Fadeexado Musuq-maasuq oo Dul-hoganaaya Masuuliyiinta Dawlada hoose ee Berbera Iyo Hanti dhowrka guud oo Baadhis Ka Bilaabaya...Muuqaalka Gur Dabaqyo ah oo Xoghaye Cabdikariin Aadan Cadde ka kala Dhistay Hargeysa....

0
Tuesday May 08, 2018 - 06:47:55 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1328
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fadeexado Musuq-maasuq oo Dul-hoganaaya Masuuliyiinta Dawlada hoose ee Berbera Iyo Hanti dhowrka guud oo Baadhis Ka Bilaabaya...Muuqaalka Gur Dabaqyo ah oo Xoghaye Cabdikariin Aadan Cadde ka kala Dhistay Hargeysa....

    Fadeexado Musuq-maasuq oo Dul-hoganaaya Masuuliyiinta Dawlada hoose ee Berbera Iyo Hanti dhowrka guud oo Baadhis Ka Bilaabaya...Muuqaalka Gur Dabaqyo ah oo Xoghaye Cabdikariin Aadan Cadde ka kala Dhistay Hargeysa....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fadeexado Musuq-maasuq oo Dul-hoganaaya Masuuliyiinta Dawlada hoose ee Berbera Iyo Hanti dhowrka guud oo Baadhis Ka Bilaabaya...Muuqaalka Gur Dabaqyo ah oo Xoghaye Cabdikariin Aadan Cadde ka kala Dhistay Hargeysa....
Berbera(Xogreebnews)- Ilo wareedyo xog ogaal ah, ayaa shaaca ka qaaday inuu Hanti dhowrka guud ee Qaranku baadhis musuq-maasuq Ku samayn doono masuuliyiinta Dawlada hoose ee Berbera, oo lala xidhiidhiyey falal musuq-maasuq inay Ku kaceen.
Baadhitaanadan musuq-maasuq ee hanti dhowrka guud ee Dawladu Ku gelelafaayo Dawlada hoose ee Berbera, ayaan ahayn midkii koobaad, balse todobaadkii lasoo dhaafay, ayaa hanti dhowrka guud baadhis Ku sameeyey Dawlada hoose Gabiley, waxanay xoghuhu daaha ka faydeen in la xayiray Qasnada Dawlada hoose Gabiley.
Si kastaba ha ahaatee, baadhista Hanti dhowrka guud hadda Ku samaynaayo Masuuliyiinta Dawlada hoose Berbera, ayaa kusoo beegmaya xilli ay hadheeyeen tuhuno musuq-maasuq Maayirka Degmada Berbera Cabdishakuur Cidin iyo sidoo kale, xoghayaha Dawlada hoose Berbera Cabdikariin Aadan Cadde, kuwasoo hantida Qaranka siffooyin kala duwan u adeegsaday, isla markaana boqolaal kun oo Dolar jeebka Ku shubtay, kaddib markii ay ganacsato ka Iibiyeen bog cadihii Dawlada ee Magaaladda Berbera, labadan masuul ayaa sidoo kale ay dul hoganaysaa fadeexado Ku tagri fal hanti dawladeed ah sida la sheegay, kuwasoo xogaha ka ag dhowi sheegeen in midkiiba ilaa 20 Guri dhisteen magaalooyinka Berbera, Burco Iyo Hargeysa.
Sidoo Kale, todobaadkii lasoo dhaafay, ayaa waxay Warbaahinta Madaxbanaani soo bandhigtay Muuqaalka Guri saddex Dabaq ah oo Xaafadda New ee Magalaada Hargeysa uga socda Xoghayaha Dawlada hoose ee Berbera Cabdikariin Aadan Cadde, iyaddoo xoggaha kalee Ku dhowdhowi sheegeen inay jiraan laba Guri oo kale oo xoghayaha Dawlada hoose Berbera ka dhistay Hargeysa, waxanay xogahaasi intaa raciyeen in xoghaye Cabdikariin Aadan Cadde uu Dalka Jabuutina ka dhistay Guri weyn oo kuwa raaxada ah.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured