallaabo waxku ool ah Madaxweyne Muuse Biixi ka qaado Masuuliyiinta wakaaladda, isla markaana uu ku daydo Madaxweyne marxuum Cigaal talaabadii uu ku hor istaagay xilligiisi markuu Wakaaladda Biyaha Hargeysa Maareeyaha ka ahaa Alle ha u naxatiistee Marxuum Cali Asad oo xilligaas qadar lacagah oo aan buurnayn ku kordhiyey Biyaha Hargeysa. Sidaasna waxa uu ku sheegay Siyaasi Aadan Suldan waraysi kooban oo u khadka Telefoonka ku siiyey Wariye ka tirsan Shabakadda Xogreebnews.com, kaasoo u dhignaa sidan.
"..Marka hore waxaan halkan ka Cambaareynayaa qiimaha aan macquulka ahayn ee shacabweynaha duruufaha kala duwani hayaan, ee Hargeysa ku nool ay Wakaaldda Biyuhuu Ku kordhisay Lacag aad u badan. Inaggoo og in Biyuhuu yihiin nolosha Bini aadamka, isla markaana ay markii horeba qaali ahaayeen. Hase-yeeshee caqli xumada iyo Khibrad lå'aanta Innamada yaryar ee Wakaalada joogaa ku kordhiyeen shacabka waanka soo horjeednaa hadaanu nahay Xisbiga Waddani, wanan Cambaareynayaa oo waxaan leeyahay bulshaddu ma qaadi karto qiimaha %25-ka ah ee lagu kordhiyey danyarta aan biyaha hagaagsan markii horeba heli jirin".
Sidoo kale Siyaasi Aadan Suldan Cabdiraxmaan waxa uu Madaxweynaha Somaliland ugu baaqay inuu talaabo ka qaado cidii falkaa arxan darada ah kula kacday shacabka, isla markaana uu ku daydo Madaxweynihii hore ee Somaliland Maxamed X. Ibraahin Cigaal, waxanu yidhi "..Madaxweyne waxan ku xusuusinayaa waqtii maamulkii Madaxweyne Cigaal, ayaa waxa dhacday in wakaaladda Biyuhu kordhiso qiimaha, waxana waqtigaas maamule biyaha ahaa Marxuum Cali Asad, waxanu Madaxweyne Cigaal intaa uu canaan dhegaha gooyey ku yidhi niyaanad oggeyn in biyuhu yihiin tiirka koowaad ee Nolosha shacabk oo kordhiyey qiimaha Biyaha, Madaxweyne Cigaal waxa uu kaga falceliyey sidaad u kordhin kartaa Biyaha?. Sidaas daraadeed madaxweyne masuuliyada culus ee ku saaran fadlan dadka ugu naxariiso oo umaddu waxba kuma noole bal Inta yaree Dawladda biyaheeda cabtaa ka daaya Dulmiga aanay qaadi karayn, Hargeysa Biyaba må hesho intii yarayd ee ay hesho, hadaad lacagta intaa le'eg ku kordhisaan waa ayaan darro weyn".. Ayuu yidhi Siyaasi Aadan Suldan Cabdiraxmaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured