Golaha Wakiillada oo ansixiyey Hanti-dhowraha guud ee Qaranka

0
Sunday April 08, 2018 - 19:33:08 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1169
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Wakiillada oo ansixiyey Hanti-dhowraha guud ee Qaranka

    Golaha Wakiillada oo ansixiyey Hanti-dhowraha guud ee Qaranka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Golaha Wakiillada oo ansixiyey Hanti-dhowraha guud ee Qaranka

Hargeysa(Xogreeb)-Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa cod aqbaliyada ku ansixiyey Hanti-dhowraha guud ee Qaranka Axmed Yuusuf Dirir, kaasoo dhawaan Madaxweynuhu u magacaabay Hay’adaas.

Fadhigan Golaha oo uu Shir-guddoominayey Guddoomiye Baashe Maxamed Faarax, kana soo xaadireen 51 Xildhibaan, ayaa waxa ansixinta Guddoomiyaha Hanti-dhowrka u aqbalay 49 Mudane, cid diiday ma jirto Guddoomiyuhuna muu codeyn, sidaas ayaanu ku ansaxay.

Dhanka kale, ka hor intaan loo codeyn ansixinta Hanti-dhowraha waxa mudaneyaasha u akhriyey  taariikh nololeedka, aqoontiisa iyo Khibradiisa waayo-aragnimo, Xoghaye ku-xigeenka Golaha Wakiillada Jamaal Jaamc.

Halkan hoose ka Daawo Muuqaal:

Guddoomiyaha Xafiiska Hanti-dhowrka guud ee Qaranka Axmed Yuusuf Dirir, ayaa hore u soo noqday Maareeyaha Dekedda Berbera iyo Maareeyaha Xafiiska Dawladda u qaabilsan xidhiidhka Hay’adda Qaramada midoobay ee WFP.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa 4-tii Bishii Janaury u magacaabay xilkan maanta Golaha Wakiilladu u ansixiyeen ee Hanti-dhowraha guud.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured