"..Madaxweyne Muuse Markuu Imaaraadka tegay Wasiirka madaxtooyada miyaanuu cadayn Inay heshiiska wada galeen somaliland iyo imaaraadku...Sidee Somaliland heshiis loola galay Ayey isku raacsan Yihiin Farmaajo, khayre , baarlamaan somalia..". Siyaasi Kayd Cabdilahi oo Kabaha la Dulmaray Huwanta Isku Bahaysatay Dagaalka Somaliland

0
Saturday April 21, 2018 - 02:37:24 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 940
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "..Madaxweyne Muuse Markuu Imaaraadka tegay Wasiirka madaxtooyada miyaanuu cadayn Inay heshiiska wada galeen somaliland iyo imaaraadku...Sidee Somaliland heshiis loola galay Ayey isku raacsan Yihiin Farmaajo, khayre , baarlamaan somalia..". Siyaasi Kayd Cabdilahi oo Kabaha la Dulmaray Huwanta Isku Bahaysatay Dagaalka Somaliland

    "..Madaxweyne Muuse Markuu Imaaraadka tegay Wasiirka madaxtooyada miyaanuu cadayn Inay heshiiska wada galeen somaliland iyo imaaraadku...Sidee Somaliland heshiis loola galay Ayey isku raacsan Yihiin Farmaajo, khayre , baarlamaan somalia.."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"..Madaxweyne Muuse Markuu Imaaraadka tegay Wasiirka madaxtooyada miyaanuu cadayn Inay heshiiska wada galeen somaliland iyo imaaraadku...Sidee Somaliland heshiis loola galay Ayey isku raacsan Yihiin Farmaajo, khayre , baarlamaan somalia..". Siyaasi Kayd Cabdilahi oo Kabaha la Dulmaray Huwanta Isku Bahaysatay Dagaalka Somaliland
Hargeysa(Xogreebnews.com)-Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule oo kamid ah Siyaasiyiinta gobolka Saaxil iyo Xisbiga Kulmiye, waxa uu jawaab kulul ka bixiyey weedho kasoo yeedhayey Dawladda taagta daran ee Muqdisho iyo shaqsiyaad Somalilander ah oo ka tirsan Xisbiga Waddani.
Siyaasi Kayd waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay Been iyo gardaro uu sheegay inay Somaliland ku hayaan Cadowga ka xun horumar dalku, waxa kaloo uu Siyaasi Kayd ku dheeraaday oo sharax ka bixiyey cidii gashay Heshiiskii Dp World kula wareegtay Somaliland. Dhinaca kale waxa uu fariin culus u diray shacabka oo ugu baaqay inay garab istaagan Dawladda Somaliland ee hada jirtaa isagoo dalbaday in laga middeysnaado midnimada iyo difaaca qaranimo. Sidaas waxa uu ku sheegay Siyaasi Kayd Cabdilahi qoraal uu ku baahiyey bartiisa Facebook, kaasoo u dhigan sidan.
"..Waxaynu ka warhaynaa in arrinta qudha ee Somalia heshiiska somaliland iyo imaaraadka ku ashkataynaysaa ee ay cir iyo dhulba la marayaan uu yahay waxba nalagama ogaysiin , iyo sidee Somaliland heshiis loola galay waxa isku raacsan oo meel walba la taagan Farmaajo, khayre , baarlamaan somalia , sidoo kale waxaa TVga la soo taagnaa madaxa shirkada Dpworld oo leh wax nagaga xidhani somalia ma jiraane heshiiska waxaanu la galay somaliland , waxaa isna la mid ah xasan sh.iyo ina c/ rashiid cali sharma arke oo leh heshiiskan lanama so marin , waxay indhaheenu arkayeen wasiirka arrimaha debeda iyo wasiirkii dawlada ethopia , iyo madaxii Shirkadii Dp world oo kala saxeexanaya , madaxweyne muuse markuu imaaraadka tegay wasiirka madaxtooyada  miyaanuu cadayn inay heshiiska wada galeen somaliland iyo imaaraadku, iyadoo intaasoo dhami jirto .ragga reer somaliland ee hadalka yaree BBC  duday ee qarqoosh yidhi waynaynaya ee meel walba la taagan farxada iyo raraynta ee buunbuuninaya been abuurka ee aad arkayso inuu istareex ku yahay somaliland khasaarowda , ee intaa aan xagga sare ku soo xusay midna aan sheegayn magaciisa maxaynu ugu yeedhnaa , u magac bixinaaya dadka caynkaas ku sifooba bal reer somalilamd halaysu tago ninkaas magaciisa hala soo sheego. Anigu waxaan qabaa inuu yahay nin saxeexa xamar la raadiyanaya umadana dadkana ka waswaasinaya ka ay dawladoodu u soo saxeexday".




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured