Khilaafkii ka dhexeeyey Beeyeysatada oo Madaxweyne Muuse Biixi dhinac la saftay

0
Saturday April 07, 2018 - 02:12:11 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1039
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khilaafkii ka dhexeeyey Beeyeysatada oo Madaxweyne Muuse Biixi dhinac la saftay

    Khilaafkii ka dhexeeyey Beeyeysatada oo Madaxweyne Muuse Biixi dhinac la saftay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khilaafkii ka dhexeeyey Beeyeysatada oo Madaxweyne Muuse Biixi dhinac la saftay Waxaa maalintii axada ee bishu ahayd 01/04/2018, madaxweynuhu u magacaabay Agaasimaha Guud ee ganacsiga Iyo warshadaha mundane Cismaan Huseen Warsame oo ka mid ah shaqaalaha shirkada Asli Maydi isla markaana uu abti u yahay mulkiilaha shirkadaasi Barkhad.
Khilaafka beeyada ayaa ahaa mid Mudo soo taxnaa oo u dhaxeeya dadka geedkan deegaankooda ilaahay ku beeray Iyo dhawr company oo isla dadkaasi samaysteen si ay uga ganacsadaan. Magacaabida agaasimahan ayaa khilaafkii sii kordhisay maadaama uu shaksiga la magacaabay ka tirsanyahay shaqaalaha shirkada Asli Maydi, qaraabana yihiin mulkiilaha shirkadaasi,
Dadka deegaanka gobolka sanaag ayaa iyagu aaminsan in khilaafka ugu badan markii horeba ka yimi shirkada Asli Maydi ayna had Iyo jeer mulkiilaha shitkadaasi ka hor yimi wax kasta oo xal loogu raadiyay in lasoo af jaro khilaafkaas.
Magacaabida agaasimahan Iyo weliba wasaarada loo magacaabay ayaa abuurtay dareen xoogan oo shirkadihii kale u arkaan in dawladii ay dhinac u xaglisay taasina ay adkaynayso sidii xal loogu helo khilaafka.


Saleban Saalah


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured