MAALINBA TII HILIB LEH.......!Siyaasi Maxamed Gacayte ------------------------------------------------

0
Tuesday May 08, 2018 - 03:56:00 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1032
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MAALINBA TII HILIB LEH.......!Siyaasi Maxamed Gacayte ------------------------------------------------

    Imika Golahii shacabka wakiilka u ahaa ee ka badbaadin lahaa wax kasta oo hagaardaamo iyo dhibaato ku ah nolosha bulshadii soo dooratay ayaa sidii Qawrax kaga dhigay, Maalinba Mooshinkii Kaash Leh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Imika Golahii shacabka wakiilka u ahaa ee ka badbaadin lahaa wax kasta oo hagaardaamo iyo dhibaato ku ah nolosha bulshadii soo dooratay ayaa sidii Qawrax kaga dhigay, Maalinba Mooshinkii Kaash Leh
Waxa jiray Nin la odhan jiray Oday Qawrax  oo ku noolaa daagaanka Ethiopia magaalo ka mid ah, hilibka ayuu aad u jeclaa waqti adagna waa lagu jiray, Maalinta Jimcaha Maasijidka ku yaala magaalada hilib ayaa la keeni  jiray, qawrax safka hore ayuu iska xaadirin jiray si uu hilbaha jimcaha u calfado.  Sidoo kale waxa iyana jirtay Kiniisad magaalada ku taal oo dadka Christian ah ku cibaadaystaan iyana maalinta Sabtida ah hilib ayaa laga helaa, Qawrax si dhuumasho ah ayuu ku tagi jiray Kiniisida, gara oo Qawrax hilibka uunbaa u daran, maalintii danbe ayaa la ogaaday waxaana la waydiiyay, Waar horta adigu diintee ayaad haysataa Qawraxoow, ismuu dhibinba, wuxuu ku jawaabay Maalinba Tii Hilib Leh. 
Imika Golahii shacabka wakiilka u ahaa ee ka badbaadin lahaa wax kasta oo hagaardaamo iyo dhibaato ku ah nolosha bulshadii soo dooratay ayaa sidii Qawrax kaga dhigay, Maalinba Mooshinkii Kaash Leh. Qof damiir iyo iimaan leh oo danta umada eegaya kama suurtawdo in wixii uu shalay diiday maanta ogolaato, kaliya damiir laawe dantiisa uun yaqaan mooyee sida Golaha Wakiilada ee mooshin quutayaasha noqday ee naftooda mooyee wax kale eegayn. Subxaan. Waatuu Abw. Cashuur lahaa, "Mar hadaan laxejeclaba idin ka hayn laba lis mooyaane" xaalku waa maxaad sidaa iyo waa imisa. 
Shirkadaha gacanta ku haya Kayd Haamaha Shidaalka Qaranka ilaahay ayaa kashifay markii ay shidaal xabag ah oo curyaamiyey noloshii danyarta ay dalka keeneen, khasaaraha shidaalka xumi keenay qoys aanay saamayn maleh xataa kuwan u codaynaya dhehoo, sabab loogu xisho inay gacanta kusii hayaan ma jirto. Golaha Wakiilada iyo Shirkadaha maamula Haamaha waa gofonayaal ku heshiiyay in dhiiga masaakiinta jaqaan, ilaahayse wuu arkayaa xisaabina way danbaysaa. 
"Inta Maanku Gaajaysanyahay, Guuli Waa Wali"
Abw. Hadraawi
Wabilahi tawfiiq.
Siyaasi Maxamed Gacayte 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured