Maxay Ku Timi Magacaabista Gudoomiyaha Baanka Somaliland oo aan Lahayd aqoon Baan iyo Cilmi Dhaqaale midna?. Madaxweyne "...Talo Caruureed Tabaalo xun bay leedahay".

0
Wednesday April 25, 2018 - 02:03:15 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 4821
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay Ku Timi Magacaabista Gudoomiyaha Baanka Somaliland oo aan Lahayd aqoon Baan iyo Cilmi Dhaqaale midna?. Madaxweyne "...Talo Caruureed Tabaalo xun bay leedahay".

    Maxay Ku Timi Magacaabista Gudoomiyaha Baanka Somaliland oo aan Lahayd aqoon Baan iyo Cilmi Dhaqaale midna?. Madaxweyne "...Talo Caruureed Tabaalo xun bay leedahay".

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxay Ku Timi Magacaabista Gudoomiyaha Baanka Somaliland oo aan Lahayd aqoon Baan iyo Cilmi Dhaqaale midna?. Madaxweyne "...Talo Caruureed Tabaalo xun bay leedahay".
Hargeysa(Xogreebnews)-Somalidu waxay ku maahmaahdaa T"olo Dumar Tagoogo jab bay leedahay waxaan ku daraynaa Maanta, Talo Caruureedna Tabaalo xun bay leedahay" waxaynu Caawa qormadan oo taxane noqon doontaa ku eegaynaa Cugashada uu madaxweynuhu doortay Gudoomiyaha cusub ee Baanka Jamhuuriyada Somaliland. 
Baadhis iyo daba gal kaddib waxa lagu ogaaday  in aanu ahayn shaqsi lagu doortay dhexdhexaadnimo amaba aqoon baan oo uu leeyahay. Sidoo kale Maaha shaqsi abaal-gud loo siiyey oo usoo halgamay,  looma dooran inuu yahay shaqsi isu dhawayn kara labada xisbi doorashada ku kala fogaaday ee Waddani iyo Kulmiye. 
Haddaba Maxaa lagu xushay ee loo eegay Ninkan khasnadii dalka loo dhiibay, waxay dad badani su'aashan kaga jawaabayaan. Waxa loo eegay kuwii isaga ka soo horeeyey caruurta juniorka ah ee zeero  C-da ahayd ee Gudoomiyaha  baanka kasoo horeeyey kuwaasoo loo aanaynayey inay ka talo-bixiyeen kooxda yaryar ee awooda xoogan ku leh talada madaxweynaha, kuwasoo kolba kuwa yaryar ee iyagu wada sheekaystaan ay madaxweynaha horgeeyaan oo la magacaabo kana sidaa si la mid ah ayuun bay horgeeyeen, oo waxa uu masuulkani in muddo ah la sheegay inay si shaqsiyan ah ay iskugu xidhnaayeen  Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweyne Muuse Biixi, oo lagu magacaabo Mubaarik Taani, haba-se ahaatee magacaabistiisaas madaxweynuhuu umu eegin wax intaas ka durugsan iyo inuu leeyahay aqoon Ban ama sidoo kale aqoon dhaqaaleyahanimo midnaa. Xaalada hada lagu jiro ee Sixir baraar maalinbaa maalintaa ka dambaysa faraha kasii baxaaya, maha qof u carbisan, aqoon u leh, ama dalkaba joogay.
Haddiiba doorashadiisu ay sidaa ku fadhido maxaa laga malaysan karaa ma wuxuu noqonayaa mid sida uu qudbadiisaa ka dhadhamaysa halkiisii kasii wada oo wax uu kala fogeeyo mooyee an waxba isu soo dhawayn, ma yahay mid ku shaqayn doona siyaasada dawlada, mise ilayn way cadahay inaanu madaxweynuhu qof uu aqoon u leeyahay muu ahayne, markuu kii la doonayey noqon waayo madaxweynuhu wuu ka noqon oo waxay taladeenu noqon kan magacow hadana erri amaba iskaga adkayso qof aan ahayn kii    loo baahnaa taasina khasaaraheeda ayay leedahay miyaanay ahayn taladeenu. talo ciyaal tabaalo xun ayey leedahay, Madaxweyneheenu ma og yahay sida bulshadu u ogtahay taladan ciyaal ka xeeran mise madaxweynuhu wuxuu aaminsan yahay inaanay bulshadu ka war hayn talo caruureedan uu dhex sabaynaayo maamulkii loo han-weynaa.
Waxaan kusoo gebagebaynayaa madaxweyne adna aragtay cugashadaadii iyo doorashadaadu ama cid la tashanaysaa nooca ay yihiine ha kusii adkaysan khaladkee la tasho cid waayo aragnimo, dad aqoon, cilmi , caqli kugu soo kordhinaysa taasaa dadka iyo dalkaba anfacaysa wixii kaa khaldamaa wadanka iyo bulshada ayey ka go an tahay, waxaa hore loo yidhi waddaanta isha ka xumaataa faylka ayey la timaada, arrin madaxweyne kaa qaloocdaana dalka iyo dadka dhaawac ayuu ku yahay, bulshada iyo dalkaba wixii kaa khaldan ceeb maahee ka leexo dariiqa khaldan kuna baydh wadada saxda ah bal ila daawada gudoomiyaha baanka ee cusub hadaladiisii cunfiga iyo nacli abuurka bulsho iska horkeenista wadata.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured