Guulaha lama Ilaawanka ah ee u Todobaatan Maalmood Gaadhsiiyey Gudoomiyaha Hay'adda shaqaaluhu Qaranka S/land iyo Waxqabadka Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi

0
Thursday April 12, 2018 - 02:09:06 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1469
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guulaha lama Ilaawanka ah ee u Todobaatan Maalmood Gaadhsiiyey Gudoomiyaha Hay'adda shaqaaluhu Qaranka S/land iyo Waxqabadka Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi

    Gudoomiye Sharmarke Geelle Shamac ka dhex Ifay Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Mucjisooyinka ku lamaanan Waxqabadkiisa Hay'adda Shaqaalaha Dawladda..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiye Sharmarke Geelle Shamac ka dhex Ifay Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Mucjisooyinka ku lamaanan Waxqabadkiisa Hay'adda Shaqaalaha Dawladda..

Waa Sunnaha qalinka inaad ku xariiqdo oo Diiwaanka geliso wanaaga dawladda iyo saxidda dhaliisha jirta labada. Sidoo kale waa dariiqa saxda ah inaad ku boggaadiso masuul xilkuu haya oo kamid dawladii aad dooratay oo sameeyey waxqabad ugub ku ah dalkaaga Hooyo, kaasoo guusha uu gaadhay ay wada leeyihiin madaxweynihii shaqada u dirtay iyo dhamaan qarankuba. Sidaasi daraadeed Maanta waxan qalinka u qaatay inaan waxyar oo kamid ah guulaha lama ilaawanka ah ee ay gaadhay Hay’adda shaqaalaha Dawladda Somaliland ku talaabsatay saddexdii bilood ee Madaxweyne Muuse Biixi xilka hayey iyo sidoo kale dedaaladii iyo xil gudashadii Gudoomiyaha Hay’addaas oo ah Wiil dhalinyaro ah oo umadda Somaliland dhamaanteed isku raacday inuu yahay mucjiso Ilahay usoo diray Somaliland oo kasoo baxay waajibkiisii uu qaran u hayey.

Haddaba, si aan isaga ilaaliyo xog eex ku salaysan waxan baadhis iyo xog-ogaal u noqosho wakhti dheer, kaddib ku oggaaday, kuna soo xaqiijiyey in Gudoomiyaha Hay’ada shaqaalaha dawladdu yahay shaqsi ilahay iskugu daray karti, waxqabad iyo hufnaan shaqo oo xad-dhaaf ah. Gudoomiye Sharmarke Muxumed Geelle, waxa uu muddo todobaatan maalmood ah kaga soo baxay hawl aad u baaxad weyn oo u kasoo qabtay, taasoo ahayd inuu geed walbaa, gego walbaa iyo Guri walbaa kusoo diiwaangeliyo dhamaan shaqaalaha Dawlada Somaliland, isagoo dhamaan dalkeena usoo maray tuulo-tuulo iyo degmo degmo, waa taallaabo hore ay Somaliland u qaaday, waa tallaabo guusheeda iyo sharafteeda uu leeyahay Madaxweynaha dalkeena Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, waa tallaabo sidoo kale guusheeda aan laga dafiri Karin Gudoomiyaha Hay’adda shaqaalaha Somaliland Md. Sharmarke, waa tallaabo guushadeeda ay leeyihiin shaqaalihii is-diiwaangeliyey iyo shaqaalaha Hay’adda dawladda Somaliland. Waa mid farxadeeda leh, waa taarikh inaggu cusub oo dhaqan wanaagsan oo lagula dagaalamaayo musuq-maasuqa iyo aafadda naafadda ka dhiga umaddaha saboolka ah.

Waxa’se bog cusub iyo taarikh wanaagsan ah oo guul diiwaanka u gashay ah dhalinyaradda Somaliland oo u hormuud u yahay madaalaha Gudoomiyaha Hay’adda shaqaalaha dawladda Md. Sharmarke Geelle oo 100% kor u qaaday sumcaddii dhalinyaradda Somaliland oo dhamaantood Maanta lagu aamini karo mansab kastoo ay qaranka ka qabtaan. Gudoomiye Sharmarke waxa uu dhex-da u xidhay inuu saxo nidaamka shaqaalaha dawladda, kaasoo dhamaan goboladda dalka kusoo sameeyey diiwaangelinta shaqaalaha dawladda, isla markaana mudadii aan maalin ku darsan ee kusoo dhameeyey hawshii uu wadday oo dhamaystiran, waa mahad Ilahay ka sekow loogu celiyo Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Hay’adda shaqaalaha.

Sidaas daraadeed dhamaan masuuliyiinta xukuumadda cusub iyo shaqsi kastoo haya mansab xileed qaranku leeyahay waxan ku waanin lahaa inay ku daydaan oo lamid noqdaan Gudoomiyaha Hay’adda shaqaalaha, ceeb mahaa inaad qof kaga dayato wanaaga iyo tusaalaha uu yahay, hadii la helo wadaniyiin masuuliyiin dawladeed ah oo lamida masuulkan waxa hubaal ah inaynu dhakhso u qaadayno dariiqa guusha iyo qaran qaan-gaadh ah, waxa uu la yimi fikrad ama fikrado cusub isaggoo ku hawlgeliyey himilo aanu qarankani gaadhin 27-sanadood, waxana ku jirtaa alla ha ugu waddee Maskax Caafimaadka Qabta iyo karti hoggaamiye.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured