Maxaa Sababay in Kooxaha Kubada Cagta Ee Ka Soo Jeeda Beesha Madaxweyne Siilaanyo Loo Kireeyo Hotelo, Halka Kooxahii Kalena La Dejiyey Iskuulo.

0
Tuesday June 04, 2013 - 12:52:57 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1329
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Sababay in Kooxaha Kubada Cagta Ee Ka Soo Jeeda Beesha Madaxweyne Siilaanyo Loo Kireeyo Hotelo, Halka Kooxahii Kalena La Dejiyey Iskuulo.

    Maxaa Sababay in Kooxaha Kubada Cagta Ee Ka Soo .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxaa Sababay in Kooxaha Kubada Cagta Ee Ka Soo .

Maxaa Sababay in Kooxaha Kubada Cagta Ee Ka Soo Jeeda Beesha Madaxweyne Siilaanyo Loo Kireeyo Hotelo, Halka Kooxahii KalenaLa Dejiyey Iskuulo.

000 ciyaaraha gobolada ee somaliland oo qaarkood huteelo la dajiyey qaarna iskuulo.,

Allaha u naxariistee Abwaankii C/laahi Suldaan Tima cade markii uu ka hadlaayay cidhib la'aanta iyo aayo xumida qabyaalada wuxuu yidhi,

Dugsi Ma Leh Qabyaaaldi Waxay Dumiso Mooyaane.

Anuunbaa Damqanayee Dhaguhu Uma Daloolaan.

Dariiq Toosan Soomaalidaay Waa Lagaa Daday.

Ninka Duday Distoorka(Kitaabka Quraanka ah)iyo Waxyiga Diintii Ka Carow.

Bai Inay Qalfoof Tahay Caqliga Dooni Laga Saaray Wixii Hore u Daashaday bay Dagashaneysaa.

Ubaxiinii Waad Daadiseen Waanad Dubateen.

Dubaaxdiisa Waad Wada Cunteen Duhur Dharaareed.

Dube Madaxa Weys Kala Dhacdaan Daa'in Abidkiin.

Dar Dar La Isku Laayiyo Intaan Weerar Daba Joogno.

Ay Dumarku Weerkii Sitaan Danabadii Waayay.

Dabac Yaa Lahaayeen Inteynu Isku Duuleyno.

Uu Sida Dareemada U Yaal Meydku Dabadeena Kolay Doogsan Maysaan Intaad Dunida Joogtaan.

hadaba saaxiibayaal waa wax aan suurto gal ahayn ninka qaacidad uu isticmaalo ka dhigtay qabyaalada sida madaxweyne siilaanyo iyo inta ku xeeran oo kale oo hadana yidhaahda qabyaalada waxaanu u samaynaynaa xuduud waqtiyo la isticmaalo qanbyaalada, goobo lagu isticmaalo iyo in qabyaalada lagu isticmaalo oo kaliya dadkii loogu talo galay oo kaliya markaa ka dibna waxaan xasuustay qisadan soo socota.

maalin dhaweynd ayuu noo waramay nin odey ah oo ka mid ah odayaasha reer Hargeysa waxanu yidhi waxaan arkay arin mucjiso ah oo aan la yaabay waxaanu weydiinay oo maxaad aragtay waxaanu ku jawaabay oo uu yidhi sidan.

xaafada aanu daganahay ayuubaa salaada maqrib kadib iyo waqtiga fiidadowga way dumarka iyo habluhu khaati iska taageen koox dhalin yaro ah oo dumarka waaweyn ka boobaya ama xoog kaga qaadaya wixii ay alaab sitaan hablahana kufsanaya.

hadaba soomaalida waxba uma kala qarsoone waxay dumarkii xaafadu soo ay soo wariyeen dhalinyaradan ay khaatiga ka taagan yihiin in ay ka mid yihiin laba wiil oo uu dhalay nin ka mid ah odayaasha xaafada markaa ka dib waxaa isu yimid odayaashii xaafada oo uu ka maqan yahay odaygii labada wiil dhalay iyo imaamkii masaajidka ay xaafadu leedahay oo ay qaraabo dhaw ahaayeen odayga wiilasha dhalay waxaana la isla gartay in ergo culus loogu tago odaygan labada wiil dhalay.

hadaba markii ay odayaashii xaafada oo uu imaamkii masaajidkuna wehelinayo ay u yimaadeen odaygii wiilasha dhalay waxaa hadalkii qaatay imaamkii masaajidka xaafada iyo dhawr oday oo kalena way ka daba mareen markii uu hadalkuu soo gaadhay odaygii lala hadlaayay wuxuu imaamkii iyo odayaashiiba weydiiyey goobta ay wiilahsiisu falka noocan ah ka sameeyeen wax markiiba u jawaabay imaamkii masaajidka oo ku yidhi waa inta u dhaxaysa masaajidka aan anigu tujiyo,iskuulka iyo moofada sidii odaygii wax kale looga eegayay wuxuu ku jawaabay oo halkaa maxay ka dooneen sownigii idhi ha tagina imaamkii ayaa markiiba ugu jawaabay marka aad tidhi halkaa ha tagina inamadaada halkee ayaad u dirtay inay soo boobaan wuxuu odeygii ku jawaabay dee waxaan u diray magaalada kale ee anigu ma waxaan ku idhi dumarka jaarka ah iyo xigtada soo booba.

hadaba saaxiibayaal maanta madaxweyne siilaanyo wuxuu taagan yahay halkii ninkaa odayga ahaa ee labada wiil dhalay wasiirada beeshiisa ka soo jeedaana ee uu ka mid yahay wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaruhuna waxay taagan yihiin halkii labadaa wiil ee fulinaayay dar daarankii aabahood waana sababta uu wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaruhu hoteelada ugu kireeyey dhalin yaradii ka soo qayb gashay tar tanka ciyaaraha gobolada ee beeshiisa ka soo jeeday dhalinyaradii kalena ee kuwaa la mid ka ahaana la seexiyey iskuulo.

hadaba maalin dhaweyd waxaa telefoon igula soo hadlay nin akhristey maqaal aan qoray oo anaan aqoon isku lahayn oo jooga qaarada Austareeliya waxaanu i weydiiyey su'aal ahayd wadigan inta badan sinaanta iyo cadaalada ka hadlee ma beesha dhexaad ka soo jeeda markii aan weydiiyey su'aashaa wuxuu uga goleeyahayna wuxuu iigu jawaabay beelaha darafyadu xukuumada siilaanyo waxay ka quusteen mudo hore waxayna baafinayaan maskaxdii madaxweyne siilaanyo oo ay dadka ugu war danbeysay markii la doortay waxayna beelaha darafyadu abaal gud fiican ugu balan qaadeen qof kasta oo soo hela maskaxdii madaxweyne siilaanyo ,waxase arintaa hor taagan Xirsi oo leh maskax madaxweyne oo luntay la soo heli maayee taydanba si ku meel gaadh ah ha ugu sii shaqeeyo.

hadaba waxaynu ka fahanay qoraalkan in uu madaxweyne siilaanyo dar daaranka uu siiyay wasiirada beeshiisu ay tahay dadka qabyaalada lagu isticmaalayo iyo dadka ka badaxa banaan , qodobka labaad ee aynu ka fahanay qisadan waxay ahayd in uu isagu inaamdiisa ku amray inay dadka soo boobaan waxase kaliya ee uu qiil ka dhigtay anigu dumarka jaarka soo booba maan odhan ee dadka kale soo booba ayaan idhi boobka noocaasi ahi waa boobka maanta hantida umada lagu boobo ee lagu boobayo magac beeleed oo shaadh dawladeed gashan.

Akhriste ka waran xukuumada kooxaha kubada cagta u cadaalad samayn weyday ee qaarna huteelo dajisay qaarna sikuulo,xitaa ciyaartoydu isku niyd ma noqonayaan?

hadaba isku soo wada duuduuboo Maxaa Sababay in Kooxaha Kubada Cagta Ee Ka Soo Jeeda Beesha Madaxweyne Siilaanyo Loo Kireeyo Hotelo, Halka Kooxahii KalenaLa Dejiyey Iskuulo.

La soco taxanaha qormooyinka danbe

Qalinkii:C/risaaq Suudi Nuur

Tel:4425243

Email:suudi88@gmail.com

Hargeysa/Somaliland




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured