Waxqabadka Taabo-galay ee u ku Talaabsadday Xoghayaha Fulinta Dawladda hoose ee Berbera Cabdikariin Aadan Cadde Iyo Doorkiisi Xarun Cilmiyeedka Bugaagta Berbera!!!. Qalinkii Cabdifataax Cali Faarax

0
Thursday April 26, 2018 - 02:13:46 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1101
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waxqabadka Taabo-galay ee u ku Talaabsadday Xoghayaha Fulinta Dawladda hoose ee Berbera Cabdikariin Aadan Cadde Iyo Doorkiisi Xarun Cilmiyeedka Bugaagta Berbera!!!. Qalinkii Cabdifataax Cali Faarax

    Waxqabadka Taabo-galay ee u ku Talaabsadday Xoghayaha Fulinta Dawladda hoose ee Berbera Cabdikariin Aadan Cadde Iyo Doorkiisi Xarun Cilmiyeedka Bugaagta Berbera!!!. Qalinkii Cabdifataax Cali Faarax

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxqabadka Taabo-galay ee u ku Talaabsadday Xoghayaha Fulinta Dawladda hoose ee Berbera Cabdikariin Aadan Cadde Iyo Doorkiisi Xarun Cilmiyeedka Bugaagta Berbera!!!. Qalinkii Cabdifataax Cali Faarax

Xoghayaha dawladda hoose ee Magaaladda Berbera Md. Cabdikariin Aadan Cadde, ayaa noqday masuul waxqabad mug iyo miisaan leh oo la mahadiyey ku tallaabsadday mudadii ay manjaraha dawladda hoose ee Magaaladda Berbera ay u wada-hayeen isagga iyo Maayirka Magaaladda, md. Cabdishakuur Maxamuud Xasan Cidin, kuwaasoo gacmaha isku qabsadday u shaqeynta iyo ka midho-dhalinta Masuuliyadda culus ee ay qaranka u hayaan.

Duqa magaaladda Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan Cidin iyo Xoghaye Cabdikariin Aadan Cadde waxay Magaaladda Berber aka hirgeliyeen dhisme aad u weyn oo ah hoyga wax akhrista iyo waxbarashadda oo ay yaalan boqolaal Bugaag cilmiyeed kala duwan, xarunta Leebariga Berbera, waxa fulintaa dhismihiisa ay kasoo fushay masuuliyiinta dawladda hoose ee Berbera, kuwasoo wada jir iyo dan dadweyne awgeed u dhisay goobtan hoy cilmiyeedka ah. Goob tani waxay anfacaysaa bahda ehellu cilmiga ah iyo dadka aqoonta jecel sidoo kalena cidkasta oo Berbera ku nool, soo booqata ama u baahata waxay kasoo kororsan kartaa aqoon iyo waxbarasho cusub.

Sidoo kale xoghayaha iyo duqa magaaladdaasi waxay magaaladda Berbera ka hirgeliyeen waxbabadyo kaloo tiro badan, oo ay ka markhaati yihiin qaybaha bulshada ee gobolkaa iyo cid kastaa oo timmaada, isla markaana aqoon u leh berberadii hore ee burbursanayd. Labadan masuul oo ah kuwo dhalinyaro ah, ayaa sameeyey Laamiyo badan oo kor-u-qaaday bilicda iyo dhaqdhaqaaqyada ganacsi ee gobolka hadda ka socdaa, waxanay ka fuliyeen mashaaric wada-jir ah oo badan, kuwasoo iskugu jiraa banneynta jidadkii xidhnaa, haggaajinta ama soo saarista naqshadda Magaaladda, sammeeynta Laamiyo tayo leh iyo weliba kobcinta garaadka bulshadda.

Haddaba, Akhristee maxaad u mallaynaysaa sababaha guulaha shaqo ee waxku oolka ah inay gaadhsiiyeen xoghayaha dawladda hoose ee Berbera’se aqoon intee le’eg ayaad u leedahay xoghayaha dawladda hoose ee Magaaladda Berbera Md. Cabdikariin Aadan Cadde. Jawaabtaa su’aashaas haddaynu isku dayno inaynu ka jawaabno waxay yeelaynsaa jawaabo dhowr ah oo kala duwan, si aynu u fahamno furaha guulaha shaqo ee masuulkani ku talaabsadday muddo kooban.

Xoghayaha dawladda hoose ee Berbera, waa shaqsi bulshada dhex-galaa oo la sheekeystaa kana war-hellaa baahiyahooda shaqo ee kaga xidhan dawladda hoose, isagoo bulshadda ku qaabila waji-furan iyo kal-debecsanaan soo dhoweynayn iyo raali gelin ah, waxanu mar kastaa xog-ogaal u noqdaa shaqo kastaa oo u damacsan yahay inuu u dhaq-qaaqo ama gudo-galo xaalinta mushkiladaha jira.

Xoghaye Cabdikariin Aadan Cadde, waa masuul aqoon maadi iyo mid Diniba leh oo ka dhisan dhinac walbaa, waa aqoonyahan kasoo shaqeeyey Waddamo kala duwan, isla markaana leh aqoon dhaqaale iyo mid maamul, arrimahaasoo ah kuwa sababay inuu kasoo baxo shaqadii uu qaranka u hayey, isla markaana la yimaado waxqabadkii laga filaayey iyo mid kasii badan.

Xoghaye Cabdikariin aadan Cadde, waa masuul aan ku dhaqmin qabyaaladda, isla markaana aan aqoonin qof jeclaysi iyo kala xigtaysi, waana masuuul jecel inuu garab istaago oo gacan siiyo dadka jilicsan, waa xoghaye leh hoggaamin iyo dad la dhaqan, waxa uu bulshada ku dhiiri-geliyaa inay is-dhexgalaan oo wax wada-qabsadaan.

Cabdifataax Cali Faarax

Berbera/Somaliland




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured