Wasiirka Maaliyada oo Cashuur Dhan 40% ku kordhiyey Badeecadaha kasoo Dega Dekeda iyo Ganacsatada oo Sida Fiinta Uga Qayliyey+ Tallabadan Wasiirka oo Sixirbararka sii laba Jibaaraysa....
Wasiirka Maaliyada oo Cashuur Dhan 40% ku kordhiyey Badeecadaha kasoo Dega Dekeda iyo Ganacsatada oo Sida Fiinta Uga Qayliyey+ Tallabadan Wasiirka oo Sixirbararka sii laba Jibaaraysa....
Berbera(Xogreebnews)-Wasiirka Maaliyada Somaliland oo ah shaqsi aan lahayn aqoon dhaqaale iyo waayo aragnimo Siyaasadeed midna, 40% ku kordhiyey ganacsatada wax lasoo dega cashuurta, taasoo ay ka gadoodeen ganacsataduna.
Waxanay shalay subaxii hore ganacsatada wax kala soo Degta Dekada Berbera ay la Kulmeen tacriifad Cusub oo la Kordhiyay, waxaana Kor Loo Qaaday Qiimahii ay wasaaradu wax ku Cashuuri Jirtay ee sarifka Lacagta Dollarka ah ee Cashuurta Lagu qaado oo hore u ahaan Jiray halkii dollarba 5000 Sland shilin ah halka saaka laga dhigay 7000 Sland shiling.
Mid kamida ganacstada oo ka hadlayey lacagtan guud ahaan lagu kordhiyay wax kasta oo dekeda kasoo daga Ayaa xaqiijiyay in 40% Tacriifad u dhiganta la Kordhiyay cashuurtii Badeecadaha Kasoo Dega Dekada Berbera, Intaa wuxuu Ku daray marka Laga Reebo raashinka oo Isaga La Kordhiyay 20%, Ninkan ganacsdaha oo Codsaday In aan magaciisa la Sheegin waxaa kale oo uu Yidhi.
Tacriifada wax Lagu cashuuro waxay Ku Qiimaysnayd Doolar , halkii Doolar waxay Xukuumada Somaliland Ugu garaaci Jirtay ganacstada Qiime Dhan Shan Kun, hase-yeeshee Wasiirka Maaliyada Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa hadda ka dhigay todoba kun oo Shiling ka Somaliland.
S/l Shiling ah[ 5000 S/l Shiling ah] Iminkana waxaa Laga Dhigay 7000 Todaba kun oo S/l Shiling Ah [7000S/l Shiling] , Sidoo kale Wuxuu Intaa ku daray in raashimada Lagu Kordhiyay 1000 S/l Shilig Ah oo Noqonaysa in Lagu garaaco Doolar ahaan Lix Kun Sl/shilling [6000 s/l Shiling]halka uu markii hore ahaa 5000 shan kun.
Dabcana wuxuu Intaa Ku daray in ay Ganacsatadani u dacwoon Doonaan Xukuumada sare ama Madaxwayne Muuse Biixi maadaama ayuu yidhi wadanka Sicir barar bahsani ka Jiro tanina ay Kor Usii Qaadi Doonto Sicir bararka Muceeshada iyo badeecaadaha kaleba. Leave a comment |
|