ARAGTIDA KU WAAJAHAN ICTIRAAFKA SOMALILAND 10 KA SANO EE SOO SOCDA. W/Q Eng.Cabdixakim Maxamed Cabdi (Samokaab)

0
Thursday April 05, 2018 - 20:16:51 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 224
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    ARAGTIDA KU WAAJAHAN ICTIRAAFKA SOMALILAND 10 KA SANO EE SOO SOCDA. W/Q Eng.Cabdixakim Maxamed Cabdi (Samokaab)

    ARAGTIDA KU WAAJAHAN ICTIRAAFKA SOMALILAND 10 KA SANO EE SOO SOCDA. W/Q Eng.Cabdixakim Maxamed Cabdi (Samokaab)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

ARAGTIDA KU WAAJAHAN ICTIRAAFKA SOMALILAND 10 KA SANO EE SOO SOCDA. W/Q Eng.Cabdixakim Maxamed Cabdi (Samokaab)
Haan ku bilaabo, idamka alleh, toosan quman, lagu aflaxayo isla markaana ay ku horumarayaan cid kasta oo raacdaa, cida ka hor timaadana ragaadinaya.
Waa qoraal kooban oo aan qalinka u qaatay, kana hadlayo aragtida ku waajahan aqoonsiga somaliland, waa hubaal in maanta ay muuqato arimo badan oo lays odhan karo way dhawdahay citiraafka somaliland, hadii eebe ka dhigo 10 ka sano ee soo socda.
Waxaynu ogsoonahay, garanaynaa amaba garwaaqsanaynaa in aqoonsiga somaliland ay ku xidhan tahay dalkii ay ka go’een ee lays ku odhan jiray Somalia iyo beesha caalamka. Sababta keentayna ay tahay khalad hore uga dhacay maalintii ay somaliland la midoobaysay somalida koonfurta, iyagoo aan wax qoraal ah aanay kala qoran, waxay hore loogu maahmaahay "alif kaa xumaadaa al baqra ayuu ku dhibaa” waa xaqiiq in somaliland ay hore uga xumaatay raadintii somali weyn oo ahayd 5tii soomaali oo midooba, taasina ay ahayd jibo, mida meesha ku jirtaa amaba laysku maandhaafsan yahay waxay tahay ama ba la ogsoon yahay jiritaanka somaliland wixii ka horeeyay somaliya miyay jirtay mise may jirin? waa hubaal in beesha caalamku wada ogsoon tahay jirintaankii hore ee somaliland horena loo odhan jiray Somaliland British protectorate taas oo micno ahaan afsoomaliga ku noqonaysa maxmiyada Somaliland ee biritshka oo looga jeedo ingiriiska.
Marka laga hadlayo xuduudaha caalamka waxaa saldhig u ah qodob ku qoran diwaanka qaramada midoobey kaas oo ah "xuduudaha caalamku waxay ahaanayaan sidii ay guumaystayaashu u dhigeen”
Wallow Somaliland aan la guumaysan oo ay maxmiyad u ahayd ingiriiska ayaa hadana qodobkani noqonayaa mid ay ku mutaysan karto ictiraaf ama aqoonsi.
Hadaba maanta waxaa muuqda hore u socodka geediga dimiqraadiga dawladnimo ee somaliland, taasna waxaa la wada arkay sidii nabdoonayd ee madaxweynayaasha somaliland isku badaleen markii loo qabtay doorashooyin xor iyo xalaala oo lagu astaysanayo hal qof hal cod (one man one vote)
Waxaa hore u dhacday iyadoo ay miiska u saaran tahay aqoonsiga somaliland markii uu la wareegay madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (siilaanyo) ay ka qayb galeen shir ka socday ingiriiska oo ay isugu imaadeen 50 dawladood oo la tusayay in somaliland ay ka mid tahay somaliya isla markaana wax aqoonsiya aanay idiinka baahnayn, taasi waxay ka dhigtay in maalintaasi luntay aqoonsigii looga baahnaa beesha caalamka, kana dhigtay in dib loo raadiyo, waa ta maanta aan qalinka u qaatay in aan wax ka qoree cadeeyana ilaa 10 ka sano ee soo socda in somaliland heli doonto aqoonsi waara oo cad.
Haan qodobeeyo, lafa guro sida ay somaliland 10sano lagu citiraafayo.
Waa qodobka koobaad, Somaliland waxay gaadhaysaa 27sano inta ay gooni u taagan tahay isla markaana aduun weynaha ay ka sugayso aqoonsi, waa hubaal mudadaasi dhaaftay rubuc qarni, waxay ay buuxisay dhamaan shuruudihii dawlad nimo looga baahnaa waxay leedahay saddexdii rugni ee dawladnimo (goolihii sharci dajinta, goolihii fulinta iyo maxkamada) taasi waa mid la ogsoon yahay in dawlad intaasi lagu yaqaano jiritaankeeda, waxa kale oo ay leedahay xuduudo sugan oo aan cusboonayn xuduudaas oo ka turjumaya sidii ay ahaan jirtay wigii la odhan jiray Somaliland British Protectorate, taasi waa mida muqadas ka ah ee aan layska indho tiri Karin isla markaan keenaysa aqoonsiga Somaliland.
Aragtida galbeed ama maraykan uu maanta gooni isu taaga ka aaminsan yahay:
Waxaa maalin aan maanta ka dheerayn ka hadlay arintaasi madaxweynaha cusub ee maraykan ka, waxaa uu iftiimiyay ama ba cadeeyay in somaliland la aqoonsado, sababtuna ay tahay nabada sugan oo ka hana qaaday iyo dimuqraadiyada ka hirgashay, waxaa kale oo uu cadeeyay in somaliland la aqoonsan waayo ay sabab u tahay in laga badbaadiyo qalalaasaha ka taagan geeska si aanay ugu milmin argagixisada ka hawl gasha koonfurta somaliya ee loo yaqaano alshabaab, taasi waxay sal u tahay maadaama maraykanku maanta aduunka ka yahay dalka ugu awooda weyn siyaasadiisuna meesha uu doona marsada, dana uu u arkay aqoonsiga somaliland waa hubaal in aanay cid ka hor imanaysaa aanay jirin, hadiiba ay dhacdo cid ku mucaaridaa waxay noqon kartaa 5% boqolkiiba shan. Taasi waa ifafaalo muuqda in mudadaasi uu xilka hayo madaxweynahaasi Trube la filayo aqoonsiga somaliland. 
Waa qodobka saddexaad, waxaynu ogsoonahay, in maanta dawlada weyn ee islamiga ah waa dubia ee ay maalgashatay dikataa berbera oo ah meesha dhaqaalaha ugu weyni ka soo galo somaliland, mar hadii ay dhaqaalo waarta, oo ubuc iyo baaxad leh ay hesho somaliland ay noqon karto mid dhaqaalaheedu u saamaxo aqoonsi, waxaynu ogsoonahay in dekeda berberi ay tahay meel istaratiijiya oo kulmisa dhamaan aduunweynaha africa, asiya, yurub, iyo labbada maraykan waa USA iyo latin america, taasi waxay suurto galinaysaa in aduunka oo dhami ay dan ku qabaan isticmaalka dekeda berbera, waa mid ugu mudan ee keenaysa aqoonsiga somaliland 10ka sano ee soo socda.
Waa qodobka afaraad ee hadii ay somalia ay ka biyo diido aqoonsiga somaliland waxaa hubaal ah in marka beesha caalamku danahaas qodobka saddexaad arkaan ay samayn doonaan in afti laga qaado dadka reer somaliland oo ay u codeeyaan in ay ka tirsanaan doonaan somaliya amaba gooni isu taagi doonto, waxaa xaqiiq ah in bulshada somaliland ay 99% (boqolkiiba sagaal iyo sagaashan) ay u codayn doonaan gooni isu taaga somaliland,
Waa qodobka shanaade Madaxweynaha maanta talada dalka haya waxaa ka go’an in Somaliland hesho aqoonsi buuxa.
Eng.Cabdixakim Maxamed Cabdi (Samokaab)



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured