Maayirka Berbera oo Laala Xidhiidhiyey Inuu Ka Dambeeyey Eedihii dhowaan Madaxweynaha looga Jeediyey Madashii Xil-waareejinta, Hadana Xabsiga u Taxaabay Xildhiban Si Xidhigaas loogu Xidhiidhiyo Madaxweyne Muuse Biixi inuu ka Dambeeyey...

0
Saturday April 14, 2018 - 02:25:18 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1633
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Maayirka Berbera oo Laala Xidhiidhiyey Inuu Ka Dambeeyey Eedihii dhowaan Madaxweynaha looga Jeediyey Madashii Xil-waareejinta, Hadana Xabsiga u Taxaabay Xildhiban Si Xidhigaas loogu Xidhiidhiyo Madaxweyne Muuse Biixi inuu ka Dambeeyey...

    Maayirka Berbera oo Laala Xidhiidhiyey Inuu Ka Dambeeyey Eedihii dhowaan Madaxweynaha looga Jeediyey Madashii Xil-waareejinta, Hadana Xabsiga u Taxaabay Xildhiban Si Xidhigaas loogu Xidhiidhiyo Madaxweyne Muuse Biixi inuu ka Dambeeyey...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maayirka Berbera oo Laala Xidhiidhiyey Inuu Ka Dambeeyey Eedihii dhowaan Madaxweynaha looga Jeediyey Madashii Xil-waareejinta, Hadana Xabsiga u Taxaabay Xildhiban Si Xidhigaas loogu Xidhiidhiyo Madaxweyne Muuse Biixi inuu ka Dambeeyey...
Berbera(Xogreebnews)-Khilaaf soo Kala dhex-galay Maayir Magaalada Berbera iyo Xildhiban Maxamed Cali oo Kamid mudanayaasha golaha deeganka Degmada Berbera, ayaa sababay in Xabsiga la dhigo Xildhiban Maxamed Cali oo ay sida wararku sheegeen todobaadkii hore saaxibo dhow ahaayeen Maayir Cidinka Berbera, isla markaana uu Maayirku ahaa qofkii dabada ka riixayey weedho 12-kii bishan Xildhiban Maxamed Cali ku duray Madaxweyne Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi.
Warar ka ag dhowaa Xafladii Gudoomiyaha cusub ee gobolka Saaxil xilka kula wareegayey, ayaa sheegay inuu Maayir Cidin u khudbada madashii xilwareejinta u ogolaaday Xildhiban Maxamed Cali, oo isaggu keligii mudanaayasha lamidka ah ee golahaas ka Hadley, marka laga reebo Maayirka oo isna hadlay.
Sidoo kale xoggaha ku taxaluqa in Maayir Cidin iyo Xildhiban Maxamed Cali ka wada socdeen durista Madaxweynaha, ayaa sheegaya inuu hadana Maayirku, si uu isagga beri yeelo, ama guulwadeyn uga dhigto uu Madaxweyne Muuse Biixi uu ku raaligeliyo, ayaa sida la sheegay uu Maayirku soo nooleeyey khilaaf dhuleed u dhexeeyey isaga iyo Xildhibaanka, arrinkaasoo uu kaddibna Xildhibaanka ku xidhay. 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured