Shirkada Somaliland investment Company waa Xisaab-socod (account) Casriyeysan oo khatartiisa leh.qalinkii A/rahman fidhinle UK

0
Thursday April 26, 2018 - 02:26:18 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1183
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkada Somaliland investment Company waa Xisaab-socod (account) Casriyeysan oo khatartiisa leh.qalinkii A/rahman fidhinle UK

    Shirkada Somaliland investment Company waa Xisaab-socod (account) Casriyeysan oo khatartiisa leh.qalinkii A/rahman fidhinle UK

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirkada Somaliland investment Company waa Xisaab-socod (account) Casriyeysan oo khatartiisa leh.qalinkii A/rahman fidhinle UK
Shirkada Somaliland investment Company kuma laha dalka gudihiisa Rusqad iyo Liisan qaanuuni ah sidaa daraadeed habraacii iyo nidaamka loo maray ee lagu sameeyey Shirkadan Somaliland investment Company waxay baalmarsan tahay Xeer ka maalgashiga ee Somaliland Xeer/No/ 29/ 2004, Qodobkiisa 5-aad iyo Qodobkiisa 13-aad. Xeerkani wuxuu awood buuxda siinayaa 9-ka xubnood ee gudida maalgashiga Somaliland (Foreign investment board ) ku waas oo doorkoodi shaqo uu meesha ka baxay maadama aan iyagana lagala tashan curinta sharkadan maalgashiga lagu sheegay. Waxaa kale oo shirkadan dalka debediisa laga sameeyey ay burinaysaa qodobo badan oo ku xardhan Dastuurka qaranka JSL sida Q-11aad, Qodobka 13-aad, Qodobka 77-aad, iyo Qodobka 78-aad.
Hadaba Su'aasha Qarnigu waxay tahay yaa damaanad qaadaya hadii shirkadan dalka lagu dhaco ? Waxaa kale oo shirkadani daaqada ka saartay Shirkadii ay wada yeelan la haayeen Somaliland iyo DPW
ee loo bixiyey (Berbera Port Operation Company ) Waxaana fogaan aragu isku wada raacay in shirkadan loo sameystay in sife weecsin iyo beegsin ah dalka loogu metelo oo loogu maalo dhamaan Mashaariicdii horumarineed ee DPW ay hore ugu balan qaaday sida Beeraha,Suuqa xorta ah, Caafimaadka, kaluunka, Dhoofinta Xoolaha, tamarta, dalxiiska iyo waxbarashada.Waxaa la qiray in ay tahay shirkad sameys ah oo Yeel iyo Weel uun ah oo aan aqoon dheeraad ah u laheyn sifayaasha maalgashiga loo sameeyo. Ma aha shirkad dhaqaale badan maamuli karta oo sheerer badan sii iibin karta, maadaama asadkeeda lagu soo xadiday lacag dhan $5 million oo dollar oo keliya. Waxaa laga dhawaajiyey in ujeedada ka danbaysa shirkadani ay tahay in ganacsatada Waaweyn lagu xakameeyo oo shirkadaasi keligeed kantaroosho mashaariicda muga leh ee imaaraatiga laga rajeynaayo iyada oo isticmaalaysa magaca dawlada mar kasta.
Sideedaba madaxweynuhu marka uu Hayad ama shirkad dawladeed abuuraayo gudi buu u saaraa ka dibna digreeto madaxweyne ayuu ku soo saaraa taasina may dhicin! Waxay aheyd in shirkadan curinteeda iyo caleemo saarkeeduba ay ka timaado Wasaarada Maaliyada oo ay wasaaradu abuurto siyaasadda guud ee shirkada iyo xeer nidaamkii shirkada " Article of Association " lagu maamuli lahaa laguna dhaqi lahaa kadibna golaha wasiiradu ansixiyaan loona gudbiyo Baarlamaanka si loo ansixiyo oo ay shirkadu u hesho Liisan Qaanuuni ah " Judical Personality " taasina may dhicin. Sidaa daraadeed waxaa dhici karta in shirkadaa si qarsoodi ah dalka loogu metalo oo shirkadaha shidaalka sahamiya iyo kuwa kaluunka xaalufiya lagula shuraakoobo oo lacago badan lagu amaahdo oo ay noqoto Xisaab-socod ( Account) qarsoon oo dalka debediisa ka furan oo malaayiin doolar lagu leexsado waana arin khatarteeda leh hadii ay taasi dhacdo .
Waxaa mushtamaca reer Somaliland is weydiinayaan Shiradani Xageey hoos tagtaa ? Maxaa kelifay in shaqaale dawladeed gudi iyo madax looga dhigo ? Timir laf baa ku jirta !! ma run baa waxay hoos tegaysaa Wasaaradda Maaliyada oo aan markii hore ogeyn goobtii lagu falkiyey iyo ujeedadii loo sameeyey? Ma wasaaradda Maalgashiga oo aan waxba kala socon curinteedii ayaa la hoos geynayaa ? Waxaa cadaan ah oo aan caad saarneyn in shirkadani tahay "Geed sare waab" aan danta guud ee ummadda loo sameyn ee dano gaar ah uraran. Shirkad aan xeer-dhismeed la ansixiyey laheyn oo aan dalka ka diiwaan gashaneyn yaa aminaaya? - bal adba ! Waa xaajo ugub ah oo ummaddan sicir bararku ragaadiyey miskahooda lagu sii dhuuxaayo. Waa shebekad casri ah oo hantida ummadda loo daadsaday si loogu ugaadhsado oo loogu jilaabto sahankeeduna wuxuu sii daadsan yahay U.A. E ilaa London.
Gunaanad: Shirkadani maadaama ay tahay Dilaal qarsoon waxay lid ku tahay kobcinta dhaqaalaha qaranka, waxay caqabad ku tahay korodhka dakhliga dawlada curdinka ah, sidaa daraadeed marna Somaliland kuma helayso maalgashi caalami ah oo toos ah (Direct-foriegn investment ) shirkad yar oo cusub oo aan taariikh hore laheyn oo Dubia uun laga diiwaan geliyey. Somaliland kuma helayso taageero dhaqaale oo dalka lagu horumariyo (Bi-lateral and multi-lateral support) shirkad yar oo sameys ah oo dhawaan dhalad ah.
Alleh ayaa Mahad Leh,
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi(scs)
Wa-laahum-Aclum- Waa Billaahi-Taw-fiiq,
Qalinkii :A/rahman fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD BA
United Kingdom
London



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured