Ogaalkeen Shirkadda Sagal-jet 12-kii Sanno ee u Dambeeyey Waxay ahayd Horyaalka Iyo Laf-dhabarta Shirkadaha Daabacaada, Waxayna Dabooshay Baahi lagaga Maarmay Dalab-dibadeed, xusaska Weynaynta Munaasibadaha qaran iyo Kal-furnaanta Tayo Bay-nagu Kasbadeen!!!.

0
Wednesday April 25, 2018 - 03:33:50 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1199
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ogaalkeen Shirkadda Sagal-jet 12-kii Sanno ee u Dambeeyey Waxay ahayd Horyaalka Iyo Laf-dhabarta Shirkadaha Daabacaada, Waxayna Dabooshay Baahi lagaga Maarmay Dalab-dibadeed, xusaska Weynaynta Munaasibadaha qaran iyo Kal-furnaanta Tayo Bay-nagu Kasbadeen!!!.

    Ogaalkeen Shirkadda Sagal-jet 12-kii Sanno ee u Dambeeyey Waxay ahayd Horyaalka Iyo Laf-dhabarta Shirkadaha Daabacaada, Waxayna Dabooshay Baahi lagaga Maarmay Dalab-dibadeed, xusaska Weynaynta Munaasibadaha qaran iyo Kal-furnaanta Tayo Bay-nagu Kasba

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ogaalkeen Shirkadda Sagal-jet 12-kii Sanno ee u Dambeeyey Waxay ahayd Horyaalka Iyo Laf-dhabarta Shirkadaha Daabacaada, Waxayna Dabooshay Baahi lagaga Maarmay Dalab-dibadeed, xusaska Weynaynta Munaasibadaha qaran iyo Kal-furnaanta Tayo Bay-nagu Kasbadeen!!!.
Hargeysa(Xogreebnews)- Damiirka caafimaadka qaba ee dadnimada lehi, wuxuu ku farayaa inaad boggaadiso, cidi dalkeena keenta adeeg dal shisheeye loo qaban-jiray, isla markaana kaa daboosha baahidaasoo aan kala dhantaalnayd.
Sidaasi daraadeed waxanu jeclaysnay inaanu hor ilahay uga marag kacno faa'idooyinka aan tiro iyo cadaad midna lahayn ee ay bulshada gaadhsiisay Shirkadda Sagal-jet oo wax badan ka bedeshay ganacsiga Somaliland. Iyaddoo sidoo kale sabab u ahayd hana qaadka dhinaca bilicda caasimadda iyo tartanada ganacsi iyo koboca dhaqaalaha.
Sidoo kale, Shirkadda Sagal-jet waxay kor u qaaday oo doorweyn ku leedahay horumarinta qaranimada Somaliland ee hadda samada isku shareertay, iyadoo xusaska qaranimo iyo hanaanka Dimuquraadiyadeed ee ka hana-qaaday Somaliland ku leh qayb lixaad leh.
Haddaba,  waxaan uga socdaa, qoraalkan kooban oo markÄ… loo eego waxtarka Shirkadda Sagal-jet ee dalka aanay kaga dhacay dhibic, inaan sidaad La socotaanbaa idiin sheego idinna og tihiin in Shirkad ganacsiyaadka Sagal-jet ay 12-kii sanno ee lasoo dhaafay iyaddu ahayd haldoorka koowaad, isla markaana aanay cidi isku dhererinayn, gaadhi Karina, horyaalka Shirkadaha daabacadaha casriga ah ee Somaliland. 
Waxanay 12-kaa sanadood ee lasoo dhaafay Shirkada Sagal-jet ahayd shirkad dawladihii iskaga kala dambeeyey maamulka dalku,  ay la lahaayeen macaamil qabasho adeeg, iyadoo dawlahaasi Haayad,  haayad wax uga dalbadaan xiliyada ay jiraan munaasibadaha qaran, sida xususka 18 May oo ay shirkaddani xuskeeda iyo weliba weynaynteeda qabab casriga oo tayo badan usoo daabaci jirtay qalabyada kala duwan ee astaamaha u ah qaranimada Somaliland. Waxa kaloo iyana xusid mudan, in Shirkadda Sagal-jet door muhiima ku leedahay qurxinta iyo qaan-gaadhnimada hanaanka Doorashooyinka Somaliland, waxana xili doorasho walbaa laga daabacdaa Istikarada Musharaxiinta Madaxweyne,  Baarlamaan, gole deegaan iyo wax kastoo hanaan xisbi ama doorasho la xidhiidha, waxa kaloo raaca qodobkaas  soo dhowaynaha Siyaasiyiinta ama haldoorka kale ee bulshada.
Haddaba, Shirkadda Sagal-jet waxay halkaa ku gaadhay, waa maamulka iyo dedaalka horumarka ah ee ay gaadheen, sidoo kale waxa u dheer intaas waa xadaarad Cilmi ganacsiyaad siyaasadeed leh oo ay shirkadda ku kasbatay quluubta qaybaha qaranka Somaliland Ka kooban yahay, haday tahay ganacsatada u baahi qabtaa adeegay Sagal-jet bixiso iyo hadii ay tahay Dawladda Somaliland waxay uga baahataba. 
Gudoomiyaha Shirkada Sagal-jet Cabdi Yuusuf Aar, waa shaqsi karaamo badan ku dhex leh bulshada, isla markaana xadaarad ganacsiyeed ku kasbaday qaybaha kala duwan ee umada, waxana runtii la odhan karaa waa shaqsi karti,  aqoon iyo hufnaan shaqoba leh. Cabdi Yuusuf Aar waa Nin Dhalinyaro ah oo run ahaantii sameeyey dedaal tisqaad shaqsiyadeed, waxa haboon in la boggaadiyo oo lagu daydo. 
Shaqaalaha iyo iyo maamulka Sagal-jet uma baahnaa in amaan iyo boggaadin keliya, hase-yeeshee waxay mudan yihiin in laga waramo dhaxalka iyo Taarikhda wanaagsan ee ay kaga qayb-qaateen horumarka kala duwan ee dalka, iyo weliba aragtida dheer ay inoo wadaan. Waxa kaloo xusid mudan oo aanay jirin wax loo dhiggaaba dhaxalka Suugaanta iyo soo nooleynta suugaanta, ama qorista iyo daabacaada Bugaagta iyo Taarikhda Abwaanadeenii kala duwanaa, waa arrin mudan in loogu mahad celiyo maamulka iyo shirkadda Sagaljet. Lama soo koobi karo baalka dahabka ah ee ay ku jiraan Shirkada Sagaljet, haseyeeshee qormadan Maanta halkaa ha inoo joogto.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured