Masuulkii U Horreeyay Oo Ummadda U Qirtay Qalad Iyo Gef Uu Ka Galay '..Mar kaliya ayaan Berbera ka ilduufay oo waxey aheyd arrintii Biyaha oo aan bedelkeedii ku degdegay oo ay maanta Berberi ka biyo ladahay".Guddoomiyihii hore ee Gobolka Saaxil Jaamac Yuusuf

0
Thursday April 12, 2018 - 23:51:10 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1282
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Masuulkii U Horreeyay Oo Ummadda U Qirtay Qalad Iyo Gef Uu Ka Galay '..Mar kaliya ayaan Berbera ka ilduufay oo waxey aheyd arrintii Biyaha oo aan bedelkeedii ku degdegay oo ay maanta Berberi ka biyo ladahay".Guddoomiyihii hore ee Gobolka Saaxil Jaamac Yuusuf

    Masuulkii U Horreeyay Oo Ummadda U Qirtay Qalad Iyo Gef Uu Ka Galay '..Mar kaliya ayaan Berbera ka ilduufay oo waxey aheyd arrintii Biyaha oo aan bedelkeedii ku degdegay oo ay maanta Berberi ka biyo ladahay".Guddoomiyihii hore ee Gobolka Sa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Masuulkii U Horreeyay Oo Ummadda U Qirtay Qalad Iyo Gef Uu Ka Galay '..Mar kaliya ayaan Berbera ka ilduufay oo waxey aheyd arrintii Biyaha oo aan bedelkeedii ku degdegay oo ay maanta Berberi ka biyo ladahay".Guddoomiyihii hore ee Gobolka Saaxil Jaamac Yuusuf
Hargeysa(Xogreebnews)-gudoomiyihii hore ee Gobolka Saaxil Jamaac Yusuuf, oo shalay wareejiyey xilkii, ayaa sheegay intuu xilka hayey u ka galay Magaaladii Berbera gef iyo khalad, kaddib markii uu jujuub iyo awood dawladeed ugu horseedeen Berbera oo dhamaantood uu wada gaadhay biyo laantii iyo goaankii talo la aanta ahaa laga gaadhay biyaha berbera.
Sideedaba iyadoo ay biyuhu yihiin aas aaska nolosha haddana waxaa biyo kama dhibcaana ka sii xag jiraan biyaha berbera oo ay isku mid tahay marka qasabadu go do iyo marka ay umadu dareemayso, markay halkaas taagan tahay maaha wax si dhib yar oo fudud go aamadeeda lagu gaadho,ninka ragga ahi waa ka ay u xisaabsan tahay waxa qabtay iyo waxa uu dhimay badhasaab jaamac wuxuu shalay xafladii xilwareejinta ka cadeeyey in go aankii biyaha berbera laga qaatay uu ahaa mid waxyeelo wayn laga dhaxlay waanuu ku mahadsan yahay waxaa hubaal ah shaqsi kasta oo berbera degani wuxuu la qabaa  sidaa badhasaabku sheegay inuu ahaa go aan dhanka khaldan loo qaaday, waxaan filayaa inay haboon tahay wixii khaldamay in la saxo lagana feejignaado had iyo jeer go aamada laga qaadanayo Biyaha , caafimaadka , laydhka , wax barashada , dhamaantood nolosha ayey si toos ah u taabanayaan.
Guddoomiyihii hore ee Gobolka Saaxil Jaamac Yuusuf ayaa ugu horreyn ka warramay tallaabo uu qaaday intii uu xilka hayey oo uu hadda u arko inay qalad aheyd, isla markaana bulshada gobolkaasina ay ka dhaxashay dhibaato aanay hore u qabin, taasi oo ummadda ka codsaday inay ka cafiyaan, waxaanu yidhi.
"Mar kaliya ayaan Berbera ka ilduufay oo waxey aheyd arrintii Biyaha oo aan bedelkeedii ku degdegay oo ay maanta Berberi ka biyo ladahay, waxaanan leeyahay dadweynaha reer Berbera gaf iyo musaamax aynu kala qaadano”.
Guddoomiyihii hore waxa kale oo uu faahfaahin ka bixiyey mashaariicda horumarineed ee ka socda Berbera, "Waxa ka socda Saldhigii Millatari, Maalgelintii Dp-world, Madaarkii waxaana lagaa rabaa in aanay hakad gelin oo aanay dib u dhicin, waxaanay mashaariicdaasi ku soo socdeen oo aanu ku soo wadnay waa amniga, sidaasi awgeedna waxaan kugu dardaarayaa inaad iska kaashataan oo aad ka wada shaqaysaan Guddoomiyaha degmada iyo Taliyaha qaybta Booliska”.
Jaamac waxa kale oo uu uga digay Guddoomiyaha cusub arrimo kala duwan oo uu ku sheegay, "Waxa kugu taagan arrimaha ay ka mid yihiin Kawaanka magaalada oo markii hore loo dhisay degmada Berbera si ay dadku xoolaha ugu qashaan, balse uu hadal ka taaganyahay, waana inaad ka hawlgashaan adiga iyo guddoomiyaha degmadu, iyadoo kawaankaa degmada loogu talo galay immikase aanay sal dhigan waxay Wasaaradu ugu talo gashay, waxa kale oo aan kaa dardaarayaa mashruuca kale ee shidaal baadhista oo soo kordhay in amnigiisa la ilaaliyo, iyo waliba muranka ka alloosan meesha la yidhaa Bahdoon oo laysku haysto madaxa tuuladaasi, waana in aanad qaadan go’aan cid kale leedahay, waayo go’aankaagu waa badbaada ummadda”.
Sidoo kalena, guddoomiyihii hore waxa uu guddoomiyaha cusub ee xilka kala wareegaya ku dardaaray xogta xafiiska gobolka, "Guddoomiye, waxa loo baahanyahay in xafiiska Gobolka loo ilaaliyo dhukmantigiisa iyo sirtiisa, oo aad ku faro adaygto, waayo in badan ayaan xafiiska joogay oo aan wax badana arkay oo way jiraan wax dhib u keeni kara shacbiga walaalaha ah ee wada degan ee reer Saaxil”.
Dhinaca kalena, Guddoomiyihii hore Jaamac Yuusuf waxa uu si qotto dheer uga warramay waayihii iyo duruufihii ku gedaanaa waagii isaga xilka loo magacaabay, isla markaana uu ku sheegay inuu ka nasiib fiican yahay Guddoomiyaha cusubi, marka laga reebo in wali aanu gobolku lahayn xafiis uu leeyahay ee uu ku jiro ergiso wanaagsan



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured