Madaxweyne Muuse Biixi Ma Wuxuu Ciirsi Mooday Kabahooda kuwaan Tolan Karin Inay Qaranka u Taliyaan..?. Qore Farxaan Cali Sugule

0
Sunday April 15, 2018 - 02:41:54 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1622
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Muuse Biixi Ma Wuxuu Ciirsi Mooday Kabahooda kuwaan Tolan Karin Inay Qaranka u Taliyaan..?. Qore Farxaan Cali Sugule

    "...Qofka kuu tanaasula Sida taayir ha u marin Dadku waa tolkaa iyo Ciddii aad ka tarantee Tafaraaruqoodiyo Ha ka talin wax dhaawaca. Ha ku taamin godobaha Ha tafniidin boogaha Hana tuulan gocoshada Tibta eelka ha ku durin Tif wax leegna ha u du

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"...Qofka kuu tanaasula Sida taayir ha u marin Dadku waa tolkaa iyo Ciddii aad ka tarantee Tafaraaruqoodiyo Ha ka talin wax dhaawaca. Ha ku taamin godobaha Ha tafniidin boogaha Hana tuulan gocoshada Tibta eelka ha ku durin Tif wax leegna ha u dudin Dul u yeelo tabashada".Abwaan Weedhsame
Rabbi Quraanka kariimka ah wuxuu inoogu sheegay in hoggaamiyaha wanaagsan ee haysata marinka toosan uu ehel ka dhigto Dadka kuwooda ugu mudan ee waxgaraadka ah ama Haldoorka umadda ah, hoggaamiyaha xun ee haysta marinka qalloocana usoo dhoweysto dadka aan Saaxiibul caqliga iyo Saaxibul cilmiga midna ahayn, waxaa hubaal ah in hogaamiye xumi aanu la jaan qaadin karin kooxda wanaagga ehel u ah.
Waxaa kaloo iyana dhacda in hogaamiye wanaagsan oo daacad ah uu marin habow ku yimaado, wuxuuse ku garan karaa inuu marinkii loo idmaday ee uu rabay ka weecday markii uu eego kooxda ku hareersan ee rakaabkiisa ah, Haddii uu arko inay ku hareeraysan yihiin koox xumaan ehel u ah oo hoyga ay u hoydaan yahay musuqmaasuq, iyo inuu garaadkoodu hooseeyo oo caruur iyo caamo ah, aakhirka wuxuu la mid noqdaa kooxdaas oo wuxuu ku sifoobaa hogaamiye xumaan ehel u ah. Waxaa iyana dhacda in hogaamiye xun uu qaado marinkii toosnaa ee loo idmaday, hogaamiyahaasi markuu hareerihiisa ay tuban yihiin koox wanaaggu ehel u yahay oo saaxiibul caqli iyo cilmi labada ka kooban.
Haddaba Hogaamiye kastoow is xisaabi oo eeg hareerahaaga yaa ka ag dhow, ma yihiin koox waayo arag ah, hadaad aragto in kooxdaasi aanay shuqul ku lahayn  waxgaraadnimo xaalkoodu, wuxuu noqon doonaa mid adhaxda lagaga jabay. Waayo waxaad ehel ka dhigay maangaab iyo sabi aan garaadkoodu fidsanayn, Sacabka beenta ah ee ay kuu tamayaanna ma aha kii shacabka, waa mid huuhaa ah ee ay kooxdaasi dhaqaale kusoo abaabushay. Haddiise kuwa garbahaaga taagani yihiin koox wanaaggu hoy u yahay ogsoonoow inaad tahay Hoggaamiya wanaagsan.
Hadaba waxan Arrimahan uga socdaa isbedelka durba haleelay Madaxweynihii la doortay ee Somaliland Muuse Biixi oo mudadii uu xilka hayey ay garan la'dahay shacabku nidaamkiisa hoggaamineed iyo xulashadiisa Xukuumada oo iskugu soo ururtay dhalaan iyo wax ma garaato. Waxanay dadka doodahan qabaa u arkaan hadii aanu dhakhso wax uga bedelin nidaamka dawladnimo iyo xulashada masuuliyiin aqoon iyo waxgaraad ah inuu burburi doono oo faashilkii ugu xummaa ee hoggaamiye soo maray uu ku dhici doono. 
Waayo abwaan Weedhsamaa laga hayey. "...Qofka kuu tanaasula Sida taayir ha u marin Dadku waa tolkaa iyo Ciddii aad ka tarantee Tafaraaruqoodiyo Ha ka talin wax dhaawaca. Ha ku taamin godobaha Ha tafniidin boogaha Hana tuulan gocoshada Tibta eelka ha ku durin Tif wax leegna ha u dudin Dul u yeelo tabashada Xalka taabka ha u jarin Xinka toorey ha u tuman Berri teello u yar dhigo Wax-san taako uga durug. Dadka toojo ha u qabin Misna toorin ha u qoran Ku tuntuunso hanashada Wax la taabo ka u mudan Wax la tuuro ha ka dhigin Marka ruuxu teel teel Gafka ugu tallaabsado Ha ku tolin garoomada Lagu taxo qof daalina. Adba waad taraartaa Tumaatida ilduufkoo Dadku waa tabtaadaa, Nolol tababarkeedana Way turunturroodaan. Inta lagu tafaafulo Garashada tiriiga ah Tuhunkaa ka kowoo Hadba xaajo tuurluu Kuu toosiyaayoo Tubta lagu yakoobee Kaska lagu takhsiiruu Si yar kuugu tuuraa. 
Isku tali dabeed tali Ma tashade ha ii talin Hadal toosan weeyaan, Haddaan saarku kula tagin Kabihiisa kaan tolan Adna yaanu kuu tolin, Tukuhuba dadkuu baray Tartiib mayd la aastee Ka tix-raac qudhaanjada Tacabkiyo wax kaydsiga La tashoo aboorkana Tacliintiisa weydii. Inta loo tartami karo Yaanu tiigsi kugu gabin Tamartaada curintiyo Tacabkaaga cududiyo Taladaada fikirkiyo Hal-abuurka tarantari Tarmi yaanay talax-gabin Ka tir boodhka ulashada Tirtir quusta baqashada Adba taada ka hirgeli Halka ruushku tuban yahay".
Farxaan Cali Sugule
Sugule@gmail.com
Hargeysa/Somaliland.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured