Gudoomiyaha Dhawrista Tayada Oo Maroorsaday Masuuliyadii Wasaarada Ganacsiga Iyo Xogo Fashiliyay Xidhiidhka Ka Dhexeeya Cida Leh Laabka Baadhista Shidaalka....

0
Saturday May 12, 2018 - 09:56:59 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1580
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyaha Dhawrista Tayada Oo Maroorsaday Masuuliyadii Wasaarada Ganacsiga Iyo Xogo Fashiliyay Xidhiidhka Ka Dhexeeya Cida Leh Laabka Baadhista Shidaalka....

    Xogo fashiliyay Sabobta Uu Gudomiyaha Dhawrista Tayadu Umarin Habaabiyay Cidda lahayd Eada Dayaca Haamaha shidaal Iyo Xidhiidhka Qoyska Eeay leeyihiin Shakhsiyaadka Gacanta ku Haya Mishiinka Laabka Shidaalka!!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xogo fashiliyay Sabobta Uu Gudomiyaha Dhawrista Tayadu Umarin Habaabiyay Cidda lahayd Eada Dayaca Haamaha shidaal Iyo Xidhiidhka Qoyska Eeay leeyihiin Shakhsiyaadka Gacanta ku Haya Mishiinka Laabka Shidaalka!!
Hargeisa(Xogreebnews):- Dhawaan ayay ahayd Markii Wasaarada Ganacsiga Iyo Hay’ada Dhowrista Tayaddu ay Si Wada Jir ah U Shaaciyeen In Ay Ganaax Lacageed la dul dhigay Shirkadii keentay Shidaalka Wasakhaysnaa Iyo Shirkada maamusha Mishiinka Baadhista Tayada Shiidaal, Iyagoo Shirkada Iyo Mishiinka Laabka Baadhista tayada shidaalka ay dul dhigeen lacag isku mida, Go’aanka kasoo baxay wasaarada ganacsiga iyo hay’ada Dhowrista tayada oo iyadu ahayd cida go’aamisay qorshahan lagu ganaaxay shirkada Red sea.
Dhanka kale masuuliyiinta shirkada Red Sea ayaa Ganaxaa La dul dhigay ka biyo diiday iyagoo ku doodaya in marka kowaad Shidaalka ay keeneen uu baadhis ku sameeyay Mishiinka Laabka Baadhista shidaalka ee xukuumadu u Xil saaratay La socodka Tayada shidaalka. Waxayna shirkada Red-sea soo Badhigeen qoraalkii ay siyeen ee loogu ogolaaday in ay shubaan Shidaalka. Arinta labaad ee ay ku doodeen madaxda shirkada Red Sea ayaa ah yaa awood u leh in ganaax ku riddo cid ama shirkad ? Maxaa loo cuskaday, haddii ay dawladii baadhay shidaalka dalka la keenay  cadaysay in uu sax yahay hadana in la ganaaxo maxa sababay ?,  Su’aalahan iyo kuwa kale oo ay ku doodeen shirkada Red-sea ayaa Dareeno kala duwan ka dhex abuuray bulshada Reer Somaliland.
Sidoo kale Talaabadan Uu ku kacay Gudoomiyaha Hay’ada Dhowrista Tayada Muuse Xuseen kuna ganaaxay shirkada Red sea isagoo ku la maaneeyay laabka Baadhista tayada shidaalka oo Isagu ah ka leh masuuliyada dhacdadan iyo wixii khasaare ka yimaada, nasiib daro gudoomiyaha hay’adda Tayadda wuxuu fashiliyey ujeedooyinka ku lamaanaa iyo awoodaha sharciga baalmarsan ee uu ku kacay . Hadii aynu wax ka ogaano Cida iska leh mishiinka lagu baadho Tayada shidaal, iyo xidhiidhka qoysnimo ee gudoomiyaha hayada dhowrista tayada Udhexeeya Mr Muuse  Iyo shakhsiyaadka isla leh mishiinkan lagu baadho shidaalka? Ma xukuumada ayaa iska leh mise waxaa isla leh dad shacab ah? Dhaqaale intee leeg ayay bishii ka qaadaan masuuliyinta laabka shidaalku, haamaha kaydka shidaalka?,


Ugu horayn laabka baadhista shidaalka waxa gacanta ku haya dad shacabka ama koox waxayna bil walba haamaha kaydka shidaalka ka qaadaan lacag dhan 150,000$ oo dollar isagoo foosta kasta oo shidaalka ku leh 1$ hal dollar wuxuna dhaqaalaha inta leeg ku dhacaan gacanta xubno uu gadh wadeen u yahay safiirka Somaliland u fadhiya dalka Emaaradka Baashe Cawil oo Awood badan ku lahaa Xukuumadii madaxwayne Siilaanyo oo iyadu wakhti la furayay haamaha shidaalka sheegtay in ay laabkan kusoo iibsadeen lacag dhan 3 milyan oo dollar dawladuna iska leedahay, Balse waxaa waxba kama jiraan noqotay in mishiinka ay xukuumadu leedahay waxaana meesha kasoo baxay koox dhaqaalaha intaa leeg si sahlan u qaadata.
Dhanka kale talaabada uu dabada ka riixayay ee sida sharci baal marsan loogu ganaaxay shirkada Red sea ayaa waxa fulinteeda leh gudoomiyaha hayada dhowrista tayada Muuse Xuseen oo isagu kamid ah qoyskii Siilaanyo isla markaana ay Ooryo Walaal Yihiin Mulkilaha Mishiinka Baadhista Shidaalka Baashe Cawil Cumar. Waxay Dhacdadani  uu ku kacay Gudoomiyaha Dhowrista Tayadu daboolka ka qaaday Awoodaha qarsoon ee wali ay xukuumada Muuse Biixi Ku dhex Leeyhiin    Qoyskii Madaxwaynihii Hore ee Siilaanyo Iyo Inamada uu sodoga u ahaa, Kuwaasi oo u taagan ilaalinta mashaariicdii dawlada ee ay sida khaldan ugu qaateen awoodii siilaanyo.
Sikasta oo ay tahay Talaabadan ayaa xukuumada Madaxwayne Muuse Biixi ku noqonaysa mid lumisa kalsoonidii ay shacabku ku qabeen iyo rajadii ahayd in uu mar uun gacanta dawlada kusoo celiyo adeegyadii laamaha dawlada ee ay sida sharci baalmarsan uboobeen xukuumadii hore uguna gacan galisay shakhsiyad gaara oo xidhiidh dhow la lahaa qoyska siilaanyo iyadoo qorshahan lagu maran habaabiyay dhacdadii haamaha shiidaalka Berbera iyo ganaaxa sida sharci baal marsan loo dul dhigay shirkada Red-sea ay astaan u noqonayso ku tagrifalka  awooda Qaranka ee  gudoomiyaha hay’ada dhowrista tayadu balaysimay iyo fadeexadaha maamul ee dulhoganaya Wasaarada Ganacsiga Oo shaqadeedii la maroorsaday .

Waxaase laga warsugidoonaa sida xukuumadu uga fiirsato go,aankaa khaldan ee ay ku dhawaaqeen iyo dib u eegista ay xukuumada Muse Bixi ku saxdo hawlahan horyaala,maadaama oo waajibaadka kowaad uu leeyahay mishiinku, mar hadii uu shaybaadhkii cadeeyey in shiidaalkaasi sax  yahay waxa sharcigu dhigayaa in shaybaadhka la ganaaxo oo waliba shaqada laga joojiyo.
La Soco Warbixino Aanu Ku iftiiminayno Xaqiiqooyinka Dhabta ah Ee Arrintan Khuseeya.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured