ITUS OO ITAABSII 3aad. Bye Cabdixakiin Maxamed

0
Saturday May 05, 2018 - 02:43:08 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1231
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    ITUS OO ITAABSII 3aad. Bye Cabdixakiin Maxamed

    Waxaan aaminsanahay in hadii sidaa uu sheegay ay run tahay in goolaha wakiilada oo isagu ka ahaa hurmood ay qaranka khiyaameeyeen. Khiyaamadaana ay ku mutaysan doonaan maxkamad.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaan aaminsanahay in hadii sidaa uu sheegay ay run tahay in goolaha wakiilada oo isagu ka ahaa hurmood ay qaranka khiyaameeyeen. Khiyaamadaana ay ku mutaysan doonaan maxkamad.
Itus oo itaabsii waxaan bulshada Somaliland ugu soo bandhigayaa siyaasiyiinta in ay bartaan. Dib u soo noqoshadii labbaad ee qaranimda Somaliland waxay tirsanaysaa 27sano, muwaadiniintu waxay u bislaadeen in aan dhayl lagu khaldi Karin.
Ujeedada qoraalkani waxaa uu ku xidhmayaa amaba ku lifaaqmayaa qoraalkii 1aad ee Itus oo itaabsii.
Mudane, gudoomiye: Cabdiraxmaan Cabdillahi oo Dekeda iyo madaarka ku tilmaamay in la xaraashay, waxaa hadaladiisii ka mid ahaa:
  
"horumarka kama soo hor jeedno, waxaanu ka soo hor jeednaa in Berbera la xaraasho”


Su’aasha ku noqonaysa gudoomiyaha waxay tahay. Sidee baa Berbera Loo Xaraashay?
Ma dekedaa la xaraashay
Ma saldhiga Milatarigaa goobta laga dhisayaa la xaraashay
Mise Berberaa la xaraashay


Waxaa kale oo hadalkii gudoomiyaha iga mudan sharafta iyo karaamada ka mid ahaa:

"Xilligii kambaynka waxaanu balan qaadnay in heeshiisyadii Dekeda iyo madaarka aanu dib u eegi doono hadii aanu nimaadno. Maanta kulmiye ayaa yimid wadani ma iman, madaxweyne muuse na waxa uu yidhi: heeshiisyada halkii Ayaan ka sii miisayaayoo waan hir galinayaa. Waabanu isku ogalayn in la hirgaliyo laakiin waad la socoteen maalin dhawayto waxaa soo baxay in aynaan heeshiisyadaa inagu saxeexinba, waxaa soo baxay in dawladii ay Somaliland tidhi heeshiisbaanu la galnay, dimboomaasigii ugu weynaa dalkasi (Anwar Maxamed Qarqaash) uu sheegay in ay heeshiiskaa Dekeda iyo madaarka kala xaajoodeen dawladii soomaaliya. waxay tilmaamaysaa in shacbiga wax badan laga qariyay, walaahi in aynaan maanta ogayn heeshiisku waxa uu yahay”

Sida aynu ka warqabno ee dastuuriga ah Heeshiis caalamiya waxaa gali kara dawlada dhexe amaba qaybta fulinta, laakiin in uu qabsoomo waxaa ansixin kara sharci dajinta.

Waxaynu ka warqabnay in heeshiiska Dekeda ay ansixisay goolaha wakiiladu. Goolaha wakiiladana waxaa waagaa gudoomiye u ahaa cabdiraxmaan Cabdillaahi. Isla markaana kalfadhigii lagu ansixiyay isagaa shir-gudoonka hogaaminaayay, ma maanta ayuu gudoomiyuhu shacbiga ka dhaadhicinayaa in heeshiiskaa waxa uu yahay aanay ogayn.

Waxaan aaminsanahay in hadii sidaa uu sheegay ay run tahay in goolaha wakiilada oo isagu ka ahaa hurmood ay qaranka khiyaameeyeen. Khiyaamadaana ay ku mutaysan doonaan maxkamad.
Haan u soo noqdo heeshiiska saldhiga milatariga, sida aynu ka war qabnay waxaa ansixiyay labba gole (Goolaha wakiilada oo gudoomiyaheedu ahaa Cabdiraxmaan iyo goolaha guurida oo gudoomiyaheedu ahaa Saleebaan.
Waxaan ku soo gabogabaynayaa Siyaasiyiinta reer Somaliland waa in ay dhawraan dastuurka qaranka jamuuriyada Somaliland.
samokaabtech@gmail.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured