Waa Markii U horeysay ee 18 May La bedelo!! Cabdirasaaq Askar

0
Saturday May 05, 2018 - 03:34:19 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1082
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa Markii U horeysay ee 18 May La bedelo!! Cabdirasaaq Askar

    Waxay sabab ka dhigeen inay kusoo hagaagtay Ramadaan oo ciidanka oo sooman ayay ku adkaanaysaa dhoolatuska ay samaynayaan, oo haddii maalin ramadaana cadowgu ina soo weeraro maxaa la yeeli doonaa?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxay sabab ka dhigeen inay kusoo hagaagtay Ramadaan oo ciidanka oo sooman ayay ku adkaanaysaa dhoolatuska ay samaynayaan, oo haddii maalin ramadaana cadowgu ina soo weeraro maxaa la yeeli doonaa?
Somaliland waa Qaran Madaxbanaanidiisa la soo noqday 18 May 1991 ,
kadib halgan muddo socday oo naf iyo maal ba loo soo huray. Maalintaa

18 may na waa maalin ku astaysan oo qaranka qiimo weyn ugu fadhida
qaranimada Somaliland ku suntan , iyada oo sanad walbana la xuso oo 26
sanadood ee ina dhaafay ba lasoo xusaayey . dhinaca kalena waa maalin
qaran oo dastuuri ah oo ku xusan Dastuurka iyo Xeerarka qarankani
leeyahay. Dastuurka Somaliland Qodobkiisa kowaad iyo Xeerka shaqaalaha
rayidka ahba ku xusan .

Haddaba, Xubno lagu magacaabay gudiga qaban-qaabada Xuska 18 may 2018
, ayaa sheegay inay bedeleen maalintaa oo ay ka dhigeen 15 May, balse
awood ma u leeyihiin inay talaabadaa qaadan iyada oo ay tahay maalin
masiiri ah oo qaranimo ?

Waxay sabab ka dhigeen inay kusoo hagaagtay Ramadaan oo ciidanka oo
sooman ayay ku adkaanaysaa dhoolatuska ay samaynayaan, oo haddii
maalin ramadaana cadowgu ina soo weeraro maxaa la yeeli doonaa?
Dalkan ramadaano ayaa lasoo xoreeyey xaqa markaad ku socotana Alle waa
kuugu gargaarayaa soomkaa la sooman yahay , hadii aanad macsiyo ugu
talo galin maalintaana 18 may …..! waxaanan leeyahay hadalkaa iyo
qiilkaa aad cuska teen maaha wax ummada u cuntamaya waxaanad gasheen
dambi qaran iyo qiyaamo qaran. Nin aan saaxibo nahay oo Ethiopia ka
yimid ayaa waxa uu iisheegay markii ay maqleen shacabka kasoo jeeda
degaanadaasi ay u qaadan waayeen sida dhayalka ah ee loo bedelay
maalintii inagu waynayd, waxa kamid ahaa hadaladoodii; "Hadii ay
bedeleen 18 May way soo dabcayaan oo waxaa ku xigta inay tirtiraan
maalintaa " ana waxaan leeyahay haddii shakhsiyaad koobani tan oo kale
ku talaabsadeen dalku waxa uu u baahan yahay gurmad degdeg ah oo lagu
badbaadinaayo Qaranimada dhiiga badani kusoo daatay.

Haddii ay Xukuumadii Siilaanyo Caan ku ahayd Waa Markii u horeysay ee
aynu Soomaaliya wada hadal nay !!!!  Xukuumadan Biixina Waa markii u
horeysay ee Maalintii Qaranimada la bedelo!!

Wabilahi tawfiq

Cabdirasaaq Askar

Hargeysa,So
maliland


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured