Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo Todobaadkan Galbeed London ka Iibsaday Guri kuwa Raaxada ah oo u Siistay Malaayin Doolar!!!. W/Q Weriye Saki Saleeban Axmed.

0
Saturday April 21, 2018 - 03:36:17 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1654
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo Todobaadkan Galbeed London ka Iibsaday Guri kuwa Raaxada ah oo u Siistay Malaayin Doolar!!!. W/Q Weriye Saki Saleeban Axmed.

    Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo Todobaadkan Galbeed London ka Iibsaday Guri kuwa Raaxada ah oo u Siistay Malaayin Doolar!!!.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo Todobaadkan Galbeed London ka Iibsaday Guri kuwa Raaxada ah oo u Siistay Malaayin Doolar!!!.
Wasiirka arrimaha Dibeda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, oo todobaadkii u dambeeyey ku sugnaa dalka Ingiriiska, gaar ahaana Magaalada London,  ayaa la sheegay inuu halkaa ka iibsaday Guri kuwa Raaxada ah oo u siistay dhaqaale  Malaayin Doolar ah oo aad u badan.
Wasiirul khaarajiya Somaliland Dr.  Sacad Cali Shire, ayaa siday sheegeen ilo wareedyo aad ugu dhuun-dalollay dhaqdhaqaaqa Wasiirku ku Iibsaday Gurigan, ayaa daaha ka fayday dhaqaale aad u badan inuu siistay, lacagtaas oo ah mid dhan 2500.000  oo Pound, una dhiganta $5000.000 oo Doolar. 
Gurigan uu iibsaday Wasiirka arrimaha dibeda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa ku yaala degmada Kensington ee Chelsea oo ku yaal galbeedka london.
Gurigan uu galbeedka London ka Iibsaday Wasiir Sacad Cali Shire, ayaa ah nooca raaxada, isla markaana ay degen yihiin dadka dhaqaalahoodu wanaagsan yahay, waxana uu ka kooban yahay ilaa 20 qol iyo Beer weyn iyo sidoo kale Dayr ku fadhiya dhul badan. 
Si kastaba ha ahaatee, Iibka Guriga Wasiir Sacad Cali Shire ka iibsaday London, ayaa kusoo beegmay xili ay dul-hoganayaan Wasiirka fadeexado musuq-maasuq iyo kuwo diblumaasiyadeed, iyo weliba fadeexado kaloo la xiidha inuu Wasiir Sacad Cali yahay mid ku fashiilmay shaqadii Siyaasadda arrimaha dibeda, isla markaana isu bedelay Dilaalka ugu weyn ee xidhiidhiya mashaaricda Imaaraadku ka wado Somaliland. Sidoo kale hantida uu siistay Gurigan Wasiir Sacad Cali Shire lama ogga inay tahay miduu gaar u leeyahay iyo inay tahay midduu qaranka ka khiyaameeyey, balse hanaanka masuuliyadeed ee Dawladda, ayaa sheegaya in mudada uu masuulka dawladdu xilka hayo, wixii uu Iibsadaa loo aqoonsan yahay hanti uu dalka ka dhacay. Sidaasi daraadeed waxa looga fadhiyaa Wasiir Sacad inuu caddeeyo dhaqaalaha uu ku iibsaday Gurigaas.
Weriye Saki Saleeban Axmed.
Saki125@gmail.com.
London Uk 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured