Khilaaf Culus oo ka Dhex Qarxay Laba Masuul oo kala Riixanaaya ku shaqaysiga Shaadhka Madaxweynaha Muuse Biixi iyo Dhaqankii laga Dhaxlay Siilaanyo oo midka darani ay Ku Talaabsadeen Gacanyarayaasha Muuse....

0
Saturday May 12, 2018 - 19:02:44 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2855
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khilaaf Culus oo ka Dhex Qarxay Laba Masuul oo kala Riixanaaya ku shaqaysiga Shaadhka Madaxweynaha Muuse Biixi iyo Dhaqankii laga Dhaxlay Siilaanyo oo midka darani ay Ku Talaabsadeen Gacanyarayaasha Muuse....

    Khilaaf Culus oo ka Dhex Qarxay Laba Masuul oo kala Riixanaaya ku shaqaysiga Shaadhka Madaxweynaha Muuse Biixi iyo Dhaqankii laga Dhaxlay Siilaanyo oo midka darani ay Ku Talaabsadeen Gacanyarayaasha Muuse....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khilaaf Culus oo ka Dhex Qarxay Laba Masuul oo kala Riixanaaya ku shaqaysiga Shaadhka Madaxweynaha Muuse Biixi iyo Dhaqankii laga Dhaxlay Siilaanyo oo midka darani ay Ku Talaabsadeen Gacanyarayaasha Muuse....
Hargeysa(Xogreebnews)-Khilaaf ba'an oo lagu kala riixanaayo Ku shaqaysiga awooda shaadhka Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi, ayaa ka dhex qarxay laba masuul oo Madaxweynuhu adeer u yahay, isla markaana saameyn Ku dhex sheegay tallada qaranka iyo maamulka guud ee qasriga Dalka looga arrimiyo.
Labadan masuul oo Madaxweynaha Somaliland adeer u yahay, ayaa kala ah Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Maxamed Cali Bile iyo Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha oo lagu magacaabo Mubaarak Taani (Afyuub), kuwasoo ficiltan dhinaca awooda ahi Ku dhexmaray shaqada Madaxweynuhu qaban lahaa.
Teeda kale, labadan masuul ayaa sida xogguhu sheegeen ku kala awood batay gacan Ku haynta iyo maamulka Madaxtooyad, iyadoo dibada la dhigay agaasimaha Madaxtooyad oo u ka awood batay wiilka Madaxweynaha xoghayaha u ahi, kaasoo fara madhan ka dhigay agaasime Bile.
Agaasimaha madaxtooyada M.Cali Bile, ayaa dhawr jeer u dacwooday Madaxweynah, iyadoo sida xogguhu sheegeen Madaxweynuhuna Ku gacan sadhay ashkatada M Bile. Sidoo kale xoghayaha Madaxweynaha ayaa Madaxtooyad ka dhex noqday raysal wasaare, isagoo saamayn xoogan oo ilaa heer magacaabiseed Ku dhex yeeshay Dalka, isla markaana noqday shaqsi xula wasiirada iyo wax kastoo la magacaabo.
Si kastaba ha ahaatee lagama filay Madaxweynaha Muuse Biixi Cabdi inuu qaado dhabihii madaxweynihii ka horeeyey axmed Siilaanyo, kuwasoo ay gacanta u gashay awooddii Dalka looga arriminaayey, waxanay kala ahaayeen Xirsi, Maxamuud Xaashi iyo moorgan, hase yeeshee jidkii hore mid ka daranbaa hada sansaankiisu muuqda hadii aanu Madaxweynuhu degdeg aanu wax ka qaban inamada uu adeerka u yahay ee awoodii loo doortay Ku hirdamaya.
Lå soco xogo kaloo faahfaahsan 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured