Aabo Muuse iyo NGO…….? Qore Cabdirasaaq Askar

0
Sunday April 22, 2018 - 02:16:12 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1546
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aabo Muuse iyo NGO…….? Qore Cabdirasaaq Askar

    Siyaasad iyo dawladnimo intaba, bal u fiirsada Qasriga kuwa ku, urursan tayadooda , kuwa Madaxweynaha u ehelka ahi waa kuwaa iyo kuwa, aan dhaamin oo uu xilal sare ku taxay, ma kuwaas ayaa xaaladan..Madaxweyne waxaan kugula talinayaa jid dheer iyo h

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasad iyo dawladnimo intaba, bal u fiirsada Qasriga kuwa ku, urursan tayadooda , kuwa Madaxweynaha u ehelka ahi waa kuwaa iyo kuwa, aan dhaamin oo uu xilal sare ku taxay, ma kuwaas ayaa xaaladan..Madaxweyne waxaan kugula talinayaa jid dheer iyo hawlo culus ayuu xambaarsan yahay xilka laguu doortay, waxaa lagaaga baahan
Badhtamihii bishii tobnaad ee 2017 oo uu socday ololihii doorashada
Madaxtooyadu ayaa maalin kamid ahayd Maalmihii ay u lahaayeen Xisbiga

kulmiye ayaan la kulmay dad iyo baabuur aad u badan oo ku gaashaamnaa
calamo iyo astaanka xisbiga kulmiye. Baabuurta sida koronkorta ayaa
dul iyo dhinacba dhalin yartu ka buuxeen. Waxaase isoo jiitay
haddalada ay ku dhawaaqayeen dhalin yartaasi aadka u da’yarayd,
haddaladaas oo ahaa " AABO MUUSE… AABO MUUSE… AABO MUUSE…..!

Haddaba, wakhtigan la jooga oo ay Madaxweyne Muuse uu dalka
hogaaminaayey muddo 4 bilood ah, islamarkaana jid qodaxo iyo kurtimo
badan oo ay dawladii uu xilka kala wareegay ay kaga tagtay horyaalaan
aya waxaa hadda u bilaabmay inuu caga lagalo. Dhinaca kale marka laga
eego  mushkiladaha ku xeeran   madaxweynaha waxay tahay iyada oo uu
dawladiisi inteeda badan uu ka dhigay dhalin yaro aan ehel u ahayn
siyaasad iyo dawladnimo  intaba, bal u fiirsada Qasriga kuwa ku
urursan tayadooda , kuwa Madaxweynaha u ehelka ahi waa kuwaa iyo kuwa
aan dhaamin oo uu xilal sare ku taxay, ma kuwaas ayaa xaaladan
qalafsan ee madaxweyne Muse hadda kusoo wajahan ka saari doona. Mar
ayaan is idhaa malaha kuwaasi waa kuwii baabuurta dusha ka fuushanaa
ee lahaa ; Aabo Muuse……! Aabo Muuse…..! Aabo Muuse……..!

Madaxweyne kuwa aad tilmaantay waraysigaagii Hereri ee yara
mudakarkina waa kuwa ku mashquulsan hawlahan ee bal yara milicso;
Maalin dhaweyd ayaa qof ilasoo xidhiidhay oo uu igu yidhi , waadigii
shirkada Audit firm ka lahaaye NGO ga ninkaas ayaa u baahan shaqo
audit e laxidhiidh, ninkii ayaan raadsaday kuye ninkuba waa masuul
sare oo xil ka haya xukuumadan MBC.  Markaa haddii xukuumadaadii
noqotay; Aabo Muuse iyo NGO…….?

Gabogabadii, Madaxweyne waxaan kugula talinayaa jid dheer iyo hawlo
culus ayuu xambaarsan yahay xilka laguu doortay, waxaa lagaaga baahan
yahay inaad xukuumadaada aad ka heli karto cid aad la tashato oo
markay hawlo adagi qaranka soo wajahaan aanad Mucaarad iyo Mudane
Cirro iyo xisbigiisa oo u taagan siday mar uun u arki lahaayeen
jabkaaka inaanad tallo weydiin. Nin jabkaaga ku farxaaya haddii aad
tallo weydiiso maxaad ka fili kartaa inaad ka hesho! Waxase aan hubaa
wixii cirro kuu geeyey in aad wax weydiiso , xoolihii xeradda kuugu
jiray ayaad mid aad kasoo qabato weyday!
Cabdirasaaq Askar
Hargeisa, Somaliland


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured