Dareenada Ku Xeeran Dib Usoo Cusboonaanta Colaada Ceel-Afweyn iyo Kusoo Noqoshada Dalka Ee Ex-Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi, Faallo: Engr. Xamdi Aw Ciise Kaahin

0
Thursday April 05, 2018 - 06:08:04 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1635
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dareenada Ku Xeeran Dib Usoo Cusboonaanta Colaada Ceel-Afweyn iyo Kusoo Noqoshada Dalka Ee Ex-Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi, Faallo: Engr. Xamdi Aw Ciise Kaahin

    Dareenada Ku Xeeran Dib Usoo Cusboonaanta Colaada Ceel-Afweyn iyo Kusoo Noqoshada Dalka Ee Ex-Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi, Faallo: Engr. Xamdi Aw Ciise Kaahin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dareenada Ku Xeeran Dib Usoo Cusboonaanta Colaada Ceel-Afweyn iyo Kusoo Noqoshada Dalka Ee Ex-Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi, Faallo: Engr. Xamdi Aw Ciise Kaahin
Waxa maanta markale dib usoo cusboonaaday xaaladii colaadeed ee mudada soo jiitamaysay ee deegaanka ceel-afweyn ee gobolka Sanaag taas oo mudo ba soo noqnoqonaysay iyadoo u dhaxaysay beelaha walaalaha ah ee Habar Lamaan oo sida magacooda ka muuqata colaadan siyaasadaysan ka hor ahaa beelo walaalo ah oo ku midaysnaa wadajirka nolosha iyo danaha deegaankooda ee ay wadaagaan.
Colaada la dhexdhigaayo labadan beelood ayaa mudooyinkii ugu danbeeyey isasoo taraysay iyadoo isla markaasina u muuqatay mid la siyaasadeeyey oo gacmo kale oo ka baxsan dadka deeganka kuwada nool soo dhexgaleen,
Shaqsiyaadkii lagu eedaynaayey mudooyinkii ugu danbeeyey hurinta colaada dhex taala labadan beelood ayaa waxa ugu miisaan cuslaa Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi oo intii uu xilka hayey iyo hada oo aanu xukuumada xil ka haynba loo tuhunsan yahay inuu isagu ka danbeeyey hurinta iyo dib u soo kicinta colaada labadan beelood ayaa maalin nimadii doraad dalka kusoo guryo noqday safar uu dalka kaga maqnaa kadib,Iyadoo isla markaana isagoo aan dalka joogin 72 saacadoodba uu dib u qarxay dagaal cusub oo ka dhex dhacay labadaas beelood ee wada dega deegaankaas ceel afweyn ee isku abtiga iyo seediga ah Colaada siyaasadeedna lagu kala qaybinaayey mudooyinkii u danbeeyey.
Hadaba arinta dareenka shakiga abuuray dhalisay ayaa ah maxaa xiligan isku soo beegay kusoo laabashada dalka ee Ex-Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi iyo dib u curashada dagaalka iyo colaadii labadan beelood oo mudo kayar 40 cisho kayar xaaladooda colaadeed dirqi lagu soo afjaray laguna dhameeyey dhaar iyo go’aamo adag oo odayaasha iyo waxgaradka labada beelood la isku horfadhiisiyey dawladuna doorkeedii ku dadaashay .


Colaada deegaankan uu ka hurinaayo Wasiir Maxamuud Xaashi maxaa lagu macnayn karaa inuu uga jeedo.

1. Ma wuxu ku xumaynayaa Madaxweyne Muuse Biixi oo uu ka ruxaayo inuu Xisbiga Kulmiye ku wareejiyo
2. Ma ujeedo ka fog ayuu ka leeyahay Maxamuud Xaashi hurinta Colaada labadan beelood,mise baalaayo kale ayaa shidaysa oo ku kalifaysa inuu huriyo daadashada dhiiga bulshadan walaalaha ah 
3.Maxaa isku soo beegaya marka dhaqdhaqaaq colaadeed ay bilowdo Puntland in dib loo istaadho colaada iyo dagaalka labadan beelood
Isku soo wada duuboo Ummadda Somaliland waxay u dhegtaagaysaa go’aana iyo talaabada uu Madaxweyne Muuse Biixi ka qaado Siyaasigan guracan ee danahiisa gaarka ah u hurinaaya daadashasada iyo hurinta Colaadan soo noqnoqotay ee Siyaasadaysan.
Engr.Xamdi Aw Ciise Kaahin
Hargeysa/Somaliland


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured