Shacab-weynaha Saaxil oo Aanay Cunaha u Dhaafin Dawladdii Ay doorteen ee Madaxweyne Muuse Biixi, Saluuga Saamigii Berbera, Raaska Muuse Biixi lagu Taxay Xilal Iyo Dhalaanka uu Isku Xeeray oo Sas laga qaaday......

0
Sunday April 08, 2018 - 22:36:57 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1654
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shacab-weynaha Saaxil oo Aanay Cunaha u Dhaafin Dawladdii Ay doorteen ee Madaxweyne Muuse Biixi, Saluuga Saamigii Berbera, Raaska Muuse Biixi lagu Taxay Xilal Iyo Dhalaanka uu Isku Xeeray oo Sas laga qaaday......

    Shacab-weynaha Saaxil oo Aanay Cunaha u Dhaafin Dawladdii Ay doorteen ee Madaxweyne Muuse Biixi, Saluuga Saamigii Berbera, Raaska Muuse Biixi lagu Taxay Xilal Iyo Dhalaanka uu Isku Xeeray oo Sas laga qaaday......

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shacab-weynaha Saaxil oo Aanay Cunaha u Dhaafin Dawladdii Ay doorteen ee Madaxweyne Muuse Biixi, Saluuga Saamigii Berbera, Raaska Muuse Biixi lagu Taxay Xilal Iyo Dhalaanka uu Isku Xeeray oo Sas laga qaaday......
Berbera(Xogreebnews)-Shacabweynaha gobolka Saaxil, ayaa durba soo tufay Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, kaasoo ay ku saluugeen arrimo ay kamid yihiin inaanu Madaxweynuhuu waxba ka qaban dhaxal wareejin Xukuumadii hore ee Axmed Siilaanyo si bartilmaameed ah ugula kacday Gobolka Saaxil.
Sidoo kale shacabka Saaxil oo hal daba La'a ugu Codeeyey Madaxweyne Muuse Biixi xilligii doorashadda, ayaa haddana ficillo aanay ka fileyn uu Madaxweyne Biixi kula kacay, waxana Kamid ah saamiga uu siiyey oo aan ahayn midkii ay xaqa u lahaayeen, isla markaana waxa uu Madaxweynuhuu si toosa saamigii Saaxil ugu rogay inuu lummiyo xuquuqdii iyo xilalkii ay ka hayeen Xukuumada Madaxweyne Axmed Siilaanyo. Iyadoo uu ka qaaday 7-ba xil, isla markaana uu aan haba yaraatee aan ugu bedelin wax saamiyo.
Taas bedelkeeda Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu xilalkii gobolka Saaxil xaqa u lahaa uu qabyaalad iyo eex uu ugula kacay raaskiisa iyo gobalka Maroodi-jeex. Dooda shacabka saaxil ee la xidhiidha saami la aanta Xukuumada Madaxweyne Muuse biixi ay ka tirsanayaan, ayay la xidhiidhinayaan camaasiir dhalaan ah oo u Madaxweynuhuu badidooda adeer u yahay kuwasoo taladoodii qaran Kala wareegay Madaxweynihii la doortay, waxana nuxurka weedhaha iyo doodaha Saaxil iskugu biyo shubteen in aanay cunaha u dhaafin Dawladdii ay Codka siiyeen iyo Madaxweynihii ay u doorteen inuu Kala hufo oo Kala haadiyo dhaxalwareejintii Saaxil iyo arrimaha kale ee dagaalka saamiga Xukuumada ay ku lahaayeen. La soco qaybaha dambe 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured