Dekedda Berbera oo Taarikhda Markii u horaysay Sumcadeedj Kor u kacday...Maamulka Dekedda oo ku Guuleystay Inuu soo Jiito Suuqyada Mandaqada iyo Filashada Barwaaqo Suuranka Mashaaricda Cusub.....

0
Tuesday May 08, 2018 - 03:39:19 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1953
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dekedda Berbera oo Taarikhda Markii u horaysay Sumcadeedj Kor u kacday...Maamulka Dekedda oo ku Guuleystay Inuu soo Jiito Suuqyada Mandaqada iyo Filashada Barwaaqo Suuranka Mashaaricda Cusub.....

    Dekedda Berbera oo Taarikhda Markii u horaysay Sumcadeedj Kor u kacday...Maamulka Dekedda oo ku Guuleystay Inuu soo Jiito Suuqyada Mandaqada iyo Filashada Barwaaqo Suuranka Mashaaricda Cusub.....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dekedda Berbera oo Taarikhda Markii u horaysay Sumcadeedj Kor u kacday...Maamulka Dekedda oo ku Guuleystay Inuu soo Jiito Suuqyada Mandaqada iyo Filashada Barwaaqo Suuranka Mashaaricda Cusub.....
27-Sanno oo ay Somalıland jırtay, ısla markaana maamulo kala duwan ay ıskaga kala dambeeyeen hogaanka sare ee dalka, sidoo kale maamulka guud ee Dekedda qaranka Somaliland ee Magaaladda Berbera, ayaa markii u horaysay taarikhda waxay noqotay dekedda Berbera mid ku talaabsatay horumar balaadhan oo baaxad weyn oo dhinacyo badan.
Ugu horay Dekedda Berberi waxay ku talaabsatay hanaan maamul wanaag oo isla jaan-qaaday, kaasoo nidaamka shaqo ee Dekedda Berbera ka dhigay mid heer caalami ah.
Sidoo kale isla jaanqaadkaasi waxa uu albaabada u furay inuu koro dhaqdhaqaaqa ganacsi ee dekeddu, kaddib markii la habeeyey, isla markaana kor loo qaaday adeegyada ay bixiso Dekeddu, waxanu qorshahaasi sababay in habeen iyo maalin la shaqeeyo dekeddu oo aanay is taagin marnaba u adeegida bulshada ee Dekeddu.
Dhinaca Siyaasadda mandaqada waxay dekedda Berberi sannaadkan ka gashay mid si weyn caan uga noqotay, oo jiidatay indhaha caalamka, waxa kaloo xusid mudan in heshiiska DP iyo Somaliland noqday mid taarikhi ah oo ka xanaajiyey cadowga Somaliland.
Dekeda weyn ee Berbera waxa si toosa u maamusha Jamhuuriyadda Somaliland, oo ah qaran madaxbanaan, sidoo kale Dekedda Berbera waxa hada wada maamula Somaliland iyo Dp world, waxana la filayaa in sanaadkan daba yaaqadiisa ay si toosa u bilaabmaan mashaariicdii dib u dhiska Dekedda Berbera iyo dhismaha Deked cusub laga garab dhisi doono tan weyn ee Berbera. Hawlahaas fulintooda iyo ku daba galka Dp world waxa Somaliland u jooga Maareeyaha Dekedda Berbera Eng Siciid Xasan Cabdilahi oo ah shaqsi xula, daacadna ka ah hawlaha qaranka ui Ku meteelo. Sidaas daraadeed ma jirto cid wax yeeli kartaa heshiiskaas taarikhiga ah.
W/Q
Farxan Cali Warsame.
Hargeysa/ Somaliland.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured