Kaalmaha Hargeysa oo Iibinaya Shidaal Xun oo Xabag Leh, Gaadiidlaydana ugu Sheegaya inuu yahay Kii Jabuuti, Qiimaha oo lagu Kordhiyey Dadweynaha Iyo Boqolaal Gaadiid ah oo Durba u Fadhiistay Shidaal Xabag leh.

0
Friday May 11, 2018 - 05:14:30 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1250
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kaalmaha Hargeysa oo Iibinaya Shidaal Xun oo Xabag Leh, Gaadiidlaydana ugu Sheegaya inuu yahay Kii Jabuuti, Qiimaha oo lagu Kordhiyey Dadweynaha Iyo Boqolaal Gaadiid ah oo Durba u Fadhiistay Shidaal Xabag leh.

    Kaalmaha Hargeysa oo Iibinaya Shidaal Xun oo Xabag Leh, Gaadiidlaydana ugu Sheegaya inuu yahay Kii Jabuuti, Qiimaha oo lagu Kordhiyey Dadweynaha Iyo Boqolaal Gaadiid ah oo Durba u Fadhiistay Shidaal Xabag leh.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kaalmaha Hargeysa oo Iibinaya Shidaal Xun oo Xabag Leh, Gaadiidlaydana ugu Sheegaya inuu yahay Kii Jabuuti, Qiimaha oo lagu Kordhiyey Dadweynaha Iyo Boqolaal Gaadiid ah oo Durba u Fadhiistay Shidaal Xabag leh.
Hargeysa(Xogreebnews)- Kaalmaha Shidaalka iibiya ee Magaalada Hargeysa, ayaa labadii maalmood ee u dambeeyey lasoo baxay Tuugo iyo khiyaamo aan nooceeda hore loo arag. Kaddib markii ay dalaceen qiimaha Shidaal xun oo Xabag leh oo ay qiimo Jaban kaga soo qaateen Kaydka Haamaha Shidaalka Berbera, isla markaana kala qiimo dhigeen Shidaal dhowaan Somaliland kasoo galay dhinaca dalka Jabuuti.
Kaalmaha waaweyn ee ku yaala magaalada Hargeysa, oo ay intooda badan leeyihiin qaar kamida Shirkadaha Maamula Haamaha Berbera, ayaa Gaadiid layda ka taxaderaysaa in gaadiidkooda wax yeelo soo gaadho, isla markaana shidaalkaa Xabagta leh uu ka faadhiisiya Baaburta, waxay u sheegayaan inay kaalintani hayso Shidaalkii Jabuuti ee nadiifta ahaa.
Sidaas daraadeedna waxa uu ku shubayaa Gaadhiga, iyadoo  5  Liter laga siinaayo qiime lamid åh kan jabuuti, waxa durba labadii maalmood ee lasoo dhaafay Geerashyada Magaalada Hargeysa yaala Baabur båden oo u waxyeeleeyey Shidaalkaasi, kuwasoo ay leeyihiin dåd shacab ahi.
Si kastaba ha ahaatee, dhacdooyinka ayaa imanaaya xili todobaadkii hore golaha wakiiladdu ansixiyeen inay shirkadahaas calooshooda u shaqeystayaasha ahi, gacanta kusii hayan haamaha Berbera, teeda kale Shacabweynaha Gaadiidlayda ah ayaa wadnaha farta ku haya kuwasoo quus hadda ka taagan Dawladdii looga fadhiyey inay dadka ka qabato ganacsatada dhiig Miiratada noqday



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured