Ururka Vosomwo oo Si Kulul u Cambaareeyey Weedho Cunsuriyad Iyo Xad-gudub ku ah Ganacsiga Gaarka ah ee Beelaha Gabooye oo Kasoo Yeedhay Wasiiradda Arimaha Bulshada Hinda Gaani, Xukuumada-na ka Dalbaday inay Raali-gelin degdeg ah ka Bixiso

0
Thursday May 03, 2018 - 04:42:37 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1244
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ururka Vosomwo oo Si Kulul u Cambaareeyey Weedho Cunsuriyad Iyo Xad-gudub ku ah Ganacsiga Gaarka ah ee Beelaha Gabooye oo Kasoo Yeedhay Wasiiradda Arimaha Bulshada Hinda Gaani, Xukuumada-na ka Dalbaday inay Raali-gelin degdeg ah ka Bixiso

    Ururka Vosomwo oo Si Kulul u Cambaareeyey Weedho Cunsuriyad Iyo Xad-gudub ku ah Ganacsiga Gaarka ah ee Beelaha Gabooye oo Kasoo Yeedhay Wasiiradda Arimaha Bulshada Hinda Gaani, Xukuumada-na ka Dalbaday inay Raali-gelin degdeg ah ka Bixiso

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururka Vosomwo oo Si Kulul u Cambaareeyey Weedho Cunsuriyad Iyo Xad-gudub ku ah Ganacsiga Gaarka ah ee Beelaha Gabooye oo Kasoo Yeedhay Wasiiradda Arimaha Bulshada Hinda Gaani, Xukuumada-na ka Dalbaday inay Raali-gelin degdeg ah ka Bixiso
Hargeysa(Xogreebnews)- Warsaxaafadeed: Iyaddoo hadda lagu jiro qarnigii 21-aad, oo  adaamuhuu ka meel kastoo ay aduunka kaga sugan yihiin laga baxay gumaysigii, jinsi iyo midooda midab takoor noocu doono ha noqdee, marka laga reebo dadka soomaliyeed oo iyaggu leh caado xun oo ay ku faquuqan bulshada kamid ah, kuwasoo ah umaddaha Gabooye, ayaa haddana waxa la filaayey in laga koro dhaqanka noocaas ah oo casrigan aynu joogno lala talaabsado, oo xukuumadduhuu gadh-wadeen ka noqdaan.
Hase-yeeshee Quudhsiga iyo takoorka shacab ee lagu hayo, umadaha Beelaha gabooye, waxa uu hadda marayaa meeshii ugu xumayd ee abid, iyadoo dagaalka bulshadaas lagu hayo hadda uu gaadhay in xataa masuuliyiinta Xukuumadda Somaliland la gaban waayaan cunsuriyadda iyo nacaybka isir ee Bulshada la hayb-sooco ay u hayaan.
Cunsuriyada hadda karkaarka jebisay ee masuuliyiintii ugu saraysay ee Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi fagaarayaasha ula soo istaagtay bulshadda gabooye, ayaa ah mid nooceeddu cusub yahay. Waayo?. Waa qorshe lagula dagaalamaayo, isla markaana lagu dabar-goynaayo ganacsiyadda ay Bulshada Gabooye caanka ku tahay, sida Timo-jariistaa ama xirfada Rayiislayaasha oo ahayd shaqo ay qaban-jireen bulshadan dhibaatada badan lagu hayo.
Sidaas daraadeed Ururka Waddaniga ah ee Vosomwo, oo u taagan u doodista xuquuqda dadka la takooro, waxa uu Cod dheer ku Cambaaraynayaa hadalladii cun-suriyad iyo takoor bulsho ahaa ee wasiiradda Wasaaradda shaqo-gelinta Somaliland Marwo Hinda Gaani ku quudhsatay umadda Beelaha Gabooye ee ka ganacsada Xirfada Timo-jarista. Maadaama oo wasiiraddu si cad oo aan gabasho lahayn shaaca uga qaaday in Xirfadlayaasha Beelaha Gabooye ee 100-ka kun ee sano timaha ka xiiri jiray bulshada kale, ay ku tilmaamtay kuwo ay ka wanaagsan yihiin Rayiislayaasha dalka Itoobiya kaga soo duulay Muwaadiniintii ka ganacsan jirtay.
Wasiiradda waxanu xasuusineynaa in hadii ay nadaafad noqoto iyo hadii ay caafimaad noqotaba midna aanay Itoobiyaanka ajebiga ahi ku gaadheyn muwaadiniinta Beelaha Gabooye ee timaha jara. Wasiir waxay ahayd inaad dalka ka mamnuucdaan ajeniga shaqadii la qaban jiray ku qabsaday muwaadiniin, balse may ahayn inaad muuraal ahaan iyo ganacsi ahaanba la dagaalanto Bulshadan Gabooye ee iyaddu hodonka u ahayd xirfadan iyo xirfadaha kale ee muhiimka ah. Mudane wasiir waxay ahayd inaad ku faanto oo bulshada ugu baaqdo inaanay ka xiiran Itoobiyaanka, taasay ahayd masuuliyadaadu, balse dhawaqaaga cusubi waxa uu xad-gudub iyo gef ku yahay muwadiniintii mudnayd ee dalkaaga.
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi iyo Xukuumadiisa waxa looga fadhiyaa inay deg-deg uga noqdaan dhawaqaa wasiiradda, iyadoo looga fadhiyo raali-gelin iyo inay shaqadda ka joojiso Itoobiyaanka mukhaadaraadda ku dhex iibiya Rayiislayaasha, isla markaana ganacsigii muwaadiniintu qaban jirtay ku xidhiidh yey muwaadiniinta u dhashay Somaliland. Sidaas daradeed anaggoo dhowraynaa inaanu ka helno dawladda Somaliland raali gelin, waxanu xusuusineynaa  Madaxweynaha iyo dhamaan intaa samaha jecel ee reer Somaliland, in ficilkaas wasiiraddu kula kacday bulshada Gabooye, inuu yahay dhaqan dunidu ka guurtay, isla markaana looga baahan yahay in talaabo degdeg ah laga qaado wasiiradda, sidoo kalena la kobciyo ganacsiga umadahaas.
waxa kaloo xusid mudan in madaxweynaha  Somaliland looga baahan yahay cadaalad iyo sinaan, isla markaana uu bulshada Gabooye siiyo saamigii ay xaqa u lahayd ee Xukuumadiisa qaybaheeda kala duwan. Ilahayna ha ku garan siiyo. 
Ururka wadaniga ah ee Vosomwo.
Office Hargeysa/Somaliland




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured