Hayadda SIHA Netwok iyo Ururka Vosomwo oo Magaaladda Hargeysa Kusoo Gabo-gabeeyey Kulan Aqoon Kororsi ah oo Afar Maalmood Casharo Ku Bareen Haweenka ku Ganacsada Wadooyinka Hareerahooda....

0
Friday May 04, 2018 - 18:18:41 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1181
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hayadda SIHA Netwok iyo Ururka Vosomwo oo Magaaladda Hargeysa Kusoo Gabo-gabeeyey Kulan Aqoon Kororsi ah oo Afar Maalmood Casharo Ku Bareen Haweenka ku Ganacsada Wadooyinka Hareerahooda....

    Hayadda SIHA Netwok iyo Ururka Vosomwo oo Magaaladda Hargeysa Kusoo Gabo-gabeeyey Kulan Aqoon Kororsi ah oo Afar Maalmood Casharo Ku Bareen Haweenka ku Ganacsada Wadooyinka Hareerahooda....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hayadda SIHA Netwok iyo Ururka Vosomwo oo Magaaladda Hargeysa Kusoo Gabo-gabeeyey Kulan Aqoon Kororsi ah oo Afar Maalmood Casharo Ku Bareen Haweenka ku Ganacsada Wadooyinka Hareerahooda....
Hargeysa(Xogreebnews)-Ururka Vosomwo Iyo Hayadda SIHA Netwok, ayaa Magaaladda Hargeysa kusoo gabo-gabeyey Kulan aqoon kororsi ah oo ay muddo maalmood ah u qabteen Haweenka Dan-yarta ah Ku ganacsada Jidad Hargeysa Hareerahooda.
Kulankan, oo ay kasoo qaybgaleen Haween tiro badan oo ka socda Xaafadaha shanta Degmo ee Magaalada Hargeysa, ayaa afar caano maal si isdaba jooga loo baraayey sidii ganacsigooda kor loogu qaadi laha, isla markaana waxa la baraayey casharo Ku taxaluqa habab loo koriyo ganacsiga iyo maadooyinka uu degdeg ugu kobco.


Kulankan oo ay maalgelisay Hayadda  SIHA Netwok, isla markaana ay fuliyeen Ururka waddaniga ah ee caanka Ku ah u doodista xuquuqda aadamaha ee Vosomwo, ayaa waxay afartaa caano maal Haweenka dan-yarta ah ee ganacsatada waxay ku siiyeen khuburo casharo siisay, kuwasoo habab aad u fudud ugu sharaxay casharadii la baray.
Geesta kale, Haweenkii afartaa maalmood ku sugna aqoon kororsiga, ee ganacsatada ahaa, ayaa dhinacooda aad uga mahadceliyey aqoon kororsiga la siiyeeyey, iyo sidoo kale, casharada faaidad ganacsi u lahaa ee ay barteen. Kuwasoo tilmaamay inay maanta leeyihiin aqoon ay ganacsigooda si waafiya u kobciyaa.
Teeda kale, Haweenka, ayaa sheegay inay rajaynayaan inay helaan maalgelin, kaabta ganacsigooda oo ay ka kaalmeeyan Hayadda SIHA Netwok, iyo Ururka Vosomwo, oo ah Haayaddo Xil weyn iska saaraya koca 
Dhaqaale ee haweenka danyarta ah Ganacsigooda..
Si kastaba Hayadda SIHA Netwok, iyo Ururka Vosomwo, ayaa la filayaa inay sanaadkan si wada jira u fuliyaan mashaaric tiro badan oo ay ka caawiyaan dadka nugul iyo maareeynta nolosha qoysaska danyarta ah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured