Qabyada degelka taala way badan tahay. Qoraa:- Eng Yasin Cabdala Jama

0
Tuesday April 24, 2018 - 19:00:22 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1841
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Qabyada degelka taala way badan tahay. Qoraa:- Eng Yasin Cabdala Jama

    wakhtigan la joogo waxa layska gumaystaa caloosha iyo wixii af qaadi lahaa sida ay u dhan yihiin calooshooda ayay u shaqaystaan , hunguri iyo hawada nafta ayay shaqaale u yihiin. Waxa soo raaca mid mid aan wax badan dhaamin oo hankiisu hebel ku xidha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

wakhtigan la joogo waxa layska gumaystaa caloosha iyo wixii af qaadi lahaa sida ay u dhan yihiin calooshooda ayay u shaqaystaan , hunguri iyo hawada nafta ayay shaqaale u yihiin. Waxa soo raaca mid mid aan wax badan dhaamin oo hankiisu hebel ku xidhan yahay waxaana mayalka u haya maalinba halka hungirigisu galo.
Waxaan in badan ku mashquulsanaa oo aan is waydiinayay wixii aan somaliland ku arkay ee isa soo tarayay hadii ay wanaag iyo horumar ahayd , iyo hadii inta ku lidka ahba ay tahay, maxay  noqdeen wixii aan somaliland  ku arkay ?
hadaad arki jirtey amaba akhrisan jirtey qoraal loo sii araarto amaba loo sii afeef dhigto kani wuu ka baaxad wayn yahay oo araar iyo afeef baqasho ku jirto midna laga daalacan maayo 
ma ogaan kartid jihada aan u socdo hadii aanad ila socon . laakin garashadu waxay ii sheegeysaa in la ambaday. Sababtii loo ambaday iyo arimaha ku taxan maalmihii la soo maray, ayaa iyaguna ah kuwo aynu u qaadaa dhigi doono  si xor ah waayo waxaynu dhalanay inagoo xor ah . aragtideena qumana waxaynu sheegeynaa oo waliba siiqo wanaagsan ugu sheegeynaa inagoo xor ah.
Dhinaca kale markaad ka eegto waaqiciga ayaa inoo diidaya xorna uma nihin in aynu  halkaas oo kale ka hadalno ama ka fekerno waayo hadii ay xoriyadi jirto ma sidan ayaa la ahaan lahaa.
Waxaad mooddaa in bulshada somaliland ay moogan tahay wada jirka iyo horumarka nololeed ee ay wadaagaan. Hadaba hayinka ay saaran yihiin waxa lagu hogaamiyaa jibbo,iyo garaad caqliyada ka durugsan, talada iyo tilmaanta na waxa leh in annaaniyadani ka buuxdo oo aragtidoodu caadifadaysan tahay ( aan ku sii talax tagee )- masiirkooda waxa lagu maamulaa dareeno aan xeel fogayn oo cadho iyo ciilba isugu dhafan .Dareenadaasi waxay ka soo fulaan laaabaha ma kastada , indhow arag iyo indho ku garaadlaha . Intaas oo is kaashatay ayaa shalay iyo maantaba rugta hogaaminta inoo joogta waliba iyaga ayaynu ka sugaynaa faraj xal u noqda umadan. wakhtigan la joogo waxa layska gumaystaa caloosha iyo wixii af qaadi lahaa sida ay u dhan yihiin calooshooda ayay u shaqaystaan , hunguri iyo hawada nafta ayay shaqaale u yihiin. Waxa soo raaca mid mid aan wax badan dhaamin oo hankiisu hebel ku xidhan yahay waxaana mayalka u haya maalinba halka hungirigisu galo. Waana qayb habaaran waxaanay ku foogan yihiin wax kasta oo laga ducaysto amaba habaaran. Waxanay ku raran yihiin wixii dadka wanaagsani iskaga tagay ee laga ducaystay hadaba hadii bulshadii sidaa u badan tahay intii wanaagsanayndna waxay ku qanciyeen inay ku qancaan waxay iyagu qanceen(( oo talow maxay ah?!  Inta darani waxay calansidayaal u yihiin oo ay waliba xilal been ah iyo billado bar kuma taal ah u tosheen (intii loo darnaa) 
Hadii se in uun garasho jirto waxay ahayd inay maatida iyo maxastaba ku hogamiyaan toobiyaha saxda ah si ay iyaguna u noqdaa kuwi la majeeran lahaa bari.
SU’aashu waxay tahay ( intii loo darnaa   hadii ay dhaadsan tahay waxay u dooratay inta u daran MIYAA SIDAN LA AHAAN LAHAA ?  
Hadaba inta darani hadii ay ogtahay sababaha loo doortey ee looga xushay dadka intiisa kale inay tahay xal u helida iyo furfurida caqabadaha taagan ee hal xidhaalaaha ku noqday geedi socodkii horumarka, miyay ahayd inay ku sii adkaystaan himilooyinka leexsan ee guul darooyinka laga dhaxlay.
Saban waliba waxa jira hal kudhigyo  mahadhooyin reeba wakhtigan la joogana waxa ugu tun wayn (JEEGAAN) intii loo darnaa had iyo jeer waxay is waydiisaa amaba isku maaweelisaa xoriyada dhalanteedka ah iyo dimuquraadiyad afka baarkiisa ah. Kii ay garashada bidayna laftiisu madadaaalada ayuu la raac raacayaa waxaanu inoo sheegayaa hadana in  aan la ogolayn in qofku aarraadiisa uu cabiri karo si xor ahna uga hadli karo wixii jira ee u baahan in wax laga yidhaahdo amaba waydiimo ka keeno xaga loo socdo iyo masiirka umadda xataa marka aad kaligaa tahay.  si kale hadii aynu u dhigno intii darnayd ma ogola kasha inta loo daran yahay inay is waydiiso su’aalo ku taxan mabaad’iida biyo kama dhibcaanka ah ee loo arko inay furfuri karaan caqabadaha hor yaala ee dadku ku wada hadaaqayaan se xalkoodu fogaaday haday tahay (1) sixir barar (2) camal la’aan (3) qabyaalad  (4) abaaro soo noqnoqda iyo kuwo badan oo kaleba .
Hadii se aad si xor ah aad fikirkaaga u hollisid waa hubaal in markiiba cid gaara iyo dareeno kale lagugu xidhiidhinayo maalin maalha ka mid ah ayaan nin asxaabtayda ka mida su’aal waydiiyay waxaanan ku idhi waaryahee hebel xagee loo socdaa xalkii baadi doonka loogu jirey ma sidan ayuu noqday ! judhiiba wuxuu iigu jawaabay ma hebel ayaa balantii kaaga baxay. Intaan dhoola cadeeyey ayaan hadal wixii igu jireyba dib u liqay. Waxa la iska caadaystay in qofkii badheedhihiisa dhiibta lagu riixo aragti aan shaqo ku lahayn waxa laga hadlaayo .
Arimahanina waxay yimaadaan marka cida hogaanka haysaa ay laabta ka doonayso dareen aan quluubta bulshada ku jirin. Wuxuuna  jecel yahay mar walba in loo yidhaahdo  wixii laabtiisa ku jira iyo hadal wixii uu odhan lahaaba, intii loo darnaana wuu ka heley labadaba waxaanay iyagana dhaxal siisay kuna khasabtay ayyidaada qabitaannadiisii dahsoonaa. Alle idin doori 
Arimahani maaha wax dunida inteeda kale ama badi ay kula wadaaagto waayo subax walba war dhiilo ah oo kii hore ka sii daran ayaad maqlaysaa waxaana u danbeyey cashuur ayaa la kordhiyay %40 maxastan iyo maatidan lagu dul noolyahayna waxay la qabsadeen warar dhiilo iyo dhawaacba ku ah oo lagu lamaaneyey noloshooda . si guud hadaynu u eegnana waxa laga tagay marinkii ilahay u jideeyey  ee loo abuuray nolosha banii’aadamka , waxaana loo ban baxay nolol habaaran  oo cabsiyi ka buuxdo hadaba si waydii ma sidan ayaa loo abuuray oo alle ugu talo galay nolosha Addamaha ?
Haka yaabin! Aadamaha waxa loo abuuray fulinta jidkii Ilaahay u jeexay nolosha. Si taas la mid ah, Aadamaha waxa loo sharfay furdaaminta mashkiladaha, laakiin looma abuurin inuu abuuro mashkilado hor leh. Meel ay tahayba, waxa ayaan-darro inteeda le’eg ah; in duul Ilaahay karaameeyay, kuna galladay garasho ka soocda abuurta kale. Aaway xilkii iyo masuuliyadii noloshu, aaway aqoontii iyo aragtidii umadani , aaway garashadii iyo sarriigashadii, aaway dammiirkii noolaa ee kasha damman ruxi jiray, aaway higsigii  iyo fiiradii dadkani, aaway godol-maankii iyo halabuurkii dhaqanka hilaadda durugsan lahaa,aaway han durugsanantii umadan lagu yiqiinay, aaway haldorkii dadkan hagi lahaa  Aaway…. Aaway…. Aaway…… Aaway ?                                                                                                                                                                                                                                               


La soco ……….
Qoraa:- Eng Yasin Cabdala Jama



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured