Gudoomiye Sharmarke Masuul u Hagar-baxay Qaran oo aan Hagran Iyo Mucjisooyinka Waxqabadka Mudada Kooban ee Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi uu ka Sameeyey Hay'adda shaqaalaha Dawladda!!!

0
Tuesday April 17, 2018 - 02:33:57 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1417
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiye Sharmarke Masuul u Hagar-baxay Qaran oo aan Hagran Iyo Mucjisooyinka Waxqabadka Mudada Kooban ee Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi uu ka Sameeyey Hay'adda shaqaalaha Dawladda!!!

    Gudoomiye Sharmarke Masuul u Hagar-baxay Qaran oo aan Hagran Iyo Mucjisooyinka Waxqabadka Mudada Kooban ee Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi uu ka Sameeyey Hay'adda shaqaalaha Dawladda!!!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiye Sharmarke Masuul u Hagar-baxay Qaran oo aan Hagran Iyo Mucjisooyinka Waxqabadka Mudada Kooban ee Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi uu ka Sameeyey Hay'adda shaqaalaha Dawladda!!!

Iyaddoo Dalka Jamhuuriyadda Somaliland uu leeyahay hadda Madaxweyne aad u firfircoon oo Ilahay Mahadi-haka gaadhee weli leh awoodii dhalinyaro-nimo iyo kartideedi, haddana waxa wax lagu farxo ah Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi inay garbihiisa taagan yihiin oo ay xukuumadiisa kamid yihiin dhalinyaro xilalka qaranka uu u igmaday, kuwasoo leh aragti waxqabad la mahadiyey, isla markaana dawladnimada wax weyn kusoo kordhiyey.

Shaqsiyaadka muraayadda ah ee waxqabadka iyo horumarka Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi doorka weyn ka qaatay mudada yar ee ay jirtay waxa kamid ah Gudoomiyaha Hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland Md. Sharmarke Geelle oo runtii ah masuul u hagar-baxay wax u qabashadda dawladnimo iyo sidii qaranka Somaliland u heli lahaa shaqaale dawladeed oo tiro iyo tayo-badan leh.

Kamid noqoshada masuuliyadda qaran ee dhalinyaraddu waa mid leh faa’iidooyin badan oo kale, dhismaha qaranimo, nidaam shaqeeya oo dawladeed iyo weliba horumar kastaa oo bulsho gaadho oo ay dhalinyaraddu tusaale u tahay. Sido kale dhalinyaranimaddu way dhici kartaa ama dhacdaa in loo isticmaali karaa duminta dhismo ama guri, ama qaranba. Hase-yeeshee waxa faa’iiddo ah oo weliba horumar keeni kartaa marka tacabkaa la geliyo wax u qabashada umaddaada.

Maanta Somaliland dhalinyaradu door weyn ayay ku leedahay hogaaminta iyo maamulka Xukuumadda jirta hadda ee Madaxweyne Muuse Biixi, waxana jirta Hay’addo waaweyn oo ay maamulan dhalinyaro masuuliyiin ah oo kasoo baxay waajibaadkoodii shaqo, nasiib wanaag dhalinyaradda xilalka Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi haysaa, waxay badan koodu noqdeen dad xilalka kasoo baxay oo leh aragti horumarineed oo qaran. Waxanaynu tusaale usoo qaadan karnaa shaqsiyaadka ifaya ee waxqabadkoodu sida dayaxa u muuqdo, Gudoomiyaha Hay’adda shaqaalaha Dawladda Somaliland Md. Sharmarke Geelle oo isaggu sameeyey ficilo shaqo oo qaranku qaan-gaadh ku noqonaayo. Gudoomiye Sharmarke waxa uu ku suntamay inuu yahay mid ka midho-dhaliyey awoodda dhalinyaronimo, sidoo kalena waxa uu muujiyey adkaysi masuuliyadeed oo ka waayo-aranimo batay dad ama masuuliyiin 30-sano in ka badan wax soo maamulaayey.

Akhriste Tani maha amaan iyo boggaadin, balse waa mid jirta oo ay ka markhaati yihiin shaqsi kastoo xog-ogaal u ah dhaqdhaqaaqyada dawladda cusub iyo aragtida fog ee Qaranka Somaliland leeyahay, waxanan hubbaa inuu Gudoomiye Sharmarke kamid noqon doono hoggaamiyaasha mustaqbalka ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland, taasoo astaamaheedii oo dhamaystirani ka muuqdan.

Hoggaamiye kastaa waxa uu himiladda dalka uu Xukuumo kaga dhabayn karaa waa xulushada hawladeenada qaranka uu xukumo, sidaa daraadeed waxan aaminsan nahay in Gudoomiyaha Hay’adda shaqaaluhuu yahay dadka ama masuuliyiinta Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi sharafteeda iyo karaamadeed kor-u-qaaday.

Gudoomiye Sharmarke mudadii uu joogay Hay’adaas, waxa uu gaadhsiiyey meel aanay hore u qaadhin intii Somaliland jirtay Waayo?. Waxa uu soo celiyey awoodii Dastuuriga ahayd ee Hay’addaas, sidoo kalena waxa uu ka shaqaysiiyey Maan-dhaydkii ay Qaranka Somaliland ku metelaysay, waxanu dhowaan soo gebo-gebeeyey mashruucii ugu balaadhnaa ee abid laga qabto ee tiro-koobka shaqaalaha dawladda Somaliland oo runtii mashruuc hawshiisu cuslayd, balse karti iyo dedaal,dhabar-adag uu muujiyey Gudoomiye Sharmarke awgeed waxa uu ku guuleystay Md. Sharmarke inuu albaabkaas sidii la rabay oo xaragadeeda leh uga soo baxay.

W/Q

Cabdifataax Cali Faarax.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured