"..Heshiiska Dekeda Berbera ee ay wada galeen Somaliland iyo Dpworld iyo Ethopia Wax qarsoona Muu ahayn...Hadalkii wasiirka Imaaraadka iyo saxeexii uu arkaayey ee sadexda dawladood is barbar fadhiyeen..". Siyaasi Kayd Xandule, oo kamid Saraakiisha sarsare ee Xisbiga Kulmiye

0
Thursday April 19, 2018 - 01:21:42 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1457
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "..Heshiiska Dekeda Berbera ee ay wada galeen Somaliland iyo Dpworld iyo Ethopia Wax qarsoona Muu ahayn...Hadalkii wasiirka Imaaraadka iyo saxeexii uu arkaayey ee sadexda dawladood is barbar fadhiyeen..". Siyaasi Kayd Xandule, oo kamid Saraakiisha sarsare ee Xisbiga Kulmiye

    "..Heshiiska Dekeda Berbera ee ay wada galeen Somaliland iyo Dpworld iyo Ethopia Wax qarsoona Muu ahayn...Hadalkii wasiirka Imaaraadka iyo saxeexii uu arkaayey ee sadexda dawladood is barbar fadhiyeen..". Siyaasi Kayd Xandule, oo kamid Sara

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"..Heshiiska Dekeda Berbera ee ay wada galeen Somaliland iyo Dpworld iyo Ethopia Wax qarsoona Muu ahayn...Hadalkii wasiirka Imaaraadka iyo saxeexii uu arkaayey ee sadexda dawladood is barbar fadhiyeen..". Siyaasi Kayd Xandule, oo kamid Saraakiisha sarsare ee Xisbiga Kulmiye
Hargeysa(Xogreebnews)-Siyaasi Kayd Xandule, oo kamid Saraakiisha sarsare ee Xisbiga Kulmiye, Isla markaana xog-ogaal u ah arrimaha Heshiiskii DP World la saxeexatay Somaliland, ayaa ka hadlay dhawaqa kasoo yeedhay Wasiirka ku hadlay afka Xukuumada Imaaraadka.
Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule, sidaas waxa uu ku sheegay qoraal uu ku baahiyey boggiisa Facebook, halkaasoo uu ku faahfaahiyey arrimo door ah.
"...Waxaa cad in heshiiska Dekeda ee berbera ay wada galeen Somaliland iyo Dpworld iyo Ethopia wax qarsoona may ahayn baarlamaanka Somalilandna wuu ansixiyey , ninka somalilanderka ah ee jecel in heshiiskeena muqdisho gasho ee buunbuuninaaya hadalka W/xigeenka ee aan buunbuuninayn hadalkii wasiirka madaxtooyada imaaraadka iyo saxeexii uu arkaayey ee sadexda dawladood is barbar fadhiyeen , waa nin uu rabay roob ku eryey oo waxa calooshiisa ku jira kasoo burqanayaan. 
Haddaba anigu maan is lahayn dad reer somaliland ah ayaa haddii somaliland la aqoonsado odhanaya yaan nala aqoonsan laakiin kuwii noocaas ahaa waan arkay maanta inay inagu jiraa kuwii sidaa odhan lahaa waxay is waydiintu tahay haddiiba ay dhici lahayn inay sida ninka w/xigeenka ah u hadlan imaaraadku maxaa la gudboon shaqsiga somalilander ka saxda ah ma inuu ka xumaado khasaaraha wadankiisa ku dhacay mise inuu buunbuuniyo , waxan filayaa jawaabtu way cadahay , laakiin waxaan ku sifayn karaa inuu yahay shaqsiga buunbuuninayaa nin xumaan uurkiisa ku jiray ay kasoo burqanayaan inuu yahay , waxan kusoo koobayaa ilaahay khasaarin maayo Somaliland hadafkeeduna wuu soconayaa .guul iyo gobonimo".



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured