Gudoomiye Sharmarke Geelle Masuul Udub-dhexaad u ah Waxqabadka Xukuumada Madaxweyne Muuse ee Maalmihii Tagay....

0
Tuesday May 08, 2018 - 03:37:02 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1214
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiye Sharmarke Geelle Masuul Udub-dhexaad u ah Waxqabadka Xukuumada Madaxweyne Muuse ee Maalmihii Tagay....

    Gudoomiye Sharmarke Geelle Masuul Udub-dhexaad u ah Waxqabadka Xukuumada Madaxweyne Muuse ee Maalmihii Tagay....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiye Sharmarke Geelle Masuul Udub-dhexaad u ah Waxqabadka Xukuumada Madaxweyne Muuse ee Maalmihii Tagay....
Xukuumada cusub ee Madaxweyne Muuse Biixi waxay ku guuleystay hawl qabad aan hore loogu talaabsan, taasoo ah shaqadii adkayd ee Hayadda shaqaalaha Dawladdu kusoo tiro koobtay shaqaale weynaha Dawladda, isla markaana Gudoomiyaha Hayada shaqaaluhuu Mii iyo magalaba kusoo diiwaageliyey.
Dawlad ama xadaarad waa in lagu qiimeeyo sida ay ula dhaqanto una horumarayso dadka cida awooda haysa ka fogaanshaha qabiileed, dhaqaaleed, iyo diimeed .... Laakinse aan lagu qiimayn sida ay uga faaideen dadkii xaalkoodu wanaagsanaa markii hore ama kuwa ka ag dhaw cida xilka iyo awoodu gacanta ugu jirto.
Qeexidan waxa ku sugan suaalo iyo tusaalooyin ay ka mid yihiin: Sidee ayay xaalada dadka faqriga ku sugnaa isu bedelaysaa markuu shaqaalihii dulmanaa helo xaqiisi, hoygoodii, dhaqaalahoodi iyo, caafimaadkoodii kor ma u kacay, caruurtoodii waxbarasho.
Gudoomiyaha hayada shaqaalaha Somiland Md.  Sharmarke Axmed Geelle, oo ah aqoonyahan dhalinyaro ah oo jebiyey dayrkii fadhiidka ahaa ee xil gudashada Hayada shaqaalaha oo ah mid Dastuuriya oo madaxbanaan. Waxa uu Gudoomiye Sharmarke qabtay waxay markhaati ka yihiin wadaniyadiisa iyo sidoo kale daacadnimadiisa iyo weliba kartida eebe ku gallaaday, waanu mudan yahay in lagu bogaadiyo inuu baylah tiray shaqadii uu qaranka u hayay.
Ummad aqoon iyo karti leh marka ay dooranayso cid ha ahaado madaxwayne , wasiir , ama macalin Gudoomiye IWM. Waxa ay ku doortaan laba sifo: Hawlkarnimo iyo daacadnimo. Marka aynu ka nimaadno ummadaha horumaray waxa si cad ugu cad quraanka kariimka ah labadaas qodob (QASAS 26).
Labadaas qodobi waa laba astaamood oo haddi aynu ku dhaqano aynu gaadhi karno ama dhaafi karno ummadaha horumaray. Waayo ummad kasta oo caalamka caan ku noqotay horumar iyo barwaaqo waxa ay ku gaadhay in shaqooyinka nooc kasta ha noqdaane, uu qabanayo qofkii ku haboona isaga oo aan u baahnayn dabagal iyo qasbid toona.
Hogaamiye dawladeed oo waxqabad leh waxa lagu gartaa astaamo ay ka mid yihiin : Ka warqabka xaaladaha bulshada ee kala duwan iyo latashiga inta aqoonta iyo khibrada leh.
1- Ka warqabka xaalka bulshadu iyo in uu ku bedelo xaaladaha ay ku sugan yihiin qaar ka wanaagsan , waa hawsha koowaad ee uu hogaamiye tahay inuu qabto. 
Sidaas daraadeed Gudoomiyaha Hayada shaqaaluhu Sharmarke Geelle waa masuul runtii Baal dahab ah ka galay Qarank, isla markaana waxa uu noqon doonaa shaqsi mustaqbal Siyaasadeed oo heer caalamiya leh beri ka maalinna noqon doona hogaamiyaasheena dambe.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured