Ugaas Maxamed Axmed Daahir Oo Baaq Nabadeed U Diray Beelaha Ku Dagaalamay Deeganka Fadhigaab

0
Friday April 06, 2018 - 18:42:34 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1087
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ugaas Maxamed Axmed Daahir Oo Baaq Nabadeed U Diray Beelaha Ku Dagaalamay Deeganka Fadhigaab

    Ugaas Maxamed Axmed Daahir Oo Baaq Nabadeed U Diray Beelaha Ku Dagaalamay Deeganka Fadhigaab

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugaas Maxamed Axmed Daahir Oo Baaq Nabadeed U Diray Beelaha Ku Dagaalamay Deeganka Fadhigaab
Hargaysa (Xogreebnews.com - Ugaas Maxamed axmed dahir oo ka mid ah madax dhaqameedka somaliland ayaa baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee dirirtu ku dhexmartay deeganka fadhigaab ee ka tirsan degmada ceel afwayn "Waxa aan ugu baaqayaa beelaha ku diriray degaanka fadhigaab ee Gobolka Sanaag, gaar ahaan Degmada ceel afwayn inay si deg-deg ah u joojiyaan colaadda iyo dagaalka dhex yaala labada beelood ee walaalaha ah.

waxaan idinku baaqayaa inaad colaadda damisaan oo aad Alle ka cabsataan, joojisaana dhiiga bilaa micnaha ee aad daadinaysaan dagaal wiil kuma dhasho ee wiilbaa ku dhinta. Walaalayaal dhiiga micno darada ku daadanayaana dadkena kama go’o, ee wixii khilaaf ah ee jira waa in lagu dhammeeyaa is afgarad lanna tixgeliyaa nabadgelyada, xasiloonida iyo derisnimo ee wada noolaanshaha ee degenaanshaha leh.
Ugu danbayn waxaan tacsi u dirayaa dhamaanba ehelada dadkii ku naf waayey dagaalkaasi iyo guud ahaan shacbiga Somaliland, inta dhaawaca ahna waxaan Alle uga baryayaa caafimaad taama inuu siiyo. 
W/Q:- kamal ismail aden
ALLAA MAHAD LEH



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured