Maxaa ugu Wacan Dawladda Madaxweyne Muuse Biixi Mashaaricda dhinaca ka raaran ee u Qoyskiisa Ku Taxay?.W/ Q Cali Cilmi Aadan

0
Saturday May 05, 2018 - 19:05:34 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1680
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa ugu Wacan Dawladda Madaxweyne Muuse Biixi Mashaaricda dhinaca ka raaran ee u Qoyskiisa Ku Taxay?.W/ Q Cali Cilmi Aadan

    Maxaa ugu Wacan Dawladda Madaxweyne Muuse Biixi Mashaaricda dhinaca ka raaran ee u Qoyskiisa Ku Taxay?.W/ Q Cali Cilmi Aadan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxaa ugu Wacan Dawladda Madaxweyne Muuse Biixi Mashaaricda dhinaca ka raaran ee u Qoyskiisa Ku Taxay?.W/ Q Cali Cilmi Aadan
Waxaynu naqaanay amaba se africanka caaddadii ahayn in wanaagoodu soo horeeyo haday tahay dhinaca nidaamka , hadday tahay dhinaca waxqabadka , hadday tahay dhinaca cadaalada, marka dambena si si yar ayey wax isu bedeli jireen waxaana dhamaadkeedu ahaan jiray musuqmaasuq iyo cadaalad daro,  aan eegno dawlada dhawrka bilood jirtay iyo sida ay ku bilaaban tay aan tusaale eegno mashaariicdii dawladu bixinaysay waxaa isku kooban qoyskii madaxweynaha kuwii uu abtiga , kuwiu seediga uu ahaa , kuwii uu adeerka u ahaa & kii uu dhalay ayaa waxay isku taxeen qandaraakii dhismaha madaxtooyada cusub, qadaraaskii timirta ramadaanta , kii 18 ka may, kii gaadiidka madaxtooyada  qof ma taraxo waa sooc , xaaladu waa daahir yaa shamis , wax la qarsanaayo ma jiraan, dhanka kale magacaabistii masuuliyiinta la magacaabay dhamaan waa kuwo ay taladooda geeyaan inamadaas yaryari sidaasay ku yimaadaan looma eego maxay qaban karayaan ee kuwaas yaryar uun baa yidhaahda kaas inoo geeya , qoladii hore ee maamulkii hore ee la xaman jiray ayaaba yaabay, waxaa laga hayaa waar anaga waaba nala taraxi jiree tan tiriiga sidata ka warama.
Haddaba waxay in badani is waydiinayaan dawlada afartii bilood ee ugu horeeyey sidan ah maxaa u malaynaysaan markay gaadho sanad amaba ka dambaysa , dadka rer somaliland waxba uma kala qarsoona, dadkii oo arka sidan  wax u socdaan ayey inamadii yaryara huteelada la tegayaan hebelow adiga agaasime guud baanu kaa dhigaynaa iyo wax la mid ah waaba af kala qaad .
Haddaba waxaynu fahanay sida wax u bilowdeen iyo sida wax ku dhamaanayaan ee dawladan cusub waxaa is waydiin mudan nimankii halgamaaga ahaa ee markii horena naftooda huray iminkana dadka u dhaaranaayey ee laga filaayey in maantuun wixii inaga qaldamay mudda dhawrka labaatanka sano ah inay sixi doonaan waa cusubina somaliland u baryi doono ma wixii madaxtooyada dadka ku haleeli jirayba haleelay oo wax baa ka si noqday meeshii laga filaayey inay reer somaliland reer walba qof qiimo weyni uga galo oo uu kala xidhiidho ayuun baad arkaysaa meeshii qoyskiisii is daba marayaan oo aan cidiba taraxin.waa fajacisee haddii kuwanina sidan noqdaan waxaynu nahay dad aan loo ilbixinayne hala ducaysto , hana loo nasteexeeyo madaxweynaha.
W/ Q
Cali Cilmi Aadan 
Hargeysa/ Somaliland.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured